36
views

BAAFIN–Madaxweyne Xasan Sheikh oo ay ugu war dambeysey isagoo siyaaro Shaqsi ah ku aadey Mareykanka

Safarkii uu Magaalada Muqdisho uga soo baxay Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa Jahawareer iyo isku dhexyaac ku ridey Dublamaasiyiinta Soomaaliyeed ee ku Sugan Wadanka Mareykanka, kadib markey ku adkaatey iney helaan Xog sugan oo ku saabsan safarka Madaxweynaha, Cida marti qaadey iyo meesha uu ka soo dagayo.

Warar hadda soo gaarey Puntlandi ayaa sheegaya in uu Madaxweynuhu si lama filaan ah oo aan cidna ka warqabin uu galabta uga soo dhex muuqdey Garoonka Diyaaradaha JFK ee Magaalada New York, iyadoo ay halkaas ku soo dhaweeyeen Xubno ka tirsan Jaaliyada Soomaalida ee New York, ka dibna waxay u galbiyeen Madaxweynaha Hotel ay Jaaliyadu ugu talagashey inuu ku sugnaado Mudada uu joogo New york, arintaasoo lama filaan iyo yaxyax ku noqotey Diblomaasiyiinta Soomaalida ee ku sugan Cariga Maraykanka.

Warar aan ka soo xiganey xubno ka tirsan Jaaliyada Soomaaliyeed ee New York ayaa sheegay in booqashada Madaxweynuhu ay tahay mid shaqsi ah isla markaana uu taageero Siyaasadeed ugu raadinayo Dowlada Federaalka Soomaaliya, isagoo mudada uu jooga Maraykanka la kulmi doona Xubno ka tirsan Dublamaasiyiinta fadhiya Qaramada Midoobey Xaruntooda New york.

Maaha markii ugu horeysay ee Dowlada Mareykanku dhabarka u jeediso islamarkaasna ka gaabsato soo dhaweynta iyo marti qaadka Madaxda Soomaalida wixii ka dambeeyey burburkii Dowladii dhexe ee Soomaaliya.

Taa badalkeeda waxaa Caado iska noqotey in Qaramada Middobey Xarunteeda New york ay Marti qaado Madaxda Dowlad walba oo Soomaaliya looso dhiso.

Sidoo kale waxaa la rajeynayaa inuu Madaxweynuhu la kulmi doono Jaaliyadaha Soomaalida Mareykanka.

Wafdiga madaxweynaha ayaa ka mid ah wasiirka arrimaha dibadda ee dowladda Somalia marwo Fowsiyo iyo saraakiil ka shaqeeysa Madaxtooyada.

Mar dhow naga fisha sawiradii sida ay jaaliyadda soomaliyeed ee New York u soo dhoweeyeen Madaxweynaha Somalia mudane Xasan Shiikh Maxamuud.

Read full story >>

7
views
Marka Cadey Net ─ Ilma yar oo mucjiso ah ayaa lagu soo waramayaa in uu ku dhashay magaalada Laascaanood, ayadoo ilmahani sida la sheegayo uu ka mid yahay ilmo aad loola yaabay oo mucjisooyin rabbaani ah wata oo sanadahiii danbe ku dhalanayay magaalada Laascaanood. Cunugaan oo marka aad daawato sawiradiisa aad dareemi doonto naxdin iyo murugo ayaa la sheegayaa [...]
2 hours, 5 minutes ago
2
views
Marka Cadey Net ─ Fannaanada Zahuur Axmad Rooble ayaa soo saartay hees cusub oo la magac baxday Joog Dheere, waxaana miraha heestaan sameeyay Xuseen Shire Jaamac (Ciyaar Jecel), muusikadana waxaa saaray Maxamed karaama. Zahuur Axmed oo looga bartay muuqaal indha qabad leh oo ragga aan ka jeesan karin, taasoo ka dhigtay in Fannaanada ay durba heesaheeda iyo hadal heynta [...]
2 hours, 5 minutes ago
3
views
Marka Cadey Net ─ Nin midi ama qalabka afka leh ee Kartoonada lagu jeexo laad laadinaya, ayaa qoorta kaga muday askari Faransiis ah oo ku sugnaa meel u dhow xaruunta dalkaas ee Paris. Afhayeenka Booliska Faransiiska, ayaa sabtidii shalay sheegay tilmaamaha ninkii weerarka geystay. Madaxweynaha Faransiiska Hollande, ayaa sheegay in maamulkiisa uu ku raad joogo ninkii weerarka geystay,islamarkaasna uu [...]
2 hours, 5 minutes ago
2
views
Marka Cadey Net ─ Heesaaga caanka ah ee reer Canada asal ahaantiisuna yahay Soomaaliya ayaa waxa uu Soomaaliya ku sameynayaa Film caalami oo ka hadlaayo Soomaaliya iyo dhibaatootinkeeda, Filmkaan ayaa waxa loogu magac daray Maano. Dhawaan ayaa la filayaa in filimkaan cusub uu hawada soo galo, ayadoo la sheegay in uu filimkani yahay mid xiiso gooni ah leh. Knaan [...]
2 hours, 5 minutes ago
2
views
Laacib Net ─ Tababaraha kooxda Borussia Dortmund Jurgen Klopp ayaa u badiyay sababta kooxdiisa looga badiyay kulanki xalay ee finaalka Champions League uu yahay daal hareeyay ciyaartooydiisa 15-kii daqiiqo ee ugu dambeeysay . Kulan wareedkii ka dambeeyay ciyaartaas ayuu Klopp yiri ” marka hore waa in aan u hambalyeeynaa Munich guusha ay gaareen , guul daradaas ma aha [...]
2 hours, 5 minutes ago
1
views
Badweyn ─ Number of View :131Maxamed Cumar Geddi oo kamid ahaa Xildhibaanadii hore ee Baarlamaankii KMG ahaa kana soo jeeda deegaanada Jubbooyinka ayaa ugu baaqay dhinacyaada Jubaland guud ahaan in ay u hogaansamaan dib u heshiisiinta.   HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA
2 hours, 6 minutes ago
6
views
Badweyn ─ Number of View :17Taageerasyaasha Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ee ku dhaqan Magaalada Muqdisho ayaa kulan ay yeesheen ku taageeray Maamulka Axmed Madoobe, baaqna ugu diray Dowladda Federaal-ka. HALKAAN KU DHUFO SI AAD U DHAGEYSATO
2 hours, 6 minutes ago
2
views
Aaran News ─ Dowladda Ciraaq ayaa ka hadashay arrimaha dalka Soomaaliya markii ugu horeysay ayaa waxay sheegtay inay u soo jeesatay sidii ay kaalin wax ku ool ah uga qaadan laheyd nabad ku soo dabaalidda Soomaaliya iyo dhismaha ciidamada dowladda Soomaaliya qeybahooda kala duwan iyo inay mashaariicyo kala duwan ka fulin doonto Muqdisho. Wasaaradda dhinaca dhismaha iyo deegaameynta dowladda dalka Ciraaq ayaa sheegtay inay si toos ah u bilaabi doonto 3-mashruuc oo la ...
2 hours, 6 minutes ago
2
views
Aaran News ─ Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo ka mid ahaa Madaxweynayaashii ka qeybgalay shir madaxeedkii IGAD ee Addis Aababa lagu qabtay ayaa khubad uu kulanka ka jeediyay ka sheegay in dowladdiisu ay dowladda Soomaaliya gacan ka siineyso sidii ay maamul iyada ugu magacaabi laheyd gobolada Jubbooyinka iyo gobolada kale ee dalka Soomaaliya ee ay dowladdu maamusho. Madaxweyne Uhuru Kenyatta waxaa kale oo uu sheegay in ciidamada Kenya ee ku sugan magaalada ...
2 hours, 6 minutes ago
6
views
Wehel Media ─ (WMC) Wararka ka imaanaya Magalada Balad Wayne ee Gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in howlgalo iska kaa shanayaan Ciidamada dowlada Gobalka iyo kuwa AMISOM ku xir xireen tira dad ah oo looga shaki qabo in xariir la leeyihin Uruurka Alshabaab. Howgalkaa oo ahaa mid si gaadmo ah looga fuliyay Xaafadaha ku yaala Galbeeedka Magaalada ayaa bartilmaameed looga dhigtay laba guri oo halkaa ku yaalay sida uu sheegay Sargaal ka tirsan Maamulka ...
3 hours, 5 minutes ago