views
Saamilaydii Shirkada Hormuud telcom oo ay lasoo deristay wewel cusub.
Laga soobilaabo Burburkii dalkeena soomaray 1991 waxaa abuurmayey shirkado Ganacsi oo hawlo kala duwan qabanaya sida,Xawaaladaha, Isgaarsiinta, Kaluumaysiga Iwm, waxaana dadku kahelayeen shaqooyin yar-yar walow aysan kamarnayn hayb-qabiil.
Shirkadihii dalka Soomliya laga dhisay waxaa ugu weynaa Shirkadii Albarakat oo ladhisay sanadkii 1993 waxayna isku haysay laba Qaybood oo kala ah Xawaalad iyo Isgaarsiin, waxaana Maamule kanoqday Wadaadka looyaqaan Sheekh Ahmed Nuur Ali Jimcale.
Sanadkii 2001 Bishii Nov ayaa loo aqoonsaday inay lashaqayso Argagixisada Caalamiga ah waxaana lagu soorogay xanibaad dhinaca Dhaqaalaha ah,iyadoo ay hantidoodii kuwaayeen boqolaal soomali & Ajaanib intaba, wixii xiligaas kadanbeeyeyna bulshadu waxay
Ka foojigan tahay in hantidoodu kulunto si sahlan. Bartimihii sanadkan ayaa waxaa sidii oo kale maalin qura laxiray xafiisyadii ay Lahayd Shirkadii Xawaaladda Qaranexpress, oo ahayd shirkadaha ugu hantida badan uguna sumcada badan, waxaana sabab u Noqday ishaysad salkiisu ahaa (Qabiil).
Hadaba qormadeena waxaan kusoo qaadanaynaa dhibaatooyin soowajahay shirkada isgaarsiinta hormuudtelcom xiligan waxayna Salka kuhayaan lana midyihiin kuwii ay kuduntay shirkdii Qaranexpress, waxana maalmahan kusoo baxayey jaraa,idka gudaha iyo Dibadaba Qormooyin ay kanexeen Saamilaydii Hantida kudarsatay Shirkada Hormuudtelcom.
Waxaana hada kasocda dalka gudihiisa iyo dibadiisba tuhuno kusaabsan inay jiraan Saamilay kala baxaday Hantidoodii Shirkadas, Waxaan Khadka telfoonka kula sheekaystay, mid kamid ah dadka saamilayda kamid ah kuna sugan dalka Ustarelia wuxuuna ii Sheegay inay heleen warka intiisa badan wuuna hada safar uyahay dalkii hooyo si uu arintaan uga digtoonado.
Xubintan oo kamid ah dadka hantida ugu badan kuleh shirkada Hormuudtelcom ayaa kucalaacalay inuu kabaqayo in inta uusan Dalka gaarin ay arintu faraha kabaxdo. Adeer Qaranexpress Maalin qura ayey kuxirantay midanina kama duwana waaba isku mid Ayaan kudhihi karaa ayuu hadalkiisa kusoo gebagebeeyey.
Waxyaabaha shirkad dhibaatada u horseeday ayaa waxaa kamid ah, kadib markii ay iska horyimaaden qaar kamid maamulka iyo Saamilydu, waxaana layskaga horyimid sida wararka lagu helayo barnaamij cusub oo lagu dhagaysanayo Telfoonada Gacanta ee Macaamiishu ay isticmaalaan , iyadoo lagana tuhun qabo inay arimo siyaasaded kadanbeeyaan.
Hadii ay arimahani ay sidan kusii socdaana shirkadani waxay noqon doontaa shirkadii sadexaad oo burburta iyadoo aan dhibato Dhaqaale lakulmin.
Suldaan Ali Abdulahi Hassan
Västerås/ Sweden
Warar kale oo la xariira
Up coming
views
views
views
views
views
views
views
views
views
views