views
hadaad mubaarig x ibraahim aad nawaydiisay waxa wasiir xirsi awooda dheeraadka ah siiyay ee wasiiradii kale orgida ka dhigay waatan ee ka bogo!, By: aadan axmed nuur
su,aal fiican ayaad nasoo dhex dhigtay adiga oo la qaba amakaaga iyo yaabka ku habsaday bulshadii Somaliland ee xukuumada codka qaaliga ah ugu deeqday, had iyo goor waxaa dhacda marka isbedel yimaado waxaa meesha ka baxa nidaam siyaasadeed oo markaa ay ka dhaxayso wada shaqayn iyo mabaadii ugaara oo ay siyaasadooda ku maamulayaan waxay doonaan ha aaminsanaadaan, nasiib daro markii aynu codka ugu deeqnay xisbigii mucaaridka ahaa ee markaas awooda mucaaridka hogaaminayay ee uu awoodii dalka la wareegay wuxuu jeebka kal soo baxay madaxweyne siilanyo siyaasad kale oo u qarsoonayd oo ku dhisan habka qabiilka oo aan a hayn tii xisbiga midaysay ee dadka kala deegaanka ah ee aqoonyahanka u badnaa isugu tageen ee codka lagu siiyay iyo mabaadiidii markaas xisbiga u qorayd ee lagu wada socday!,
waxaa meesha laga tuuray oo laga takhalusay ragii xisbiga lafdhabarka u ahaa ee xisbiga u ahaa rukumada ama tiirarka uu ku taagan yahay iyadoo laga cararayo inaanay talada wax ku lahaan oo aanay xukuumada odhan waar ka daaya sidaas waataynu ina riyaale ku haysanee ee mucaaridka ku ahayne! iyo inay u fusho mabaadiidaas qabyaalada iyo nin jeclaysiga ku dhisan ee maanta dalka kaga qaylisiisay min bari ilaa galbeed! bal u fiirso raga meesha laga tuuray maka maarmi karaa dalku aqoontooda iyo waayo aragnimadooda iyo taariikhada ay halgankii qadhaadhaa ee SNM ku lahaayeen ka bilow 1-Maxamed xaashi cilmi oo aad ogtahay inta yar ee xukuumadu ku faanto inuu isagu dhaqaajiyay hadii uu ilaa manta sii joogi lahaana wax aan lamalaysanayn ayuu muujin lahaa! waxa lagu badelay c/casiis samaale oo miisaaniyadii ugu horaysay ku raftay oo markiiba ay isku dhaceen qoladii qaadka waxaabu taa kaga daray markii ay qoladii qaadku ula wareegeen cashuurtii dhinacaas iyo bali bubadle ayuu isyidhi deegaankii aad ka soo jeeday waadigaas cuna qabateeyay cashuur kordhintaadana mooyee markaasuu si deg dega u xaliyay isaga oo ka xun khaladkaa kama,a uga dhacay bal u fiirso meesha inuu qaran u shaqaynayo isuma haysto ee reer buu danahooda gaarka ah ilaalinayaa! waana asbaabta markii horeba loo xushay ileen qof qaranka wax ku soo kordhiya lama rabee hadii kaas larabo maxamed xaashi oo ilaah yaqaana oo aan dadka kala jeclayn oo yaqaan qofkani shaqadan ma ka soobixi karaa ayaa ladayn lahaa! waana asbaabta loo xushay samaale,
2-Maxamed cabdi gaboose oo aad ogtahay intii xisbigu kulmiye ololaha kujiray wixii uu ku soo kordhiyay oo la odhan karo hadaanu ku soo biireen malaa xisbigu meel ma gaadheen ayaa daaqada laga tuuray markuu diiday in si walba loo rog rogto oo uu mr; yes man noqdo waa tii uu la shaqayn kari waayay wasiirka awooda badan la siiyay ee la yidhi sidaad doonto ka yeel dalka mar hadaad muftaaxii midigtaas ku haysato, waxaa lagu bedelay wasiir duur oo marba gadhka u salaaxaya wasiir xirsi oo aan fulin Karin waxaanu xiri ogayn waanu ku qanacsan yahay inuu xirsi ka hoos shaqeeyo oo shaqadiisaa wasiirnimo ayuu ku qanacsan yahay meeshii loo dirana isaga oo aad moodo kaare ayuu jiidhayaa xitaa is hubsan maayo tolow intee baad shaqan sii hayn kartaa! cid walba wuu ku eedoobay berina haad geed waayay ayuu noqonayaa marka isku shaan dhayntan ugu danbaysa meesha laga tuuro oo maayar kuxigeenkii berbera ayuu eeday markii la yidhi mididan qaado oo isku gawrac! ayuu ka gabaday oo diiday maantana dalow ayuu ka sii laalaadaa ileen diid inuu is bireeyee! isna waa is ogyahay oo qudhiisu waa xariifoo halkaas iyo wadani ayuu sii xaadh xaadhay! siday xukuumaduba ku tuhunsan tahay,
3-c/raxaamn c/qaadir oo aad ogayd inuu ahaa ragii xisbiga ku soo tabcay ee odayga la aas aasay ee tacabka badani kaga baxay ee geed dheer iyo mid gaaban u fuulay sidii siilanyo kursiga u fuuli lahaa ayaa cidla lagaga dhaqaaqay xitaa wuu cawday oo waa nin qurba jooga oo abtinima dii siilanyo uu ugu hiilin jiray ayuu ka dhawaajiyay oo xitaa lagu ixtiraami waayay ileen waxuun baa la xeeriyaa somalida ayaa tidhaah laf aanad xoorayn feeta lagama dhameeyo! waayo dadkani waa dad is dhalay oo wada dhashay oo hadana wada yaal beri ayaa laysu soo noqonayaa oo umadu odhaynsaa waar maxaa ina helay oo laga sheekay sanayaa wixii dhacay markaa hadii aadu shisheeye ahayn oo siyaasad sokeeye tahay waxuun baa la hanbaysataa, waxaa lagu bedelay bal u fiirso raga laysku bedelayo Maxamed x yuusuf (waabeeyo) oo aan fartiisa gaadhayn c/raxmaan c/qaadir aqoon karti waayo aragnimo dhinac walba waa si aanu waabeeyo ula murmin oo uu gadh lul u noqdo waa ushaada nimaad ka qaadan karto ayaa loo dhiibtaa waa qaacido khaldan oo waxaa adeegsada qofka aan doonayn inuu dad karti leh shaqo geliyo oo waxa uu ka jecel yahay mid wax yar qabta kacaankana u dhaga nugul siyaad bare ayaa sidaas ku maah maahi jiray! oo ay falsafadiisa ahayd!
4-Boobe yuusuf ducaale oo aad garanayso aqoonta ilaahay siiyay haday tahay mid dabiiciya iyo mid diiniya iyo mid maadiya waxaa la odhan karaa waa xogta dhabta ah iyo taariikhda dalka iyo SNM waa raga faro ku tiriska ah ee u baahan inta aan ilaahay qaadan inaynu kala hadhno taariikhda SNM iyo ta dalka waayo rag badan oo kaba da wayn ayaa jira laakiin sida uu wax u hayo ee ilaahay hibada u siiyay ayaanay iyagu u hayan halkii laga faa,idaysan lahaa aqoontaas ku duugan ayaa wiil yar oo bidhigle ah oo aan kabahiisa gaadhayn layidhi hadaad la xisaabtanto oo aad erido adna shaqada ayaad waayaysaa! ileen xisbigii kulmiye ayuu run iyo beenba u qori jiree! Boobe maba laba labayn ileen ilaahay uma abuurine waadigii ogaa inuu isga tegay oo aanu bahdilaad qaadan waana sidii qof kasta oo damiirlihi yeeli lahaa! yaa lagu bedelay Boobe yuusuf waxa lagu bedelay Abiib tima cade oo markii xilka loo dhiibay wax yar ka hor jeel laga soo daayay! inta la bahdilay oo lagu eedeeyay waxaanu shaqo kulahayn oo sharftiisii la qaawiyay isaga oo weliba lataliyaha madaxweynaha dhinaca siyaasada ah ayaa la xidhay oo sidii aad ogayd loo galay kaas ayaa lagu bedelay hadii damiir iyo damqasho lagu og yahay mabuu qaateel xilkan xaaraanta ah oo lagumaba dhaceen bal ku darsoo wixii lagu xidhay ee jariimada ahaa ee lagu eedeeyay inta saxaafada lategay lama beenin si uu u ahaado qof aan danbigaa qabin! layaab waa tii xamarji lagu sameeyay ee uu ka damqan waayay ragas aan diirayn ee damiirka ka dhintay ee iyana lagu shaqasanayo ee waxay cunaan mooyee aan meelkale wax ka arkin ayaa larabaa si dalka loo boobo oo ay u suuro gasho danaha gaarka ah ee meesha laga leeyahay ileen dantii caamka ahayd ka baxday meeshee,
usoo noqo teenii iyo wasiir xirsi iyo xaguu awooda dheeradka ah ka haysto! dalka waxaa lageliyay marxalad kale oo aan ahayn taynu xisbiyada u furanayn ee aynu xukuumada ku dooranay wasiir xirsi waa dhegta xukuumadu wax ka maqasho ee gaarka ah sababta wasiir walba loo daba dhigay ee aanu xirsi dhaafi Karin waa taas ma aha xukuumadu koox wada shaqaysa oo isku xidhan oo madaxweynuhu nin walba hawsiisa kula xisaabtamo ee waa anigana iishaqee adiguna waxaad doonto boob! qaataye qaado waxa iga hadhay! inta uu wasiir xirsi ka shaqeeyaa ee ilaaliyaa ee uu xukuumada uga wakiil yahay waa intaas marka aan leeyahay xukuumad ma aha xukuumadii la yaqaan ee waa qoyska madaxtooyada ayuu wasiir xirsi wakiil ka yahay inta qudha ee Somaliland fahmi kari wayday ee ku jaah wareertay waa intaas,
qolahayn iyagu xisbiga ku hadhay ee ay ugu wayn yihiin muuse biixi iyo maxamed kaahin iyagu geel baadiya ayay ku mushahar qaataan oo ay la joogaan nina qabiilnimo ayaa aamusiisa y oo halkaas musharkaaga ka qaado ayaa la yidhi ishaana wax ka daawo nina waxaan jirin baa loo sheegay oo waa jini boqor ismana oga maalinta la odhanayo ducaqabe waa maalintaadii sida malagu mowdka marka uu dadka soo dhameeyo la odhanayo adigaa hadhay ee iska qaad! ileen nafkastaaba mawdka waa dhadhaminayasaaye ilaahay SWT mooyee,maalintaas cabaadka ina biixi hala sugo alow najooji.
aadan axmed nuur
—————————————————-
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.
uur
Up coming
views
views
views
views
views
views
views
views
views
views