views
Maxay iska shabahaan Banaanbaxa reer Boorama loogu baaqay iyo Dhimashadii Xayla salaase Ayeydii.
Sida aan la soconno dhulwayanaha somaliyeed ee Itobiya iyo shacbiga ku dhaqanba waxa qori caaradii ku qabsatay xukuumadaii Xeyle salaase, kadibna waxay galisay gumaysi dheer. Somalidu waxay dareemayeen inay ku hoos jiraan gumaysi aanay raalli ka ahayn degaanadii iyo dadkii kale ee somaliyeedna laga go’doomiyay oo xukuumadii Xeyle salaase meel ku xidhatay, sida ay maanta Snm u xidhatay dadka reer Awdal.
Hadaba Cahdigii Boqor Xeyle salaase xukumayay Itobiya waxa dhimatay ayeydii mise hooyadii, xabashidii iyo qoomiyadihii kale ee wadanku way wada baroorteen, magaalo magaalo iyo tuulo tuulo ayaa loo ooyay waddanka oo dhan. Dadkii Soomaliyeed waxa ku adkaatay inay u ooyaan islaanta dhimatay maadaama aanay jaceyl u haynin iyada iyo inankeeda toonada.
Oday ka mid ah odayadii wakhtigaa ka talinayay Magaalada Lafaciise ayaa isugu yeedhay dadkii markaasuu ku yiri: Waxad soo iibsataan basbaas barxaddaa weynna isugu keen keena beritoole” sidii bay reer Lafaciise yeeleen nin waliba farihiisa oo basbaas leh ayuu indhaha subaxii iska taabsiiyay, waftigii xabashidu wuxu yimiday dadkii oo wada ilmaynaya iyaguna way ku dareen, markii ay ka yaabeen jibada iyo qiirada dadka haysa.
Waayo dadkii Ilmadiiba way ka joogsan wayday ilaa indhihii dhiig cas wada noqdeen, illayn waa indho basbaar la mariyaye.
Haddii basbaas indhaha laga marinayo waa halkeeda laakiin maanta reer Boorama uma ooyi karayaan Somaliland, Xaddi Oromo-na waxan odhan lahayn dadka wixii ay doonayeen loo diidayo, wax aanay doonayn lagu khasbi maayee dhako kale keen, dhalinyarada qurbo-jooga ah ee aad xidh xidhaysana sii daa, ingiriiska inaad timaado kama maarmayside.
Up coming
views
views
views
views
views
views
views
views
views
views