25
views
views
Guddiga Qaban-Qaabada shirka Ceelwaaq oo ka jawabay hadal ka soo yeeray koox sheegatay in ay qadacday Shirka Ceelwaaq
Qaban-qaabiyeyaasha shirweynaha beesha Sade uga furmi rabo dhawaan magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo waxay muujinayaan sida ay uga xun yihiin diidmo shirkaas ku saabsan oo ka soo yeertay Guddiga Xiriirka iyo dib u heshiisiinta ee gobollada Jubboyinka ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano (GXDGJ).Shabakadaha Soomaalida qaarkood ayaa baahiyey maalmo ka hor warbixinno la xiriira in guddigu nasiib darro iyo wax aan wax ku ool aheyn ku tilmaamay shirka Ceelwaaq, ayna wataan dad dano gaar ah leh.
Haddaba haddaanu nahay xubnaha guddiga qaban-qaabinayo shirka loo madlan yahay Ceelwaaq waxaanu dooneynaa in aan xubnaha GXDGJ u sheegnay in diidmadooda aanay wax natiijo ah keeneyn, muujineysana in ay wali jiraan shakhsiyaad rabo in uu sii jiro khilaafka iyo midnimo la’aanta beesha Sade maanta ka dhex-taagan.
Waxaanu guddiga u sheegeynaa haddii ay rabaan in ay shir qabtaan in ay ka soo qeybgalaan kan hadda la isugu imaanayo Ceelwaaq dhawaantan ee gogoshiisu taalla, laakiin waxaa wax laga xumaado ah in inta badan xubnaha guddiga GXDGJ oo qurbo-joog ay dibadaha ka muujiyaan qeylo dhaan.
Waxay aheyd in ay ku taageeraan ciddii wado isku imaatin iyo midnimo, hase yeeshee ma aheyn mid GXDGJ laga filayey warka ka soo yeeray.
Qaban-qaabiyeyaasha waxay halkan ka cadeynayaan in shirka Ceelwaaq uusan aheyn mid dad gaar ah ay wataan, loogana soo horjeedin cid gaar ah, keliyana ujeedada laga leeyahay ay tahay in la isku keeno beesha oo aayaheeda ay ka tashato.
Beesha Sade waxay baahan tahay talo, midnimo iyo aayo ka tashi dhan walba leh.
Wabillaahi Towfiiq,
Guddiga Qaban-Qaabada shirka Ceelwaaq.
Up coming
1
views
views
Badweyn ─ Number of View :11Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa ka hadlay xIrnaanshaha wadooyinka qaar oo saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ay ka mamnuuceen adeegsiga gaadiidka dadweynaha arintaas oo saamayn ku yeelatay dhaq-dhaqaaqii ganacsiga xawliga ku socday ee wadada Makka Al-Mukarama oo loo diiday isticmaalka gaadiidka dadweynaha. (Tarsan) ayaa cadeyay in dhawaan magaalada Muqdisho lagu arki doono ciidan gaara oo sugi doona amniga magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya,wuxuuna tilmaamay in maamulka gobolka ...
1
views
views
Star Fm ─ Xaalada magalada Garissa ayaa dagan saakay ka dib markii halkaasi xalay rag hubaysan ay ku dileen 2 qof oo rayid ah . Raga burcada ah ee fuliyay dilka 2 qof ee aan waxba galabsan ayaa waxa ay ak baxsadeen goobta ka dib dilka . Booliiska Garissa ayaa awxa ay sheegeen in ay wadaan baaritaan la xiriira dilak labadaasi qof ee rayidka ah . Gavanaaga countiga Garissa ayaa waxa uu ...
5
views
views
Star Fm ─ waxaa xalay abaarihii 2:habeenimo lagu dilay xerada ifo 3 qof oo shacab ah midna waa lagu dhacay alahaa unaxaristee dadkan dhintay ayaa kamid ahaa waardiyaalka suuqa ganacsiga ee xerada ifo lama garanayo sababta iyo cidii dishay misna .dadka xerada ayaana si aad ah uga argagaxay arintan. waana markii ugu horeysay ee labeegsado dadka ilaaliya goobaha ganacsiga xiliyada habeenkii ah. arintan ayaa kusoo adaysan ayadoo dhawaan lagu dilay xeradaas ifo lagu ...
13
views
views
Star Fm ─ Dagaalo ka dhacay deegaano saaran xadka u dhaxeeya Itoobiya iyo gobalka Hiiraan ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 17 qof oo isugu jira maleeshiyo hubeysan iyo dad rayid ah. Weerarkan ayaa ka dhacay goobo u jirta magaalada Beledweyne 75km dhinaca xaduuda Itoobiya, wuxuuna bilowday kadib markii ay xoogaga Al Shabaab isku dayeen inay xoog dad reer miyi ah uga qaataan xoolahooda. Al Shabaab ayaa la sheegay inay baadi goobayeen ...
8
views
views
Raxanreeb ─ Muqdisho(RBC Radio) Xildhibaanadii ku adkeystay Mooshinkii ay xukuumadda ka keeneen ayaa sheegay iney mar kale soo celin doonaan Mooshinka ay ku doonayaan iney ku ridaan xukuumadda R/wasaare Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid oo shalay la doonayey in codka kalsoonida loo qaado balse aysan suurta galin kadib markii intii badneed mudanayaashii Mooshinka horkacayey lagu qanciyey iney ka laabtaan go’aankaas. Wuxuuna xildhibaanku carrabka ku adkeeyey ineysan ka hari doonin xukuumadda R/wasaare ...
4
views
views
Qurbe Joog ─ Washington May 23,2013(SDN)Dawlada dalka Mareykanka ayaa qiratay in duyuuradaha dhulka laga hago weerarada ay qaadaan ay ku dhinteen afar ruux oodalkaa u dhashay ilaa iyo haatan. Muwaadiniinta dalka Mareykanka ee lagu khaarijiyay weerarada duyuuradaha Droneka loo yaqaano ayaa ku hawlanaa qorsheynta falal ka dhan ah Mareykanka. Weerar sanadkii 2011kii lagu dilay Anwar al-Awlaki ayaa waxa ku geeriyooday inan uu dhalay oo 16 jir ahaa iyo Samir Khan oo gidigood ahaa ...
4
views
views
Qurbe Joog ─ Hargaysa 23.May (SDN)War-saxaafadeed uu soo saaray wasiirka wasaaradda shaqada iyo Arimaha Bulshada Mud,Maxamud Axmed Barre Garaad,ayaa ku sheegay in la qaban doono shir Qorshe Qaran oo la xidhiidha shaqo abuurka. Warsaxaafadeedkan oo Nuqul ka mid ah uu soo Gaadhay Shabakada Qurbejoog.com ayaa lagu sheegay in Shirkani uu furmi doono 24-ka ilaa 25ka Bisha June 2013. Warsaxaafadeedka oo dhamaystiran ayaa u dhignaa Sidan:- Inkasta oo dhaqaalaha Dalku si Tartiib tartiib ah ...
10
views
views
Qurbe Joog ─ London May 23,2013(SDN)-Dadka reer London ayaa argagixii ugu weynaa uu maanta soo wejahay ka dib rag Argegixiso ahi ay ku dileen mid ka mida askarta dalkaasi wado hor marta Xero ciidamadu ku lee yihiin xaafada Woolwich. Ragan ayaa la hadlayay dad ku soo ururay goobta ay ninkan ku dileen isla markaana ka hadlay sababta ay falkan u geysteen.
1
views
views
Nuxur ─ Wararka ka imaanaya Magaalada Garissa ee gobolka Waqooyi Bari ee Kenya ayaa sheegaya in xaalada adag ay ka jirto kadib markii xalay halkaas lagu Dilay laba qof oo shacab ah . Wararka ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay halkaas ay Ciidamada Kenya ka wadeen baaritaano adag kuwaas oo ku baadi goobaya dadkii ka danbeeyay Dilalka iyo Xasilooni darada ka jirtay bilihii la soo dhaafay halkaas. Governorka Garissa Nadiif Jaamac ...
5
views
views
Nuxur ─ Wararka ka imaanaya saacadihii la soo dhaafay koofur bari magaalada London Xaafad lagu magacaabo Woolwich, oo lagu Dilay askarti Booliis ah ayaa sheegaya in wali ay socdaan baaritaano kala duwan. Wararka ayaa sheegaya in Camerooyinka lagu Xiro wadooyinka lagu arkay Labo nin oo madow ah watana Mindi iyo faas kuwaas oo la dhacaya askari ka tirsan Ciidamada British oo ka soo baxay xero ku taal Woolwich. Wararka ayaa sheegaya in ...