14
views

Qarax Xalay ka Dhacay magaalada Wajeer ee dalka Kenya

Qarax ayaa lagu soo waramayaa in uu xalay ka dhacay magaalada Wajeer ee gobolka Waqooyi bari Kenya, iyadoona qaraxaasi uu sababay khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo Dhaawac.

Goobjoogeyaal ku sugan magaalada Wajeer ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in qaraxu uu yimid kadib markii qof waxyaalah  sitay ay ku qarxeen, waxaana uu sababay dhimashada ruuxii sitay iyo dhaawacyo soo gaaray afar qof oo mid kamid ah uu ahaa askari katirsan booliska Kenya.

Salaadii cishaha markii laga soo baxay ayaa waxaa la maqlay magaalada dhexdeeda qarax weyn oo ka dhacay. Marka waxaa xaqiiqo noqotay in nin madoow ah oo gobollada kale ee Kenya ka yimid oo aan reer Waqooyi bari ahayn in uu alaabta qarxeysay watay oo ay ku qaraxday,” sidaa waxa yiri mid kamid ah dadka deegaanka oo laanta Af-soomaaliga ee BBC-da wareysi siiyay.

Goobta uu qaraxa ka dhacay oo ahayd meel aad u mashquul badan islamarkaasina ku taal bartamaha magaalada Wajeer ayaa la sheegay in ay durba soo gaareen ciidamo katirsan kuwa Booliska magaalada Wajeer, kuwaasoo xiray wadooyinka mara halka uu qaraxa ka dhacay, waxaana durbadiiba uu hakad ku yimid ganacsigii iyo isusocodkii dadka iyo gaadiidka ee isticmaali jiray goobtaasi.

Ilaa imika ma jiraan masuuliyiin katirsan dowladda Kenya oo faahfaahin ka bixiyay qaraxii xalay iyo weliba khasaarooyinka ka dhashay.

Ammaanka gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa mudooyinkii u danbeeyay ahaa mid aad u liita iyadoona ay marar badan ka dhaceen qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo lala beegsaday  ciidamado katirsan kuwa Kenya.

Tan iyo wixii ka danbeeyay markii dowladda Kenya ay ciidamadeeda u dirtay dalka Soomaaliya si ay ula dagaalamaan dhaqdhaqaaqa Al-shabaab oo ay ku eedeeyeen in ay qatar ku yihiin ammaanka dalka Kenya, waxaa isa soo tarayay weerarrada isugu jira dilalka iyo qaraxyada ee lala beegsada askarta Kenya iyo weliba goobaha ay isugu yimaadaan dadka shacabka ah sida Baararka lagu caweeyo iyo Kaniisadaha. (1)

Read full story >>

6
views
VOA Somali ─ Barnaamijka Qurbe ee todobaadkan waxaad ku maqli doontaan qoraaga Soomaaliyeed Cabdicasiis cali Ibraahim "Xildhibaan" oo ka mid ah qurbe joogta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Ingiriiska oo dhawaan qoray buug uu uga hadlayo maamuladii soo maray Soomaaliya.
5 hours, 46 minutes ago
7
views
Somali Midnimo ─ Geesi Almujaahid Sheekh C/casiis Abuu Muscab Oo Shir Jaraa'id Qabanaya. MUQDISHO:- Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab oo Shir Jaraa’id qabtay goordhow, wuxuuna kaga warbixiyey weeraradii ugu dambeeyey ee ay qaadaan Mujaahidiintu. Weerarada ayaa kadhacay sida Sheekh Abuu Muscab sheegay Saddex meelood oo kala ah, A- Madaafiic lagu Garaacay Villa Soomaaliya, B- Shabeelada Hoose Deegaankaa Jannaale C- Gedo Deegaanka Faxfaxdhuun. Wilaayada Islaamigaa Ee Gobalka Banaadir. Wilaayada Islaamigaa ...
5 hours, 46 minutes ago
20
views
Puntlandi ─ Halkaan hoose riix si aad u daawatid: Puntlandi
5 hours, 46 minutes ago
27
views
Nuxur ─ Waxaa goor dhawayd shir u socday wafdigii ka socday IGAD oo gaarayay 14-ka oo maalmo ka hor Muqdisho iyo Kismaayo uu ku soo idlaaday Hotel Laico ee ku yaala magaalada Nairobi. Shirkaan oo uu shir Gudoominayo Eng. Maxbuubu Macalim oo ah xoogyaha guud ee urur goboleedka IGAD ayaa waxaa la sheegay in lagu lafa gurayo waxyaabihii ka soo baxay shirkaas. Shirkaan ayaa looga hadlayaa Qodobada lagu wado in lagu soo ...
5 hours, 46 minutes ago
7
views
Marka Cadey Net ─ Waxaa maal mahaan sii xumaanaaya xaalada amni ee Magaalada Muqdisho, waxaana soo badanaaya falalka ammaanka ka baxsan ee maal mahaan ka dhacaaya Caasimada. Laba qaraxyo ayaa waxay caawa ka kala dhaceen Isgoysyada Bakaaraha iyo Hawl Wadaag ee Magaalada Muqdisho, waxaana lala beegsaday Ciidamada Dowladda ee halkaasi fariisimaha ku leh. Ciidamada Dowladda ayaan wax khasaaro leh [...]
5 hours, 46 minutes ago
14
views
Marka Cadey Net ─ Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa wuxuu si kulul uu maanta u weeraray Dowladda Soomaaliya, oo iyadu ka soo horjeedsatay Doorashadii Maamulka Jubbaland ee Axmed Madoobe. Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Dr. C/Raxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud (Faroole), ayaa wuxuu ka hadlay sababta Dowladda Soomaaliya ay uga soo horjeeda Maamulka Jubbaland. Madaxweynaha ayaa wuxuu sababta uu ku sheegay in [...]
5 hours, 46 minutes ago
6
views
Laacib Net ─ Madaxweynaha kooxda Real Madrid Florentino Perez ayaa xaqiijiyay in tababare Jose Mourinho uu ka tagi doono kooxda xagaagan. Tababaraha reer Portugal ayaa mudooyinkii u danbeysay la isla dhexmarayay inuu ka tagayo kooxda Los Blancos seddex xilli ciyaareed uu joogay kooxda, iyadoo la filayo inuu dib ugu laabanayo kooxdiisii hore ee Chelsea. “Waxaan go’aansanay inaan soo [...]
5 hours, 47 minutes ago
5
views
Laacib Net ─ Iyadoo tababare cusub uu xilli ciyaareedka soo socda qaban doono Real Madrid, waxaan dib u fiirin doonaa sideedii tababare ee ka soo hoos shaqeysay madaxweynaha Los Blancos Florentino Perez. Del Bosque: waa tababaraha ugu guulaha badan intii uu Perez madaxweyne ka ahaa, waana midkii ugu waarista badnaa. Waxa uu kooxda tababare ka ahaa 1,031 maalmood. [...]
5 hours, 47 minutes ago
11
views
Horufadhi ─ Maamulihii Shirka Xawaalada Dahabshiil Laanteeda Dalka South-Sudan Ayaa Ka hadlay Arimo badan oo Xaasaasiya iyo Sidii uu Usoo Bilaabay Shaqada Shirkadaasi. HALKAN DAAWO Waraysi Dhinaca kale Ayaa Sheegay inuu ka badbaaday dil kooxda Dahabshiil ku dooneysay inay ku khaarijiyaan kadib markii uu ka biyo diiday farsamo la doonayay in lacag loogu diro Al-Shabaab. Ugu Danbayntii Wuxuu banaanka [...]
5 hours, 47 minutes ago
23
views
Horufadhi ─ Arin Naxdin iyo Sharaf daro ku ah ummada Soomaaliyeed ayaa lasoo ban dhigay ,subxaanallah,waxa dhacday arin aanan lasheegi karin ,gabar ayidoo yar Arin Foolxun lagu Sameeyey,hoos ka daawo adaaba yaabi doonee, HALKAN RIIX DAAWO MUUQAALKA ADAA YAABI DOONEE
5 hours, 47 minutes ago