23
views

Dhibaatada Qurbajoogtu ku hayso Dalkii Hooyo ((3-Dhinaca Bulshada iyo Dhaqaalaha).

Assalamu aleykum, Salaan dhammaan Akhristayaasha iyo bahda warbaahinta iyo sida hufan ee aad u soo bandhigtaan xogwarranada iyo dhacdooyinka.
Waxaan kusoo jirney dhibaatooyin badan oo Qurbo-joogu ku hayaan Wadanka marka ay tagaan, sida dhinaca Akhlaaqda ama dhinaca Siyaasada, waxaanan ku tibaaxey iney Dadka qaarkii dhibtaasi ama sheegeen ama soo tabiyeen, waxaana xaqiiqa ah in aaney dhammaantood kuwada dhaqmin laakiin mar haddey dhibtu jirto in la sheego si looga wada hadlo ama looga digtoonaado ay lagama maarmaan tahay.
Markaan dib u fiiriyo Dadka ka xajiimoonaya in la sheego dhibaatooyinkan ama ay sida tooska ah u khuseyso, ma aha inaan magacooda farta ku fiiqey, waase waano guud oo Qofkii ku dhaca la doonayo inuu ka waantoobo, cidii ku sifowdana looga digo inuu ku sii socdo, waxaana ka mida:
3- Dhib badan oo aad ka dareemeyso Dalka gudihiisa marka ay yimaadaan Qurbo-joogu, khaasatan xilliga Xagaaga oo ay ku dhaqmaan qaar ka mid ahi, marka ay doonayaan iney guursadaan ama Inan(Gabdh) u fadhiistaan iney aad u qaaligareeyeen Meherkii, Guurkii, Arooska iyo kharashkiisa.
Talada in Ninka Ragga ahi dalkii Hooyo ka doonto Gabadh ama Inan uu guursado waa talo aad u fiican, suuq wanaagsanna u furey Hablaha Dalkii jooga, taas ama xigto ha u raaco ama garsho hore ama is barasho cusuba, laakiin waxa qaldan inuu ku degdego oo uu markiiba iska guursado, kaas oo intooda badani ku dhammaadaan fashalin, waayo sida uu ugu degdegey ee aanu uuga fiirsan ayaa keeneysa iney kusoo baxaan arrimo aanu fileyn oo ama loo sheego ama arko, sidaa daraadeed waxa an kula talin lahaa in layska hubsado Qofka debadda ka yimaada ee la guursanayo Akhlaadiisa, dhaqankiisa iyo Dadnimadkiisaba.
Marka Ninku Gabadhii u fadhiisto ee la bixinayo waxa la bixiyaa sida inoo caado ah Yaradkii iyo Gabaatigii, waxaana raaca meherkii, haddaba waxa meesha ku jira in laga qaado Qiimo badan, waayo kani Qurbaha ayuu ka yimid, laakiin lagama fikirin iney jiraan Ragg badan iyo Inamo badan oo aan awoodin iney bixiyaan kharashkaasi, marka ay gabdhihii arkeen kharashka saaxiibadood laga bixiyey ama ku baxay ay iyaguna sidaas oo kale damcaan in Ninka guursanayaa ka bixiyo, laakiin Ragga wadanka joogaa ma wada helayaan kharshkaasi, halkaas waxa ka yimid Sicir barar ku dhacay gabdhihii oo Ragga arrinkaas ka taliyaa aaney kuba fakirin Caqliga gaaban ee gabdhihii iyo Reerihii isku dayanayaan.
Arrinkaa waxa aad loo arkaa xiliga Qurbo-joogu wadanka u xagaa baxaan, oo aad dareemeyso in Qiimo badan kor u kaco, sida Guurka, Guryaha la kireysto oo kor u kaca, Baabuurta kirada ah, iwm.
Waxaan kula talin lahaa in aynaan eegin ineynu awoodno oo iska bixin karno, laakiin aynu eegno saameynta ay ku yeelaneyso dadka wadanka jooga oo qiimahaasu dhib u keenayo, ma aha kuwa khaaska ah ee qaadanaya qiimahaasi, hase yeeshee si guud oo culeys keenaya.
Arrinka sicir bararku waa Erey afka aad uugu sahlan, laakiin dhibta uu dhaqaalaaha ku keeno waa mid danyarta ama Dawladaha saboolka ah Afka u roga oo xataa nolosha ka saara, waayo maanta waxaad arkeysaa qiimaha Alaabtu marka uu kaco inaanu dib u soo noqon, xataa sababtii kor u kicisey haddey meesha ka baxdey, waayo? Ma haysano Dawlad koontroosha Qiimaha, ama Guddi u xilsaaran arrinkaasi, taasi waxay keeneysaa in Tujaartu sidey doonaan Bulshada ka yeelaan, halkan Wadama inala jaarka ahi Qiimo intaas ka yar ku nool yihiin, mararka qaarkii waxa la odhan karaa waa isha laga heley Dadweynaha oo aan kaba dhiidhiyey, kana wada tashan ee wixii loo sheego uun rumeysta.
Sicir bararka iyo qiimaha dusha laga saaro dhammaan Alaabta iyo waxa noloshu u baahan tahay, sida, Dabka oo aad u qaaliya, Biyaha oo aan xaafadaha qaarkood biyaba helin, loona dhaamiyo, Dhuxusha oo hadda qiimaheedu kor usii kacay, waxaaba ka daran dhammaan Raashinka la cuno oo ka qaalisey Yurub sida Bariiska, Baastada, Saliida, Caanaha Noocyadooda moodh-gareysan, Sharaabka iwm…..
Dalkii hooyo wuxuu u baahan yahay badbaadin, kolley Dadka debedda ka yimaadaa badankoodu wey awoodaan iney qiimahaasi iska bixiyaan muddada yar ee ay joogaan, waxayse su‘aashu tahay ma awoodaan kuwa qiimuhu ku kacayo ee aanu dib u soo noqoneyn?, sidaa awgeed waa ineynu aad uugu fakirnaa badbaadintaasi guud iyo ineynaan ka qayb-qaadan ugu yaraan dhibtaasi.
Qormadii aan ku tibaaxayey dhibaatada Qurbo-jooga halkaas ayaan ku hakinayaa, intii ay sida tooska ah u taabatey, ama guud ahaanba waxaan ka raali galinayaa inaaney u qaadan inaan Qof ahaan u jeedey waase si guud oo qofkii ku sifoobey dhaleecada qayb ka yahay.
Waxanse u gudbayaa- inshallaah- dhibaatada Qolqoljoogu ku hayo Qurbajooga iyo dalkaba.
Wuu socdaa…….
Sacad Subaan Ina Kaarshe cade
Subaan99@yahoo.de
 ______________________________________________________________

Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.

Read full story >>

2
views
Bar Kulan ─ At least one person is reportedly killed, six others wounded after lorry crashed a luxury vehicle in the outskirts of Burco, the capital of Togdher region in northern Somalia. Deputy police commissioner in the area, Deq Abdi Yussuf who was speaking to Bar-kulan from the scene of the accident said that a lorry collided with [...]
2 hours, 37 minutes ago
9
views
Balanbal ─ London: Iyadoo todobaadyadii ugu dambeysay ay koox Xildhibaano ah wadeen mooshin ay doonayaan ay khal khalgeliyaan horumarka ay ku talaabsatay Xukuumada Raysal Wasaare Saacid ka gaartay dhanka siyaasada, arrimaha dibadda, cadaalada iyo garsoorka, fidinta siyaasada dawladda ee gobolada dalka iyo xoojinta midnimada Soomaaliyeed, ayaa waxaa la ogaaday in shaqsiyaadka ka dambeeyo fowdadaasi. Marka la eego shaqsiyaadka hor boodaya mooshinkan dhicisoobay ayaa dhamaantood waxa ay yihiin xildhibaano lagu xusay dhamaan warbixinadii ...
2 hours, 37 minutes ago
2
views
Balanbal ─ Muqdisho: Madaxwaynaha Maamul goboleedka Bartamaha Soomaaliya Mudane Maxamed Xaashi Carabey ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho kadib safaro uu ku gaaray dalalka Yurub. Maxame Xaashi oo la hadlay Saadaal Media kadib markii uu Muqdisho soo gaaray ayaa faah faahin ka bixiyay Safaradii uu ku gaaray dalalka Yurub. Waxaa uu sheegay dhawaan inuu gaari doono degmada Caabudwaaq, isagoo xusay Mashaariic badan oo deeganadaasi laGA fulin doono inay kala hadleen Wadamo ka tirsan ...
2 hours, 37 minutes ago
5
views
Balanbal ─ Birmingham: Waxa shalay (Axad) gudaha magaalada Birmingham ka dhacday munaasabada lagu tageerayo Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Col. Bare Aadan Shire “Hiiraale”, waxaana munaasabadaas ka soo qayb galay kumanaan ruux oo ka kala yimid gudaha wadanka Britain iyo dalalka kale ee qaarada Yurub. Munaasabadan oo ah mid aad u heer sareysa isla markaasna ay ka soo qaybgaleen shacab soomaaliyeed oo aad u badan kuwaasi oo ka soo jeeda gobollada Jubooyinka Iyo Gedo ...
2 hours, 37 minutes ago
5
views
Star Fm ─ Maxkamadda magaalada Bosaso ayaa xakuno kale duwan ku riday Kaluumeysatro u dhalatey dalka Iran iyo Niman Soomaali ah oo u shaqeynaayey kaluumeysatadaas. 78 qof oo u dhashey dalka IRAN iyo 12 Soomaali ah ayey ahaayeen eedaysanayaashii maanta maxkamadda la horkeenay, kuwaas oo ku eedaysnaa, in ay dhacayeen kheyraadka Puntland, Maxkmadda ayaa ka dhacdey Saldhiga weyn ee ay ku xirnaayeen, maadaama aan dhamaantood la horkeeni karin xarunta maxkamadda. Waxaa sidoo kale ...
3 hours, 35 minutes ago
6
views
Somali Memo ─ Warbaahinta Maraykanka sida Washington Post iyo Mareegyada Jaaliyadaha Maraykanka ayaa daabacay, warbixin ay soo saartay Hay’adda ugu weyn Dalka Maraykanka ee u doodda xuquuqda Muslimiinta ( Council on American-Islamic Relations (CAIR), waxay sheegtay Hay’addu in ay dacweynayso Qaadiga xukunka dulmigaa ku riday Gabdhaheenna Muslimaadkaa, Amina Farah Ali iyo Hawo Mohamed Hassan. Warbixinta waxaa lagu bilaabay sidaan, (The Council on American-Islamic Relations (CAIR), the nation’s largest Muslim civil rights and advocacy ...
3 hours, 36 minutes ago
3
views
Puntlandi ─ Dibadbax aad u ballaaran oo lagu taageerayay doorashadii Dowlad Goboleedka Jubbaland oo 15-kii bishan looga dhawaaqay magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose, ayna kasoo qaybgaleen qaybaha kala duwan ee bulshada ee kasoo kala jeeda gobolada Jubooyinka, Punland ayaa gigilay Xerada Qaxootiga ee Xagardheer ee dalka Kenya. Kumanaan dad ah oo gacmaha ku watay calamada Maamulada Jubbaland, Puntland iyo calanka JFS iyo sidoo kale sawirada Madaxwaynaha cusub ee Maamulka Jubbaland ...
3 hours, 36 minutes ago
5
views
Oodweyne News
3 hours, 36 minutes ago
2
views
Nuxur ─ Wasiirkii hore ee arimaha gudaha iyo amniga qaranka dowladii kumeelgaarka Soomaaliya C/samad Macalin Maxamuud ayaa sheegay in khilaafka soo kala dhexgalay hogaamiyaasha alshabaab uu fursad muhim ah u yahay dowladda Soomaaliy,wuxuuna ka codsaday madaxda dalka iney ka faa’iideystaan fursadaasi qaaliga ah sida uu tilmaamay. C/samad Macalin Maxamuud ayaa sheegay in khilaafka ka dhexjira uu yahay fursadii ugu wanaagsaneed ee suurta galka ka dhigeysa in alshabaab laga cirib tiro gayiga Soomaaliya ...
3 hours, 36 minutes ago
14
views
Marka Cadey Net ─ Madaafiic xoog leh ayaa waxay saqdii dhexe ee xalay lagu weeraray Madaxtooyada Somaliya, iyadoo aysan weli ka hadlin Dowladda Soomaaliya weerarkaan. Ilaa 10 xabo oo madaafiic ah ayaa waxaa xalay lagu weeraray Aqalka Madaxtooyada ee Villa Somalia, waxayna inta badan madaafiicda ay ku soo dhaceen hareeraha Madaxtooyada. Weerarka madaafiicdaan oo lagu soo beegay xilli inta [...]
3 hours, 36 minutes ago