28
views

Marwada Maddaxweynaha Somaliland oo Xadhiga ka jartay Wado Laami ah oo isku xidhaysa Xaafado ka mid ah Hargaysa .

Hargaysa3.Feb( SDN)    Marwada Koowaad Somaliland Marwo Aamina Xaaji Maxamed Jirde(Aanina Waris) ayaa maanta xadhiga ka jartay waddo laami ah oo dhan 1 km iyo badh oo isku xidhi doonta xaafadaha sheekh Mubaarig iyo sheekh Nuur ee Degmada Gacan Libaax Ee Magaalada Hargeysa.
Munaasibad balaadhan oo xadhiga lagaga jarayo wadadaasi oo lagu qabtay goobta wadadan laga hirgaliyey ayaa waxa ka qayb-galay Wasiir ku xiggeenka Amniga ee Wasaarada Arimaha Guddaha, Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex, La Taliyaha Madaxweyanaha Ee Arimaha Bulshada ,Xoghayaha Dawlada Hoose Ee Hargaysa, Taliye Ku Xiggeenka Ciidanka Bilayska, Xildhibaano iyo dadweyanaha xaafadaasi.
Wasiir Ku Xiggeenka Amniga ee Wasaarada Arimaha Guddaha C/laahi Abokor Cismaan oo halkaasi ka hadlay ayaa ka waramay maaraaxilkii kala duwanaa ee hirgalinta wadadani ay soo martay isaga oo sheegay in guud ahaanba wadadu ay dhan tahay 1 km iyo laba boqol oo mitir balse hadda la dhamaystiray 1 km , waxaana uu halkaasi mahadnaq uga soo jeediyey cid kasta oo gacan ka gaysatay hirgalinta wadadan halka dadweynaha xafadana uu ku booriyey in ay ilaashdaan wadadan.
Marwada koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Xaaji Maxamed Jirde(Aamina Waris) ayaa geesteeda xustay sida ay ugu faraxsan tahay hirgalinta wadadan iyada oo ku tilmaantay in wadadani tahay mid muujinaysa faa’iidada iskaashiga iyo waxa wada qabsiga iyadoo si gaara ugu mahaqnaqday cid kasta oo ka qayb-qaadatay wadadan gaar ahaana guddida xaafadahaasi oo u guntaday sidii wadadan laamiga ah u hirgalin lahaayeen .
Geesta kale waxa halkaasi ka hadlay Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex Axmed Cumar Xaaji C/laahi (Xamarje), xildhibaano iyo cuqaal waxaana dhamaantood iftiimiyeen qiimaha wada jirka iyo wax wada qabsigu leeyahay.

Hargaysa SDN.

Read full story >>

6
views
Oodweyne News
7 hours, 7 minutes ago
27
views
Oodweyne News ─ Waxa la yidhi ” Baqal Fardo La Miratay In Ay Ka Mid Tahay Bay Is Moodaye”, waxa runta loo sheegay maanta duhurkii, oo si cad oo digniin adag leh, oo waaqici ah dhabta loo taab-siiyey, loona sharaxay inta ay awoodiisu tahay, xuduudaha aanu geli karin, kana hadli karin, ee uu socdo inta ay talaaba-diis tahay, oo aanu is moodin madax-weyne dawladeed oo siduu doono u socon kara, laakiin uu yahay ...
7 hours, 7 minutes ago
3
views
Oodweyne News ─ Ismaciil adan cismaan (ismaciil yare) qodobka ugu horeeyay ee uu ku duray doorashada ayay waxay ahayd 1- Cod bixintii fara-weyne Arinta fara-weyne markii uu ka hadlayay waxa uu yidhi “Hadaan tusaale idinku soo qaata fara-weyne oo ay lahaayeen cadaalad bay u dhacday way iska hadlayaan waa beentood” ninba meehsa bugtaa isagay belbeshaaye arintaas markii uu ku nuuxnuuxsaday waxa uu yidhi “Arintan wado bariis oo ah,sanduuqyo la codeeyay oo la yidhi ...
7 hours, 7 minutes ago
15
views
Horufadhi ─ Warqad ka baxday Xafiiska Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia, ayaa waxaa la gaarsiiyay Dowladda Ethiopia, taasoo ku saabsan Arrimaha Maamulka SNM Xog aan ka helnay Mid ka mid ah Shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somalia, ayaa sheegaya in Wasaaradaasi ay Dowladda Ethiopia u dirtay Warqad ku saabsan inay jarto Xiriirka adag oo ay siineyso Maamulka SNM, iyadoona [...]
7 hours, 8 minutes ago
6
views
Waajid ─ Kismaayo – Waxaa sii kordhaya madaxweynayaasha looga dhawaaqayo magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose. Maanta oo Khamiis ah waxaa halkaas looga dhawaaqay madaxweynihii lixaad, wuxuuna noqday Xasan Maxamed Cismaan oo loo yaqaano Xasan Xaaji. Munaasabad ka dhacday magaalada Kismaayo ayaa looga dhawaaqay madaxweynaha cusub ee Jubbland, waxaana meesha laga sheegay in uu Xasan Xaaji yahay madaxweynaha saxda ah ee ay lee yihiin dadka ku dhaqan gobalada Gedo iyo Jubbooyinka. ...
8 hours, 5 minutes ago
4
views
Qurbe Joog ─ Kasal May 23,2013(SDN)-Halkan ka daawo xafladii May 18,2013 ay dalka Jarmalka ku soo bandhigeen Jaaliyada reer Somaliland ee dalkaasi ku dhaqan.  
8 hours, 5 minutes ago
4
views
Oodweyne News ─ SPAIN(OWN)- Fanaanada Qaranka Sahra Axmed Maxamuud (Sahra Halgan) ayaa ka qeyb gashay bandhig faneed caalami ah oo lagu soo bandhigayey Hidaha & Dhaqanka, Bandhigan caalamiga ah oo uu abaabulo sanad walba dalka Spain gaar ahaan magaalada Murcia ayaa waxaa ka qeyb galay fanaaniin dowlado badan oo caalamka ka kala socday oo halkaa kusoo bandhigayey Heeso ka turjumaya hidaha & dhaqankooda, Hadaba fanaanada qaranka Somaliland ee Sahra Halgan ayaa ka qeyb ...
8 hours, 6 minutes ago
7
views
Oodweyne News ─ Waxaa Lagaga dhawaaqay maayar cusub xaafadda Southwark ee Magaalada London , maayarkan cusub ayaa lagu magacaabaa Abdul Mohamed waxaanuu kasoo jeedaa Somaliland, ee halkan hoose ka akhriso warbixintaas oo dhamaystiran. London Borough of Southwark announces its new mayor.   Cllr Abdul Mohamed was announced as the new Mayor of Southwark at Council Assembly last night. Cllr Mohamed was Deputy Mayor last year, and replaces outgoing Mayor Cllr Althea Smith. Cllr ...
8 hours, 6 minutes ago
7
views
Oodweyne News ─ Sawirka maanta ay idiin soo gudbinayso shabakada caalamiga ah ee Oodweynenews, wadanka Yeman Iyo Qaadka maxaa kala haysta, Ciyaalkiina Way bareen … SAWIRKA MAANTA EE SHABAKADA CAALAMIGA AH EE OODWEYNENEWS
8 hours, 6 minutes ago
16
views
Horufadhi ─ Madaxwayne ku xigeenka Maamulka Jubbaland State General C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo Warbaahinta la hadlay ayaa ka hadlay arimo badan oo ku saabsan xaalada Kismaayo iyo Dowladda Federaalka diidmada ay ka muujisay Maamulka Jubbaland. Wuxuu sheegay Jen Fartaag Madaxwaynaha Jubbaland inuu yahay Sheekh Axmed Madoobe, isagoona xusay cid kale inaysan iska sheegan Karin, dhinaca kalana [...]
8 hours, 6 minutes ago