views
Dadka Bara Kacayaasha ah ee Ku Sugan Garbahaareey oo ka Cabanaya Xaalad Nolol Xumo ah oo Xiligan la soo Deristay.
Wararka naga soo gaaraya Magaala Madaxda Gobolka Gedo ee Garbahaareey ayaa sheegaya in Bara Kacayaasha ku sugan Gobolkaasi ay la soo deristay xaalad Aadanimo ee aad u Daran.
Dadkan Bara Kacayaasha oo badankood ay ka soo bara kaceen Gobolada Bay , Bakool iyo Qaybo ka mid ah isla Gobolkaas ayaa waxaa xiligan ay ka cabanayaan xaalad Cunto iyo Hooy la’aaneed isla markaana ay la daalaa dhacayaan macluul iyo Nafaqa darro.
Dadkan Bara Kacayasha ah ayaa sheegay in degaanadii markii hore ay ka yimaadeen Gobolada Bay iyo Bakool ay kaga soo carareen Abaarihii Sanaooyinkii la soo dhaafay ka dhacay Goboladaas ay weli sidii ay u taagan yihiin abaarihii isla markaana aysan haatan u suurta galeyn in ay dib ugu laabtaan Goboladoodii.
Bara kacayaashan ayaa Beesha Caalamka iyo hay’adaha sma falka ah ugu baaqay in lala soo gaaro gar gaaro aadanimo xiligan oo ay sheegeen in dhibaato xoog leh ay haysato.
Maamulka dawladda Federaalka Soomaaliya ee Gobolkaas ayaa hore u sheegay in ay jiraan Bara kacayaal fara badan oo ka kala yimid Gobolada Gedo, Jubada Dhexe, Bay iyo Bakool kuwaas oo ku waayay Xoolahoodii Abaarihii ku dhuftay Goboladaas iyadoona maamulku ku baaqay in Hay;adaha Sama falka ay gar gaar deg deg ah la soo gaaraan Dadkaas.
Si kastaba Abaarihii iyo Dagaaladii ka dhacay Gobolada Koofurta Soomaaliya ayaa waxaa ay sababeen in boqolaal bara kacayaal ah ay gaaraan Gobolka gedo iyagoo qaarkoodna ay u tallaabeen Dalalka Deriska la ah Soomaaliya sida Kiinya iyo Itoobiya.
Xafiiska War Qabadka Kismaayo. 24. Ee Muqdisho.
Up coming
views
views
views
views
views
views
views
views
views
views