views
Xarakada Shabaab oo xabsiyada Magaalada Buula-burde ee gobolka Hiiraan Utaxaabtay Ganacsato Caanka ka ahayd Gobolkaasi
Sida ay sheegayaan wararka laga helayo Magaalada Buula-burde, Ciidamada Xarakada Al Shabaab ee halkaasi gacanta ku hayay ayaa maanta xabsiga u taxaabay ganacsto caan oo ku dhaqan Magaaladaasi.
ganacsatadani oo gaarayay ilaa iyo 4-ruux ayaa waxaa la tilmamaay in laga soo waday iyaga oo ku sugan xarumahooda ganacsi, kaddib markii ay ka dhaga adeygeyn in ay bixiyaan lacago Al Shabaab ay cashuur ahaan u doonayeen.
Dad goobjoogayaal ayaa sheegay in ganacsatada la xiray uu ku jiray Madaxa laanta Dahabshiil ee Magaalada Buula-burte ee gobolka Hiiraran halkaasi oo ay hada ka taliyaan Al Shabaab.
Ganacsada ayaa ku xiran xabsi ku yaalla Magalaada, waxaana dadka ku sugan degmada ay sheegayaan in Shabaab ay kordhiyeen lacagihii ay ka qaadijireen goobaha ganacsi ee ku yaalla Magaalada Buulo-burde.
Dhanka kale Afhayeen u hadlay Maamulka gobolka Hiiraan ayaa canbaareeyay falkaasi, waxaana uu sheegay in arintaasi ay muujineyso sida ay Al Shabaab u dhibaateeyaan dadka rayidka ah ee ku dhaqan Magaalooyinka yar ee ay gacanta ku hayaan.
Up coming
views
views
views
views
views
views
views
views
views
views