24
views

Jaho-wareer. W/Q Seynab Qorane

Jaho-wareer
Seynab Qorane
sqorane@hotmail.com
Janaayo 04 2013

Tuulo haddaad damcdo ku taalla Soomaaliya inaad Iskool ay dhallaanka tuuladaas wax ku dhigtaan ama qol yar oo dumarka looga dhaliyo waa inaad ugu yaraan ogaysiisaa Dawladaha dariska ah iyo Dukaanka UN ka ugu furan Suuq gaynta Soomaaliya !!!

Ragga Soomaaliyeed ee la yiraahdo waa ”Siyaasiin” intay cid kasta oo aan shaqo kulahayn ka tala galiyaan ama ka dhagaystaan wixii laga yeeli lahaa Dalka Tuulooyinka loo kala xayn daabay shacabkana ka dhigaan mid aan hadlin ayay marka miidda laga dhamaysto ee la iska tuuro ku hadaaqaan Reer hebel , Gumaysi iyo Galbeed ayaa wax halaynaya .

Shicibka soomaaliyeed ma lahan Xildhibaano kuwa haatan xanbaarsan magaacaas ma jiro Mudane ama Marwo maanta oran karta dadkaan matalo waa ka war hayaa baahidoodana way iisheegeen waxaana u taaganhay xalinteeda , meel ay ku tirsan yihiin waxaa ka jirto Liiska UNDP oo mushaarkooda meel u saartay muraadna ka leh.

Wasiirada war iyo waraaqo ayay maraysaa shaqadooda marka laga reebo tan maaliyadda oo gurta Canshuur aan la iigu badalayn nabad galyo, Tacliin iyo wixii aan xaq ugu leeyahay dawlad markaan canshuur bixiye ahay , arimaha dibadda war wareeg ayaan ilaa haatan aragnaa , wax sooraarka cid hadal haysa ma muuqato , tacliinta iyo dhallaanka waxaan wali taaganahay adduunka waa inuu wax nala qabto ama na caawiyo sidii anagoo wax horay ugu dhiibanay .

War-faafintu warka ”Madaxda” Dawladda iyo raaciyayaasha moogi ma hayaan dhiiri galinta dhinac yada bulshada dhalintuba ha u badnaatee , dhank DIintana wadaad isu marinaya moogiye Buuniyaashii Soomaliyeed ee Cilmiga Islaamka kama soo Baxaan, waxtar keedu kama badna madax dhooftay iyo kuwa soo dagay iyo dananka muusikada iyo qaar kaloon dan noogu jirin .

Idaacadaha darsinada ah ee xamar ilaa xaafuun waran waxay kobcinayaan akhrin la’aanta jaahilnimo iyo muran afka laga shubo , intooda badana waxaa ku socdo tuubo dal kale ka imaanaysa oo doolaraad laga listo , marka qof kasta Raadiye FM ah dhagta saarto ee maalin iyo habayn lagu shubo sheekooyinka qalbiga aadanaha wax yeelleeya wuxuu qofku qabatimayaa wax yeellaynta oo wuxuu aaminayaa inay tahay qayb nolosha ka mid ah .

Markuu ilaahay Bilaabay soo dajinta Diinteenna Islaamka waxaa Suubanaha looga Bilaabay Akhri , lama oran Tuko , sadaqo iyo sako bixi , Soon iyo Salaad lama farin waxaa la faray inuu akhriyo waa jidka aqoonta ee looga xuub siibto jahliga iyo aqoon xumada , xiligii ka horeeyay Islaamka lama oran casrigii dhagax (sanam) caabudka , waayadii qabyaaladda , waxaa lagu suntay Casrigii Jaahiliga (aqoon la’aanta )

Waxaa maanta marag ma doonta ah in shicibka soomaaliyeed uu hayo cudurka Jahliga , dhawrka aan aqoonta bidnayna Af-qalaad unbay barteen iyo aragtiyo Odayaal jiritaanka Ilaahay muran galiyay Suubanahana Inkiray oo diiday Jidkiisii, inkastoo ay arag soomaali leeyihiin hadana dhaqankii suubanaa waa ka awaareeyeen oo waxay daba rucleeyeen Aflaton , Orosto iyo Roso.

Jaha-wareerka jira jahligaa u sabab ah , jaahilka aan aqoon yahanka moodnay ayaa jidkii na waydaariyay , Alloow jidkii Nabi na qaadsii aamiin.

W/Q Seynab Qorane.

================================================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH GABAY, MAANSO MAQAAL, SHEEKOOYIN GAA-GAABAN AMA WAXKALEBA U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Read full story >>

2
views
Laacib Net ─ Jose Mourinho ayaa ka tagi doona Real Madrid ka dib kulankooda ugu danbeeya ee horyaalka ee 1da bisha June, sida ay sheegayaan warar soo baxaya. Kulanka ugu danbeeya ee xilli ciyaareedka ee kooxda Los Blancos waxa ay Santiago Bernabeu kula ciyaarayaan Osasuna, waxaana jariirada Madrid ka soo baxda ee AS ay sheeganeysaa in tababaraha reer [...]
3 hours, 37 minutes ago
4
views
Horufadhi ─ Magaalada Seatle washinton ee dalka Maraykanka ayaa si balaadhan looga xusay maalinta nadaafada deeganada SSC ee Khaatumo State of Somalia, jaaliyada iyo dhalinyarada gaashaaman ee deeganada Khaatumo ayaa si blaadhan uga xusay halkaas, ayagooo garoomada ay kubada ku cayaaraan iyo goobaha kale ee halbawlaha ah ka nadiifyey qashinka maadama ay tahay 18ka May maalinta loo [...]
3 hours, 37 minutes ago
2
views
Golis News ─ Hargeysa(Golisnews)-Daawo Daawo Suldaan Yuusuf Xiirey Oo Beeshiisa usoo jeediyey inanay Xukuumad ku Mucaaridin Mar uu Shalay Ka Hadlaayey Xaflad Lagu Qabtay Deegaanka Baba-bahal ee Degmada Sabowanaag Miyir Cali Xuseen Hargeysa Golisnews Office info@golisnews.com Tel : 00252 634046313
3 hours, 37 minutes ago
3
views
Golis News ─ Hargeysa(Golisnews)- Maanta ayaa waxa Xabsiga laga siidaayey Maxaabiistii u xidhnayd Falkii ay iskaga horyimaadeen Ciidamada Xerada Warshada Kabista Hargeysa iyo Qoys ay dhul ku muransanaayeen .Dhacdadan oo ahayd mid warkeedu gaadhay dhamaan Caalamka oo dhan ayaa waxa ay saaka kusoo gabagabowday in lasoo daayo dhamaan xubnihii loo xidhay arinkaas .Xubnahan u xidhnaa Falkan oo Todoba iyo Toban kamidi xukunaayeen Inta kalena Rumaan ku jirtay ayaa waxa siidaynoodu ka danbaysay kadib ...
3 hours, 37 minutes ago
2
views
Ciyaaro ─ Arsenal ayaa ugu danbeystii heshay booska ugu danbeeya ee loogu soo baxayo Champions League kaasoo ay ka tuurtay kooxda ay dariska yihiin ee Tottenham Hotspur markii kulankii ugu danbeeyay ee Premier League ay 1-0 kaga badisay Newcastle United. Laurent Koscielny oo difaaca ka ciyaara ayaa Arsenal u dhaliyay goolka guusha daqiiqadii 52d kaasoo u xaqiijiyay booska 4d ee horyaalka markii ay heshay 73 dhibcood, hal dhibic ayeey kaga qaaday kooxda ...
3 hours, 37 minutes ago
2
views
Bar Kulan ─ Hal qof ayaa dhintay, lix kalana way dhaawacmeen shil gaari oo galabta ka dhacay duleedka magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer. Taliye ku-xigeenka saldhigga booliska Burco, Deeq Cabdi Yuusuf oo tagay goobta uu shilku ka dhacay ayaa Bar-kulan u sheegay in gaari xamuul ah uu ku dhacay gaari kale oo kuwa raaxada ah. Deeq waxa [...]
3 hours, 38 minutes ago
2
views
Bar Kulan ─ Kooxda Arsenal ayaa ku dhammeysatay kaalinta 4-aad ee horyaalka Ingiriiska ka gadaal markii galabta ay 1-0 kaga badisay New Castle United kulankii u dambeeyay ee horyaalka xilligan. Goolka oo uu saxiixay Koscielny ayaa Arsenal siiyay 73 dhibic, iyadoo dhibic ka sara martay kooxda Tottenham oo ku dhammeysatay horyaalka 72 dhibic. Arsenak waxay cayaari doontaa isreeb-reebka [...]
3 hours, 38 minutes ago
5
views
VOA Somali ─ Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha waxaa marti ku ah madaxa ururka Somali Action Alliance ee gobalka Minnesota Xaashi Shaafi, waxa uuna ka waramayaa 9 qof oo Soomaali ah oo maxkamadda Minnesota ay xukunno argagixisanimo ku ridday.
4 hours, 35 minutes ago
6
views
Somali Midnimo ─ Kismaayo Oo Ciidamada Shisheeye Ay Ka Tirtirayaan Towxiidka!. Ma Towxiid Ayaa Sidaas Ku Tirma?. KISMAAYO:- Waaliga Wilaayada Islaamigaa ee Jubbooyinka Sheekh C/raxmaan Xudayfa Xafidahullaah ayaa ka hadlay xaaladda Magaalada Kismaayo oo kamida qaybaha Saliibiyiinta Kenya iyo Murtadiintu ay gacanta ku hayaan, waa markii ugu horaysay ee Waaliga Jubbooyinka uu ka hadlo dhowrka Madaxweyne Nimanka sheegtay ee isku haysta Caasumaddii Wilaayadda Islaamigaa ee Jubboyoonka Kismaayo. Sheekh C/raxmaan Xudayfa wuxuu sheegay in ...
4 hours, 35 minutes ago
3
views
Raxanreeb ─   Muqdisho(RBC Radio) Hay’adda Nabadsugidda qaranka Soomaaliyeed ayaa iska fogeysay iney ku lug leedahay cabasho kasoo yeertay mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya kuwaas oo sheegay in kulan qado ah oo ay ku yeelan lahaayeen mid ka mid ah Hoteelada magaalada Muqdisho ay iska hortaageen ciidamada Hay’adda Nabadsugidda qaranka Soomaaliyeed. Agaasimaha guud ee hay’adda Nabadsugidda qaranka Gen. Bashiir Maxamed Jaamac Bashiir “Goobe” oo maanta shirkiisii Jaraa’id ee ugu horeeyey tan iyo ...
4 hours, 35 minutes ago