views
Faah faahin iyo dad loo qabtay dilka Suldaan Muuse Faarax
Iyadoo shaley Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobalka Bari kooxo hubeysan ay ku toogteen mid ka mid ah Salaadiinta Gobalka Bari oo lagu Magacaabi jiray Suldaan Muuse Faarax Muuse ayaa waxaa Magaaladaasi shaley ilaa iyo xaley ka socodey howlgalo balaaran oo ay wadeen ciidamada Maamulka Puntland ee Soomaaliya.
Ciidamada Ayaa waxaa lasoo sheegayaa iney xaley ilaa iyo shaley oo dhan Magaalada Lagu soo daadiyey,waxaana ay baadi goob uga jireen Kooxo hubeysan oo shaley Bartamaha Magaalada Boosaaso ku toogtey Nabadoon la sheegay inuu caan ka ahaa Deegaanada Maamulka Puntland.
Wararka aan ka heleyno dhanka Howlgalada ciidamada ay ka sameeyeen Magaalada Boosaaso oo wali ilaa iyo haatan socoda ayaa waxaa lagu soo qabtey dad badan oo dhalinyara ah kuwaasi oo looga shakiyey iney ku lug leeyihiin falkii lagu diley mid ka mid ah Suldaanada Gobalka Bari.
Dad deegaanka ah oo aynu xariiro la sameyney ayaa waxaa ay ii sheegeen in ciidamada ay howlgalkaasi kusoo qabteen rag kor u dhaafaya ilaa iyo 50-ruux oo haatan lagu hayo xabsiga Magaalada Boosaaso ee Gobalka Bari,waxaana wararka qaar ay sheegayaan in ciidamada sidoo kale dad ay kala baxen Guriyaha.
Xaalada Magaalada Boosaaso ee Gobalka Bari ayaa haatan degan,waxaana wali meelaha qaar ee Magaalada ka socda Baaritaan kale oo ay sameynayaan ciidamada Mamulka Puntland.
Wehelmedia.com kala soco wararkii ugu danbeeyay ee Soomaaliya.
Warar kale oo la xariira
Up coming
views
views
views
views
views
views
views
views
views
views