views
Magaalada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo oo Haatan ka soo Kabanaysa Dagaaladii Halkaa ka Dhacay.
Degmada Beled Xaawo oo la Deris ah degmada Mandheera ee Kiinya ayaa waxaa xiligan ka muuqanaya dib u dhis iyo waliba ka soo kabasho ay ka soo kabanayso Dagaaladii halkaa ka dhacay ee u dhaxeeyay Dagaalyahanada xarakada Shabaab iyo Ciidamada dawladda iyo kuwo ahlu sunna wal Jamaaca oo isku dhinac ah.
Dagaaladii ka dhacay Beled xaawo ayaa waxa ay ahaayeen kuwo si weyn u saameeyay Nolosha Dadka iyo ganacsiga Degmadaas oo si weyn looga dareemayay ka hor laba sano sida ay ahayd xaaladda Beled Xaawo.
Wararka ayaa sheegaya in xiligan Magaaladu ay si weyn u ballaaratay isla markaana ay haatan sii fideyso iyadoo Laba Sano ka hor qofkii Magaalada ugu danbaysey aysan manta garan Karin.
Waxaa ballaartay ganacsigii, waxaa Magaalada ku soo laabtay dadkii hore uga Baxay, waxaa la arkayaa dhismayaal cusub ee bilicdii Magaalada wax ku kordhiyay iyo isu talowgii ganacsigii ka dhaxeeyay labada Magaalo ee Dirska ah.
Xaaladda ammaanka magaalada ayaa si weyn u soo jiidanaysa Dadkii ka cararay Dagaaladii halkaa ka dhacay waxaana la arkayaa amniga dartiisa qoysas hore Mgaalada uga qaxay oo haatan dib ugu soo laabanaya Magaalada Beled Xaawo oo ka mid ahayd meelihii ugu horeeyay ee dagaalada Gobolka Gedo ay ka dhaceen.
Magaalada ayaa xiligan waxaa ammaankeeda gacanta ku haya Ciidamada dawladda iyo kuwa ahlu sonno kuwaas oo soo celiyay amnigii iyo kala danbayntii Sharciga.
Isku soo Duub oo Magaalada Beled xaawo ayaa xiligan waxa ay tartan ugu jirtaa sidii ay ula soo noqon lahayd Sumcadeedii hore ka hor intii Laba Sano ka hor halkaasi aysan ka dhicin Dagaalada.
Xafiiska War Qabadka. Kismaayo 244. Ee Muqdisho.
Up coming
views
views
views
views
views
views
views
views
views
views