58
views

Al Shabaab oo Soo Bandhigtay Meydka Askarigii Kumaandooska Faransiiska (Sawiro)

Meydka Askariga Faransiiska oo lagu baahiyey bogga twitter-ka Al Shabaab

Muqdisho (RBC) Ururka Al Shabaab ayaa caawa boggooda twitter-ka ku soo bandhigay meydka askarigii Kumaandooska Faransiiska ee ay ku dileen iska horimaad adag oo habenimadii Sabtidu soo galaysay ee toddobaadkan degmada Buulo Mareer ku dhexmaray ciidamo gaar ah oo Faransiis ah iyo dagaalyahahanno ka tirsanAl Shabaab oo afduub u heysta sarkaal u dhashay wadankaasi.

Qoraalo kooban oo hoosta looga qoray sawirada ayaa lagu faafiyey bogga twitter-ka Al Shabaab ayaa lagu sheegay in askariga ay ka furteen hub uu sitay, waxaana sawirada ka muuqday saddex qori iyo rasaas dul saaran gogol loo dhigay.

Afhayeen u hadlay Al Shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab oo maanta shir jaraa’id qabtay ayaa shaaca ka qaaday in askariga Kumandooska Faransiiska uu geeriyooday saacado ka dib markii hawgalkii fashilmay ee Faransiiska ka fuliyeen degmada Buulo Mareer habeenimadii Sabtida uu dhacay, wuxuuna ninkani askariga ah u dhintay dhaawac culus oo ka soo gaaray dagaalkii dhexmaray askartiisa iyo dagaalyahanada Al Shabaab.

Warka lagu daabacay bogga Twitter-ka Al Shabaab kama hadlin waxa ay ka yeelayaan ninkii la heystaha ahaa ee Dennis Alex oo tan iyo bishii July 2009 Al Shabaab ay gacanta ku hayeen walow ay sheegeen Sabtidii inay go’aanka gaari doonaan.

Soo bandhigista meydka askariga Faransiiska ayaa soo baxday saacado ka dib markii madaxweynaha Mareykanka Barrack Obama uu shaaca ka qaaday in diyaarad iyo ciidam Mareykan ah ay gacan ka geysteen duulaankii fashilmay ee Faransiiska ku qaadeen degmada Buulo Mareer.

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Read full story >>

9
views
Waajid ─ WAAJIDPRESS – 22 May 2013: Xildhibaano fara badan oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, ee mooshinka ka keenay Xukuumada ayaa waxay sheegeen inaysan ka noqon doonin mooshinka. Xildhibaanadaan ayaa waxay gelinkii dambe ee maanta ay kulan ku yeesheen Hotel City Palace, oo ku yaala Degmada C/Casiis ee Gobolka Banaadir. Tirada Xildhibaanada oo ku dhaweyd ilaa 60 ayaa waxay ku adkeysteen inaysan ka laaban, mooshinka ay ka soo diyaariyeen Wasiirka 1-aad ...
3 hours, 43 minutes ago
12
views
Somalitalk ─ Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Faroole ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Taaba galka Dastuurka iyo dhamaystirka hawlaha Federalaasiimka ah.Madaxweynaha ayaa ugu horeynba ka hadlay Dadka Barakacayaasha ah ee ka soo Barakacay Gobolada Koofureed ee Soomaaliya kuwaas oo uu sheegay in halkaas ay kala kulmeen soo dhaweyn iyo walaalnimo dhab ah. Madaxweyne faroole ayaa Barakacayaasha u ballan qaaday in aysan la kulmi doonin waxyaabaha ...
4 hours, 43 minutes ago
5
views
Somali Midnimo ─ Malaaq Cali Malaaq Coloow Malaaq Showri. MUQDISHO:- Waatii aan Idin soo gudbinay Dhalinyaradii Magaalada Muqdisho oo sidii Awrtii la isku xiriirsaday, hadda waxaa qaylo Afka ku shubtay oo yiri Anigaa Qori Wiil yar igu fiiqay oo dariiqa mari waayey, Malaaqa Xamar iyo Xamar Daye Malaaq Cali Malaaq Coloow Malaaq Showri, sidoo kale Shacabkii ayaa ka warbixiyey xattaa in Diintii Islaamka laga cararayo, Oday Macalin Dugsi ahaa ayey Murtadiintu gurigiisa Albaabkiisa ...
4 hours, 43 minutes ago
8
views
Somali Midnimo ─ GAROOWE:- Aqoonyahan Idiris Xassan Faarax oo kamida Aqoonyahannada Soomaaliyeed ee ku sugan Qurbaha ayaa laga waraystay Fadeexaddii Faroole iyo Wiilkiisa ee Cunto u karinta Shaqaalaha UN, ka, waatii aan horay u daabacnay Warbixintii Cabdirisaaq Maxamed ee lagu daabacay Shabakadda Horseedmedi. Warbixinta Cabdirisaaq Maxamed ee Horseed Media Halkaan Riix Ama Guji Warbixinta ayaa ahayd Fadeexad banaanka timid oo ahayd in Wiilka Faroole uu Makhaayad u furtay si uu Cuntada ugu kariyo ...
4 hours, 43 minutes ago
2
views
Oodweyne News ─ Waxaynu ku soo jirnay sida ururkii xaqsoor uu uga biyo diiday doorashadii macmalka ayhad, ee Somaliland ku ceebowday hoosna uga dhacday meeqaamkii ay Somaliland ka taagnay cadaalada doorashada, sababtoo ah wali kamay dhicin bariga afrika ee aynu ku nool nahay in ay dad codeeyaan oo codkaas madaxweynaha lugu diido gudoomiyaha mucaaridkana lugu doorto, waxa uu ahaa rikoodh (record) ay Somaliland dhigtay oo aanay suurtagal ahayn in la jabiyo. sababtoo ah ...
4 hours, 44 minutes ago
4
views
Oodweyne News ─ ANIGA OO AH BDI-SHOTALY, KANA WAKIIL AH MAAMULKA OODWEYNENEWS.COM, WAXAN HALKAN UGU SOO GUDBINAYAA UMMADDA REER SOMALILAND, IN AYNU KA FAA’IIDAYSANO FURSAN QAALIGGA AH EE HOOS KU QORAN, TAAS OO HADDII AYNU GUDANO OO SIDDA IOO RABO U SAMAYNO, AY WAX WEYN KA TARI KARTO QADIYA-DEENA IYO MABDA’EENA AH GOONI ISU TAAGGA EE AYNU HALGANKA UGU JIRNO, WAA XASEEX LA INAGA RABO, HADABA AKHRISTAW TAFSIISHA XASEEXA LAGAA DOONAAYO HALKAN HOOSE ...
6 hours, 40 minutes ago
6
views
Oodweyne News ─ Sawirka maanta ay idiin soo gudbinayso shabakada caalamiga ah ee Oodweynenews waa sawir aad u qurux badan oo ay ka muuqato Haro biyood aad u bilicsan, Sawirkan oo ah goob aad u qurux badan oo dalkeena ka mid ah ayaa ah mid ay indhuhu aad ugu diirsanayaan, Hadaba waxaad isku deydaa inaad garatid halka uu sawirkan yahay, DAAWASHO WACAN, SAWIRKA MAANTA EE SHABAKADA CAALAMIGA AH EE OODWEYNENEWS
6 hours, 40 minutes ago
6
views
Waajid ─ WAAJIDPRESS – 21 May 2013: Degmada Buurhakaba oo kamid ah degmooyinka ugu qadiimisan gobolaka Bay ee koonfurgalbeed Soomaaliya ayaa waxa ay yeelatay maamul cusub oo bedelay kii hore. Maamulka cusub ayaa waxa uu kala yahay. 1. Gudoomiyaha degmada Buurhakaba: Axmed Max’ed Yuusuf 2. G/xigeenka 1aad ee xaga amniga: Xuseen Maxamed Cali 3. G/xigeenka xaga dhaqaalaha; Naasir Cismaan Hilowle Doorashadii maanta ka dhacday degmada Buur hakaba ayaa waxaa goob joog ka ...
7 hours, 25 minutes ago
1
views
Puntlandi ─ Aarhus–21 May, 2013– Pi– Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo booqasho gaara iyo Casumaad ku jooga Caasimada labaad ee Denmark magaalada Aarhus ayaa maanta Guriga Dowlada ee Gobolka Aarhus wuxuu kula kulmay Masuulka ugu sareeya Degmada iyo Xildhibaano ka tirsan Dowlada Denmark,Intuusan imaan Aqalka looga taliyo Caasimada labaad ee Denmarka ayaa subaxnimadii hore waxaa Calanka Soomaaliya laga taagey aqalka hortiisa, taasoo caadi ahaan la sameeyo ...
7 hours, 32 minutes ago
5
views
Oodweyne News
7 hours, 35 minutes ago