views
60 Kamid Ah Ciidamada Ilaalada Deegaanka Gobolka Banaadir Oo Maanta Muqdisho Tababar Looga Furay
Muqdisho(RBC Radio) Dowlada Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya tababar uga furtay 60 askari oo loo diyaarinayo iney ka mid noqdaan saraakiisha ciidamada ilaalada deegaanka gobolka Banaadir munaasbada lagu daahfurayey tababarkan ayaa waxaa kasoo qeyb galay masuuliyiin fara badan oo ka tirsan dowlada Soomaaliya oo ay ka mid ahaayeen wasiir kuxigeenka wasaarada arimaha gudaha iyo amniga qaranka, taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed,gudoomiyaha gobolka Banaadir iyo qaar kamid ahgudoomiyaasha 17-ka degmo ee gobolka Banaadir.
60 sarkaal ee tababarka loo furay kana mid noqon doona ciidamada ilaalada deegaanka banaadir ayaa waxa ay hawshoodu noqon doontaa qaadista canshuuraadka dalka oo dhawaan ay dowlada Soomaaliya si rasmi ah u bilaabi doonto qaadisteeda,wasiir kuxigeenka ayaa xariga ka jaray munaasabada tababarka lagu siinayey saraakiisha ciidamada ilaalada deegaanka Banaaadir.
Tababarka ayaa waxaa ay saraakiishani ku qaadanayaan dugsiga tababarka ciidanka boolsika Soomaaliya ee Jen.Kaahiye ee degmada X/jajab,gudoomiyaha gobolka Banaadir Max’uud Axmed Nuur Tarsan oo ka hadlay munaasabada ayaa sheegay in tababarku uu socon doono muddo 15 maalmood ah kadibne ay saraakiishani guda gali doonaan shaqada loo igmaday oo ah soo aruurinta canshuurahada dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Taliyaha Ciidamada Booliska oo isne ka hadlay munaasabada ayaa sheegay inuu si weyn ugu faraxsanyahay in dowlada Soomaaliya ay go’aansatay iney dhidibada u taagto dhamaan kaabayaashii dowliga ahaa kuwaas oo ku burburay dagaaladii ka dhacay dalkeena Soomaaliya wuxuuna ku dhiiri galiyey askarta tababarka loo furay iney si hufan u gutaan hawsha qaran ee loo xilsaaray.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho
Use Facebook to Comment on this Post
Up coming
views
views
views
views
views
views
views
views
views
views