20
views

” Isbedelka Somaliya Waxa Uu Mudanyahay Feejignaan IYo Dib U Eegid” Eng Maxamed Xaashi Cilmi

Hargeysa (OWN)- Wasiirkii hore ee maaliyadda Somaliland Maxamed Xaashi Cilmi ayaa qoraal ka soo saaray  siyaasadda taagan ee Somaliland sida loo waajahayo  hadalka iyo dawladda cusub ee ka dhalatay  Somaliya

waxaanu qoraalkan uu Maxamed Xaashi Ka soo saaray Magaalada Hargeysa u dhignaa sidan:” Haddii aan ku horeeyo, Qaab-Dhismeedka Qaranka: “Qod. 37-2. Dhismaha Qaranku wuxu ka kooban yahay saddex waaxood oo kala ah: Fulinta, Xeer-dejinta iyo Garsoorka……., Waax waliba awoodda Dastuurku u gaar yeelay way u madax bannaan tahay”.

Waa ku talagal is-dheelitir ah. Qoraalkani, wuxu ku saabsan yahay, sidii loo sixi lahaa gafafkii is-biirsaday ilaa1991. Sida musuq-maasuqa baahay iyo Dastuurka, la baal-maray. kuwaas oo halis ku ah horumarka Dalka.

Waxana maamulka la toosin karaa, marka lagu dhaqanka sharciyada Dalka. Kuwaas oo Sal u ah: Cadaaladda, Nabad-galyada, Kobcinta dhaqaalaha & horumarka dalka guud ahaa ba. Waxa Dalka soo maray affar Madaxweyne, oo lagu dhaariyay:

DASTUURIGA Qod.129. “Waxaan Ilaahay Ugu Dhaartay In Aan U Noqonayo Daacad Diinta Islaamka, Dalkayga Somaliland, Dadkiisana Ku Maamulayo Sinnaan Iyo Caddaalad Inta Aan Xilka Hayo”. Haddii aan ku bilaabo, dhaqaaluhu waa laf-dhabarka Dawladi ku tamariso. Waa In la kobciyo kharashkana la dhimo, si dalka u dhismo dadweynuhuna daryeel u helaan. Waa arrin muhim ah, oo mudan ku talo galkeeda. Affarta Madaxweyne ee hogaanka Dalka soo maray, laba way geeriyootay ( A H N). Labada NOOL ayay faaladani khusaysaa, oo wadaga:- Burinta Dhaarta, Baal-maridda Dastuurkaiyo ku Tagrifalka hantida Qaranka. 1.Madaxwene Rayaale, muddadi xilku waxa ay kaga dhamaatay, adduun urursi iyo Daaro iibsi. Waxa kale oo laga dhaxlay, deyn ka badan, (U.S.D. toddobaatan milyan ($ 70 milyan), oo ayna ku jirin, daarihi iyo dhulkii Dawladda ee ay iibiyeen. WuxuRayaale TAHLI waayay, inuu bixiyo affar bilood Mushaharkii shaqaalaha, kii ciidamadana laba bilood. Waxa kale, oo deyn badan lagaga yeeshay: Raashinkii jeelasha, cusbataalada iyo ciidamada. Kharahkii hawl socodsiinta Jan-July 2010 oo ahaa; $ 22 milyan, dawladana bixisay. Xukuumadda Rayaale ma gaadheen bishii Sept. 2010, haddii aan doorashadii ka soo gaadhin.2. Madaxweyne Ahmed Maxamed wuxu yidhi, waxba uraacimaayo, hantidii Rayaale iyo Xukuumaddisii lunsatay.Ilaalinta hantida Qaranku waa waajib saran Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisa. Waxanay ku caddahayDastuurka Qod.96-t.Ku xad gudub Dastuurka.

Mudnaanta Siyaasadda A. Dibadda, Daryeelka Dadweynaha Iyo Horumarka Dalka.

Aqoonsigii Somaliland ee 26 June 1960, halagu raadiyo, siffo sharci. Khudbaddii Madaxweyne Axmed ee 30 Jan 2013 qaybtii A. Dibaddu aad bay u fiicnayd. Balse waxa ay noqon, hal-bacaad lugu lisay, haddii laga qaybgalo shirka Somalia loo qaban doono May2013, ee Somaliland loo aqoonsan yahay, dawlad goboleed Somalia ka mid ah. Waa KHAYAAMO QARAN KA QAYB-GAL KEEDU.

ARRINTA Somaliland way ka culus tahay, sheekaysii laba Madaxweyne, isu hor fadhiistaan. Waa in wada hadalku ahaado mid, innaga iyo iyaga ah, oo ka baxsan shirka goboleed Somalia. La soo noqoshada madax-bannaanida Somaliland waa GO’AAN AFTI- DADWEYNE. Waa in garyaqaano caalamiya iyo xog loo urursado, wada hadalada. Hay’adaha ajnabiga ee Dalka ku jooga, magaca Somalia, waa marag ,qiraal ah in aynu qayb ka nahay Somalia. Hay’aduhu ka joogeen Dalka magaca Jamhuuriyadda Somaliland ama DHAKHSO ha innoo dhaafeen.

Baahiyaha iyana xusidda mudan:- In miisaaniyadda lagu daro waxa ka mid ah, dawada Umulaha oo ANGELA GORMAN- British, inagu caawiso, sidii loo yarayn lahaa dhimashada umulaha. Laba iyo tobankii UMULOOD ba (1/12) mid GEERIYOOTO. Dawooyinkaa umuluhu waa:- MAGNESIUM SULPHATE. Qiimuhu yahay: Ampoul sls 10,000 ama 1 tab 2,000 sls iyo MISOPRTOL 1 tab. sls 5,000 Umushii ba. Waa wax jaban. In miisaaniyadda lagu daro, $ 240,000 sannadkii, si bukaan-jiifka kalyuhu fadhiistaan, looga dhimo kharashka dawada. “HAANI GUNTAY KA TOLANTAA”. Xukuumaddu, xil ha iska saarto daryelka, Shaqaalaha iyo ciidamada. Sannadkii 2011 waxa loo kordhiyay mushaharka 100%. Talagalku wuxu ahaa, 100 % kale, in loo kordhiyo. Shanti sano ba, lagu jaan-gooyo maceshadda Dalka. Qod. 20- 3. Shaqaaluhu waxay xaq u leeyihiin mushahar u dhigma hawsha ay qabtaan…. Qod. 20- 5 shaqaalaha dawladdu iyo xubnaha ciidamada qalabka sida waxay xaq u leeyihiin gunnada hawl-gabka iyo kaalmada bukaanka ama shilka iyo kaalmada qofka naafooba oo xeerka waafaqsan.

TALA-GALKII, KORODHKA MUSHAHARKA SHAQAALAHA / CIIDAMADA SANNADKII.

Eng Maxamed Xaashi Cilmi

Oodweynenews.com,Hargeysa Office

Read full story >>

2
views
Laacib Net ─ Jose Mourinho ayaa ka tagi doona Real Madrid ka dib kulankooda ugu danbeeya ee horyaalka ee 1da bisha June, sida ay sheegayaan warar soo baxaya. Kulanka ugu danbeeya ee xilli ciyaareedka ee kooxda Los Blancos waxa ay Santiago Bernabeu kula ciyaarayaan Osasuna, waxaana jariirada Madrid ka soo baxda ee AS ay sheeganeysaa in tababaraha reer [...]
3 hours, 44 minutes ago
4
views
Horufadhi ─ Magaalada Seatle washinton ee dalka Maraykanka ayaa si balaadhan looga xusay maalinta nadaafada deeganada SSC ee Khaatumo State of Somalia, jaaliyada iyo dhalinyarada gaashaaman ee deeganada Khaatumo ayaa si blaadhan uga xusay halkaas, ayagooo garoomada ay kubada ku cayaaraan iyo goobaha kale ee halbawlaha ah ka nadiifyey qashinka maadama ay tahay 18ka May maalinta loo [...]
3 hours, 44 minutes ago
2
views
Golis News ─ Hargeysa(Golisnews)-Daawo Daawo Suldaan Yuusuf Xiirey Oo Beeshiisa usoo jeediyey inanay Xukuumad ku Mucaaridin Mar uu Shalay Ka Hadlaayey Xaflad Lagu Qabtay Deegaanka Baba-bahal ee Degmada Sabowanaag Miyir Cali Xuseen Hargeysa Golisnews Office info@golisnews.com Tel : 00252 634046313
3 hours, 44 minutes ago
3
views
Golis News ─ Hargeysa(Golisnews)- Maanta ayaa waxa Xabsiga laga siidaayey Maxaabiistii u xidhnayd Falkii ay iskaga horyimaadeen Ciidamada Xerada Warshada Kabista Hargeysa iyo Qoys ay dhul ku muransanaayeen .Dhacdadan oo ahayd mid warkeedu gaadhay dhamaan Caalamka oo dhan ayaa waxa ay saaka kusoo gabagabowday in lasoo daayo dhamaan xubnihii loo xidhay arinkaas .Xubnahan u xidhnaa Falkan oo Todoba iyo Toban kamidi xukunaayeen Inta kalena Rumaan ku jirtay ayaa waxa siidaynoodu ka danbaysay kadib ...
3 hours, 44 minutes ago
2
views
Ciyaaro ─ Arsenal ayaa ugu danbeystii heshay booska ugu danbeeya ee loogu soo baxayo Champions League kaasoo ay ka tuurtay kooxda ay dariska yihiin ee Tottenham Hotspur markii kulankii ugu danbeeyay ee Premier League ay 1-0 kaga badisay Newcastle United. Laurent Koscielny oo difaaca ka ciyaara ayaa Arsenal u dhaliyay goolka guusha daqiiqadii 52d kaasoo u xaqiijiyay booska 4d ee horyaalka markii ay heshay 73 dhibcood, hal dhibic ayeey kaga qaaday kooxda ...
3 hours, 44 minutes ago
2
views
Bar Kulan ─ Hal qof ayaa dhintay, lix kalana way dhaawacmeen shil gaari oo galabta ka dhacay duleedka magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer. Taliye ku-xigeenka saldhigga booliska Burco, Deeq Cabdi Yuusuf oo tagay goobta uu shilku ka dhacay ayaa Bar-kulan u sheegay in gaari xamuul ah uu ku dhacay gaari kale oo kuwa raaxada ah. Deeq waxa [...]
3 hours, 45 minutes ago
2
views
Bar Kulan ─ Kooxda Arsenal ayaa ku dhammeysatay kaalinta 4-aad ee horyaalka Ingiriiska ka gadaal markii galabta ay 1-0 kaga badisay New Castle United kulankii u dambeeyay ee horyaalka xilligan. Goolka oo uu saxiixay Koscielny ayaa Arsenal siiyay 73 dhibic, iyadoo dhibic ka sara martay kooxda Tottenham oo ku dhammeysatay horyaalka 72 dhibic. Arsenak waxay cayaari doontaa isreeb-reebka [...]
3 hours, 45 minutes ago
5
views
VOA Somali ─ Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha waxaa marti ku ah madaxa ururka Somali Action Alliance ee gobalka Minnesota Xaashi Shaafi, waxa uuna ka waramayaa 9 qof oo Soomaali ah oo maxkamadda Minnesota ay xukunno argagixisanimo ku ridday.
4 hours, 42 minutes ago
6
views
Somali Midnimo ─ Kismaayo Oo Ciidamada Shisheeye Ay Ka Tirtirayaan Towxiidka!. Ma Towxiid Ayaa Sidaas Ku Tirma?. KISMAAYO:- Waaliga Wilaayada Islaamigaa ee Jubbooyinka Sheekh C/raxmaan Xudayfa Xafidahullaah ayaa ka hadlay xaaladda Magaalada Kismaayo oo kamida qaybaha Saliibiyiinta Kenya iyo Murtadiintu ay gacanta ku hayaan, waa markii ugu horaysay ee Waaliga Jubbooyinka uu ka hadlo dhowrka Madaxweyne Nimanka sheegtay ee isku haysta Caasumaddii Wilaayadda Islaamigaa ee Jubboyoonka Kismaayo. Sheekh C/raxmaan Xudayfa wuxuu sheegay in ...
4 hours, 42 minutes ago
3
views
Raxanreeb ─   Muqdisho(RBC Radio) Hay’adda Nabadsugidda qaranka Soomaaliyeed ayaa iska fogeysay iney ku lug leedahay cabasho kasoo yeertay mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya kuwaas oo sheegay in kulan qado ah oo ay ku yeelan lahaayeen mid ka mid ah Hoteelada magaalada Muqdisho ay iska hortaageen ciidamada Hay’adda Nabadsugidda qaranka Soomaaliyeed. Agaasimaha guud ee hay’adda Nabadsugidda qaranka Gen. Bashiir Maxamed Jaamac Bashiir “Goobe” oo maanta shirkiisii Jaraa’id ee ugu horeeyey tan iyo ...
4 hours, 42 minutes ago