49
views

SAYLAC HALKEE KU XIGTA ?

SAYLAC  HALKEE KU XIGTA ?

Badi dadweynaha Gobolka Awdal ayaa  waxay yihiin dad dhashay wixii ka dambeeyey sideetameeyadii ,isla markaana ay jaahwareeriyeen dagaaladii sokeeye kuwii SNM iyo kuwa kale oo ku haleelay koonfurta Soomaaliya ama Muqdisho ,

Waxa kale oo dadweynaha G/awdal ku abtirsdaa ka mid ah dadkii dhashay wixii ka horeeyey sideetameeyadii kuwaasoo iyagana ay maskaxda ka qaadday ama ay madaxmartayba dawladnimadii taliskii miltariga ahaa ee  Siyaad Barre ,isla markaana u badan dad wax kastoo sax iyo qaladba ku ah madaxa u ruxa ama indho la’aan iskaga aqbala ,waxanad mooddaa in cabsidii ay ka qaadeen  dawladii siyaad Barre  darteed daacadnimo an wakhtigeedii joogin ay meel kastaba ku seegeen ,maadaama aanay garanaynba mustaqbalka ubadkooda iyo tan beelaha guud ahaan ku abtirsada Samarroonka kuwaasoo dhammaantood siyaasadda geeska Afrika ka dhacsanaa afartankii sannadood ee u dambeeyey.

Dhinaca kale waxa jira qaybo kale oo ka mid ah dadka ku abtirsada gobolka awdal ,kuna kala filiqsan dalalka deriska ah ,gaar ahaanna Itoobiya iyo Jabuuti .

Haddabna markaan dib uraacno taarriikhda ,waxa cid kastaa ogtahay ama ku faantaa in Saylac  ahayd caasimadda reer Awdal intaan la samaynin ama la dhisin Boorama ,way kasoo baxeen Saylac o Boorama ayey isugu yimaaddeen .

Haddaan ku horreyno dadweynaha ku abtirsda Adal ee  cagta hoosteeda lagu geliyey dalka Jabauuti ,oo maanta loo haysto inay tahay dawlad  Ciise ,waxayna dadweynaha awdal iska aamineen inay  yihiin  muwaadiniinta derejada labaad ,halkii ay iska dhigi lahaayeen muwaadiniinta derejada koowaad ee dalkaas ,iyo dalalka  kale ee deriska ahba .

Saylac oo maanta hadalhaynteedu badatay  ayaad mooddaa inay arrinteedu u dhamaatay dar ilaahay iyo dedaal ay sameeyeen reer Awdal weligood ,maxaase ka dan ah .

Jabuuti waa dal kale oo ay aasaaskiisa lahaayeen reer Awdal ,balse  gumaysigii faransiiska ,kii ciisaha ,iyo kii canfartuba  ka dhigeen  dal anay xaqba ku lahayn beelaha Samarroon .ka sheekayn kari maynno sida maalin maalamah ka mid ah ay reer Awdal u xukumi jireen Jabuuti,iyo sida loga faramaroojiyey hadh cad .

Laga bilaabo 1967dii oo loo yaqaan Andibaandaagii (independce movement)kuna beegnmayd 19kii march,isla markaana madaxweynihii faransiiska ee waagaasi booqashada ku yimi ,general De gool ,ayaa badi dadkii gobannimada doonayey ee reer  Jabuuti oo kala ahaa Canfar ,Samaroon, Ciise ,Carab iyo dad kaleba uu Samarroonkii ka cod dheereeyay , faransiiskana si weyn uga horyimid, waxayna taasi keentay in Samarroonkii lagu diray faransiiskii ,isla markaana canfartii iyo ciisihii oo doonayay in awooda siyaasadeed ee Samaroonka la wiiqo ay meel kasoo wada jeesteen oo taageereen waxa faranjigu doonayey ,waxayna taasi keentay in badi Samarronkii ku mudaaharaaday De gool lagasoo mastaafuriyo Jabuuti oo Saylac iyo lawyacaddo lagusoo tuuray ,Dad badanna laga xidhxidhay , kaddibna faransiiskii  wuxu Jabuuti u bixiyey dalkii Canfarta ,Ciisaha iyo faransiiska……

La soco qaybaha dambe .

Read full story >>

2
views
Radio Warsan ─ Ra’iisul wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Marwo Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadam oo maanta dalka dib ugu soo laabatay ayaa ka hadashay socdaalkii ay ku joogtay muddooyinkan Magaalada Nairobi. Marwo Fawsiya ayaa dalka ka maqneyd tan iyo markii ay ka qeybgashay hirkii Caalamiga ah ee ku qabsoomay Magaalada London 7-dii May, kuna saabsanaa Taageeridda hey’adaha kala duwan ee dowladda Soomaaliya. Fawsiya Yuusuf oo shir jaraa’id ku qabatay ...
8 hours, 23 minutes ago
7
views
Radio Warsan ─ Warsaxaafadeed maanta kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Warfaafinta, Boostada, Gaadiidka iyo Isgaarsiinta ee dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa looga hadlay mawqifka dowlada Federaalka ee ku aadan go’aankii Somaliland xayiraada ku saartay diyaaradaha Qaramada Midoobay. Cabdullaahi Ciil-mooge Go’aan khaldan ayey ku tilmaatay dowlada Federaalka xayiraadii uu Maamulka Somaliland saaray duulimaadyadii Qaramada Midoobay, kadib markii ay heshiis horudhac ah Muqdisho ku gaareen UN-ka iyo Dowlada Federaalka in xukuumada Soomaaliyeed la wareegto maamulida hawada dalka ...
8 hours, 23 minutes ago
1
views
Radio Warsan ─ Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamud oo shalay warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyey arrimaha Midnimada Soomaaliya, arrimaha Federaalka iyo arrimaha Jubbooyinka. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamud oo shalay warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyey arrimaha Midnimada Soomaaliya, arrimaha Federaalka iyo arrimaha Jubbooyinka. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in midnimada ummadda Soomaaliyeed ay tahay muqadas, loona baahanyahay si kasta oo lagu raadin ...
8 hours, 23 minutes ago
3
views
Qurbe Joog ─ Muqdisho May 19,2013(SDN)-Wasiirka wasaarada Warfaafinta ee Soomaaliya ayaa markii u horeeysay ka hadaly goaan ay dhawaan Somaliland ku shaacisay in ay hawadeeda ka mamnuucday duulimaadyada Hay’adaha Qaramada Midoobey. Wasiirka Duulista iyo Hawada Somaliland Maxamuud Xaashi ayaa dhawaan shaaciyay in Hawada Somaliland aan loo ogolaan doonin duulimaadyada Qaramada Midoobey. Wasiirka ayaa goaankiisaasi uu jawaab u ahaa gooan ay QM gacanta ugu gelisay Hawada Soomaaliya oo Somalilandna ku jirto dawlada Muqdisho. Wasiirka ...
8 hours, 23 minutes ago
6
views
Puntlandi ─ Halkaan hoose riix si aad u daawatid: Puntlandi
8 hours, 23 minutes ago
2
views
Puntlandi ─ Maxkamada darajada 1-aad ee magaalada Bosaaso ee gobolka Bari ayaa maanta xukuno kala duwan ku riday rag jariifayaal ah oo horey ciidanka badda Puntland u soo qabteen ka dib hawlgal ay ku qaadeen 5 doonyood oo si sharci daro ah uga kaluumaysanayey xeebaha Puntland. Gudoomiyaha Maxkamada darajada 1aad ee Bosaaso Shiikh Aadan Axmed ayaa ku dhawaaqay xukunka ragan ka dib markii uu dhageystay eedaha loo soo jeediyey, waxana ay maxkamadayntoodu ...
8 hours, 23 minutes ago
2
views
Oodweyne News ─ Caynaba(OWN))maamulka gobolka ka degmadda caynaba iyo guddigii qaban qaabadda 18ka may oo ku fashilmay maalintii 18ka may isla markaasna habeenkii xalay ahayd iska waayey muraayaddaha ama tvyadda.   Halka maamulkii hore ay la shaqayn jireen saxaafadda isla markaasna xusaska noocan oo kale ah mid aan loo kala hadhin meel kastana laga sii dayn jiray 18ka may, isla markaana gobolka saraar uu ka mid ahaan jirtay goboladda ugu horreeya dabaal degyadda ...
8 hours, 23 minutes ago
9
views
Oodweyne News ─ 18kii May 2013 oo ku beegnayd sannad-guuradii 22aad ee la soo noqoshada qaranimada Somaaliland waxaa si weyn looga xusay dalka gudahiis iyo jaaliyadaha shanta qaaradood. Yididiilada iyo farxadda waxaa Somaaliland la wadaagay inta badan qoomiyadaha Somaaliyeed meel kasta oo ay joogeen iyadoo dawladaha qaarkoodna u soo direen madax ka qayb gasha munaasibadda. Hase ahaatee, waxaa ayaan-daroo weyn ah Madaxweynaha Dawladda federaalka Somaaliya in uu warbaahinta ku firdhiyay afxumo uu ugu ...
8 hours, 23 minutes ago
5
views
Oodweyne News ─ waxaan halkan codsi deg deg ah uuga dirayaa wasiirka warfaafinta somalilnad md abiib iyo wasiirk ku xigeenka warfaafinta c\laahi cukuse waxaan leeyahey waxaad la socotaan waxa uu ku hadley ninka xamar horjoogaha ka ah ee xasan sheekh lagu magacaabo ninkaasi wuxuu meel kaga dhacey shacabkii reer somalilnad wuxuu quudhsadey 18 may oo ah maalin ku qoran quluubta shacabka reer somalilnad hadaba waxaan idiin ka fadhinaa inaad jawaab kulul siiyaan madaxweyne ...
8 hours, 23 minutes ago
1
views
Oodweyne News ─ Maalin wali xusuusteed Mudan wali tilmaantii Madal waliba sheeggeed Taariikhdu mudankeed Wuxuu ahaa socdaal ku aaddaanaa xuska 22 guuradii ka soo wareegtay maalintii magalaada Burco ee xarunta gobolka Tog-dheer lagaga dhawaaqay gooni isutaagga iyo madaxbannaanida dawladda Soomaaliland kaga go’day dalkii la isku odhon jiray Soomaaliya sanadkii 18/05/1991-kii.   Socdaalkan maalinnimadii Jimcaha abbaara 5:20 aannu ugu ambabaxnay iyadoo ay na wehelinayeen aradayda dugsiyada hoose, dhexe iyo sare ee mujaahid Quulle Aadan ...
8 hours, 23 minutes ago