28
views
views
Reer Somaliland iyo wasiir xirsi oo iska waraysanaya waayaha dalku uu marayo tolow maxay isyidhaahdeen?
reer SLN; waa lagu salaamay wasiir xirsi ma bad qabtaa adiga iyo duqii?
wasiir xirsi; balo ma jidho haday jidhana ma buura,
reer SLN; wasiir dalkii meel walba qaylo ayaa ka yeedhaysa bari ilaa galbeed bal nooga waran waxa sababay?
wasiir xirsi; waa afar canaasiira oo waalan haday fadhiisan waayaan waa la soo qabqaban,
reer SLN; waar taas siyaad bare ayaa ku fashilmay oo markii danbe ay xukuumadiisii xooga badnayd ay galaafatee maad ka dayside rag walaal waxa uu ku dhaamo lawaaye?,
wasiir xirsi; idinka waxan idin ka maqan ee aad raadinaysaan waamaxay sowkaas dalku barwaaqada k ujiro ee habar walba lulanayso ma belodoon ayaad tihiin;
reer SLN; wasiir dalka ayaanu lexejeclo ka qabnaa oo waxaa noo muuda dhibaatadaas meel walba laga sheeganayo qayladaas uun baa nasoo kicisay;
wasiir xirsi; ma cid ay wax ka maqan yihiin baa jirta sowtaas beel walba sadkeedii qaadatay dalkana aanu ka hirgelinay sadexda xisbi qaran kuwaas miyaydaan ka mid ahayn idinku;
reer SLN; oo waxaa la leeyahay kulmiye mooyee labada kale idinkaa hidhisaye side wax u jiraan!;
wasiir xirsi; miyaydaan maqal ushaada nimaad ka qaadan karto ayaa loo dhiibtaa! idinka ayaaban idiin dhiibaye ma yaxaas ilko leh ayaad guri soo gashan lahayd sow ku qaniini maayo!,
reer SLN; oo labad xisbi markii horeba iyaga ayaa xisbi wada haan jiray waa labadii garab ee UCID maxay dalka ku soo biirinayaan miyaan dalku u baahnayn xisbi mucaarida oo wax saxa oo dhaliisha xukuumada soo ban dhiga si loo helo isu dheelitir awooda ah si dimuqraadiyadii reer galbeedka aynu wax kaga doonaynay meesha uga muuqato;
wasiir xirsi; marka horeba ee labadan xisbi lasoo saarayay waxaa loogu talo galay inay kaladhada sheedhka is haystaan oo isku mashquulaan oo tobanka sano kaga dhamaado kanley iyo keerlay anaguna jaaniska ka faa,idaysano oo markale awooda ku soonoqono waayo waxaanu ogayn inaanay weligood noo midoobayn ileen waa laba biyo hoostood iska haraatiyee! hadii urur kale soo bixi lahaa waxay noqon lahayd dad siyaasada ku cusub oo aan cudurna kala qabin oo way noo heshiin lahaayeen, dee idinka reer Somaliland na sidaas ayaa idiin xasarad yar oo buuq iyo is qabqabsi arki maysaan iyo halkanaa xisbi mucaarad ah iyo kulmiye is haysataan oo amaanka dalku khatar idinka gelimaayo sidii dhicijirtay markii UDUB iyo kulmiye isu muuqan jireen sidii laba baarqab oo geel ku wada jira ee guryihiina nabad qabkaas ku jiifa;
reer SLN; waa talo fiican wasiir ee bal noosharax labada nin waxaad ku xulateen?
wasiir xirsi; horta labada nin waa isku caki s midna waa nin fudayd wax dhaafinayo waxuu ahaan lahaaba! nina waa nin aad u degen oo qunyar socod ah oo hadaad fartaada malab umariso inuu qaniino daaye xitaa muudsan maayo! midna aamus baa laga kari la yahay oo afkaaga bal hayso oo kaan tarool! midna waar bal hadal oo umada lahadal oo hadalku hakaa soo baxo oo isacadee waxaad aaminsan tahay ayaa laga kari layahay, waxaase weli aan garan waayay siday u wada socon jireen ee ay isu xamili jireen! waxaase umalaynayaa in midkood dulqaad kiisa wax ku waday;
reer SLN; dadkii ku dhintay mudaharaadka ee reer Somaliland muxuu madaxweynuhu xili aan ku haboonayn u tacsiyadeeyay xitaa ma tacsi ayuu u quudhi waayay!,
wasiir xirsi; waar si khaldan ayaad wax u fahanteene kalamuu bakhaylin xumaana kamay ahayn ee waxa uu islahaa isla sug inta qaarkale dhimanayaan aad marqudha iskaba raacisid oo yaanay kugu soo kala hadhin tacsidu!,
reer SLN; show anaagaa deg degaynay oo fudayd nalagu saliday ee waxaad ka warantaa qo ladan reer saylac maxay la qaylinayaan may iska aamusaan iyagaaba laba garqaaqa oo maalina jabuuti jooga oo ka qaxweeya maalina Somaliland;
wasiir xirsi; odayga ayaa isyidhi maayar nimada saylac u yar shaxaad oo qoladaas samaroon u yar bari si ay ugu qalbi qaboobaan ileen waatii deeganka lagaga batee waydinkii ogaa wixii naga gaadhay show meesha balaayo kale ayaa huursanayd anaguna meesha waxaanu islahayn intii yarayd ee xafiiltanka ahayd ee doorashada ayaa jirta show meel dhow maaha oo balaayo kale ayaa ku qarsoon markii aanu isnidhi Somaliland ban qarxay ayay ku noqondoontaa waataanu faraha ka qaadnay! dee ha samraan siilanyo isba 80 cod ayuu ku samree oo waqtigooda ha sugaan;
reer SLN; idinku sidee u fekerteen marka hore ma niman Somaliland boqolkiiba sideetan degen oo naf iyo maalba kula qaybsanaaya iyo nimankaas laba gardaaqa ah ee aan boqolkiiba toban ka joogin ee dalkaba joogin ayaad damacdeen inaad saxan wax ugu wada qay bisaan siyaasadaas guracan ma ina cumar geele ayaa idiin soo qoray!,
wasiir xirsi; sow ictiraaf kii meel walba inalama gelin ma nin aan la aqoonsan ayaa xiniinyo leh ma jabuuti ayaa manta dowlad isaga keen dhigi lahayd hadii aynu qaranimadeenii lixdan kii luntay haysan lahayn! oo maanta marba wala weyntaas sanka inaga mar marin lahayd!.
lasoco qayb kale dhawaan akhristayaasha sharfta leh.
aadan axmed nuur
khuurshe11@hotmail.com
——————————————–
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.
Up coming
2
views
views
WidhWidh ─ Dawlada dalka Mareykanka ayaa qiratay in duyuuradaha dhulka laga hago weerarada ay qaadaan ay ku dhinteen afar ruux oodalkaa u dhashay ilaa iyo haatan. Muwaadiniinta dalka Mareykanka ee lagu khaarijiyay weerarada duyuuradaha Droneka loo yaqaano ayaa ku hawlanaa qorsheynta falal ka dhan ah Mareykanka. Weerar sanadkii 2011kii lagu dilay Anwar al-Awlaki ayaa waxa ku geeriyooday inan uu dhalay oo 16 jir ahaa iyo Samir Khan oo gidigood ahaa Mareykan. Sidoo ...
5
views
views
VOA Somali ─ Guddiga Runta, Cadaaladda iyo Dib u-heshiisiinta Qaran ee Kenya, ayaa soo saaray warbixin ka hadlaysa baaritaanno ay ku sameeyeen xadgudubyadii kala duwanaa ee dalka Kenya, kuwaasoo ay ku jiraan Xasuuqii 84kii ka dhacay deegaanka Wajeer.
3
views
views
Somaliland Org ─ Badhan(Somaliland.Org)-Xukuumadda Somaliland ayaa markii ugu horaysay, ka hadashay qorsheheeda ku aadan Hindise Maamulka Puntland doonayo inuu Doorashooyin kaga hir-geliyo deegaamada Bariga Sanaag, taasoo Xukuumaddu ku tilmaantay mid aan la aqbali karin, dadka deegaamadaasina si weyn uga soo horjeedaan. Wasiir ku-xigeenka Macdanta iyo Biyaha Somaliland Cabdisalaan Maxamed Xasan oo todobaadkanba Booqasho shaqo ku joogay Deegaamada Bariga Sanaag, ayaa Dawan u sheegay in Bulshada Bariga Sanaag Taageero buuxda la garab-taagan tahay Dawladooda ...
2
views
views
Somaliland Org ─ Hargaysa (Somaliland.Org): Agaasimaha guud ee wasaarada maaliyada Somaliland Saleebaan Ciise Jaamac ayaa faah-faahin ka bixiyay baadhis uu hanti dhawrka guud ee qaranku ka sameeyay madbacada qaranka iyo cashuuraha barriga ee magaalada Berbera. Agaasimaha guud oo shalay warbaahinta kula hadlayay magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in wasaaradda maaliyadu ku wargelisay hanta-dhawrka guud inay badhis ku sameeyaan cashuuraha berriga Berbera, waxana uu tilmaamay in maamulka cashuuraha berriga ee Berbera ay wasaaradda ka codsadeen ...
4
views
views
Somali Midnimo ─ MUQDISHO:- Waxaad Arkaysaa Idaacadaha Afka Soomaaliga ku hadlaya sida BBC iyo VOA oo leh Deegaan kamida Hiiraan iyo Gaarisa ayaga oo leh , “Waxaa xadka Itoobiya ama Kenya kadhacay dagaal Al shabaab, Kenya iyo Itoobiya dhexmaray!. Waa xaggee Xadka Itoobiya iyo Kenya aan la leenahay?, Dad badan malaha Soomaali Galbeed iyo Goboladii NFD la oran jiray waa iska halmaameen, waxaa la yiri Baadi kugu raagta waxay noqotaa Hanti aad leedahay, ...
4
views
views
Somali Midnimo ─ KISMAAYO:- Waxaa Magaalada Kismaayo gaaray Warbaahinta Kenya gaar ahaan TV’ga KTN, waxaa wararku sheegayaan in xayisiintaan ay hordhac u tahay Xaflad lagu caleema saarayo Axmed Madoobe iyo Fartaag, Kenya waxay ku waasheen Jubbaland, “Timir Laf Ayaa Ku Jirta!”, Iska daa Siyaasiyiinta Kenya ee xattaa Shacabkii Kenya ayaa ku haya Kismaayo Jubbaland, waxay u qabaan in ay Dhulkii ay naga haysteen ku darsadeen, garan maayo macnaha ay samaynayso xayisiinta KTN laakiin ...
4
views
views
Somali Memo ─ Madaxii hore ee sirdoonka DF-ka ayaa daaha ka fayday xaqiiqda dhabta ah oo ay ku sugantahay Dowladda iyo qaabka u shaqeeyaan sedaxda mas’uul ee ugu sareysa DF-ka. Axmed Macalin Fiqi ayaa bishii hore magaalada Muqdisho uga dhawaaqay in uu iska casilay xilkii uu hayay ee ahaa Taliyaha waxa loogu yeero Nabad sugidda shacabka Soomaaliyeedna ay u yaqaanaan “Ashahaadda ladirirka”. Fiqi ayaa isagoo ku sugan magaalada Al-Khurduum ee wadanka Sudan wuxuu ...
5
views
views
Somali Memo ─ Boqolaal katirsan maleeshiyaadka DF-ka ayaa isbaarooyin soo dhigtay waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho iyagoona lacago baad ah ka qaadaya gaadiidka dad weynaha. Maxamuud Nuur Tarsan oo guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo duqa magaalada Muqdisho ugu magacaaban dowladda Xasan Sheekh ayaa shaaciyay in Muqdisho tahay magaalo kala xiran islamarkaana ammaankeeda aan laysku haleyn Karin. “Dhibaato ayaa ka taagan magaalada Isbaaro ayaa magaaladii looga caal la’yahay,ciidankii dowladdaa waddooyinka ayay isbaarooyin soo dhigteen oo ...
2
views
views
Puntland Voice ─ Muqdisho, Maajo 23, 2013….. Shirkii golaha wasiirada Xukuumada Federaalka Soomaaliya ee joogtada ahaa oo uu shir gudoominayo Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”, ayaa soo dhaweeyay go’aanka baarlamaanku uga noqday mooshinkii ka dhanka ahaa dawladda. Waxaa kaloo goluhu ka wada hadleen arrimaha federaalaynta dalka ee la xiriira Jubaland iyo wada xaajoodka Somaliland. Ra’iisal Wasaaraha ayaa saxaafada si toos ah ugala hadlay shacabka Soomaaliyeed kadib markuu dhamaaday shirkii golaha wasiirada. Kadib ...
4
views
views
Puntland News 24 ─ Shirkii golaha wasiirada Xukuumada Federaalka Soomaaliya ee joogtada ahaa oo uu shir gudoominayo Ra’iisul Wasaare [...]