27
views

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geeridii ku timid Suldaan Cabdi Cali Sonkor

Madaxweynaha Dowlada Faderaalka Soomaaliyeed Dr.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyeeyay geeridii dhawaan ku timid Suldaan Cabdi Cali Sonkor oo ka mid ahaa salaadiintii gacanta ka gaysatay in Dowlada soomaaliyeed ay ka baxdo kumeel gaarnimada.

Dr.Xasan sheekh wuxuu tacsi u direy ehalada suldaanka meel kasta oo ay joogaan iyo dhamaan umada soomaaliyeed waxaana uu Alle uga baryay inuu naxariistiisa iyo janadiisa siiyo.

Madaxweynaha waxaaWuxuu ku ammaanay marxuum Suldaan Cabdi Cali Sokor inuu Dowlada kala soo shaqeeyay dhisidda dowlad rasmi ah oo ay yeelato Soomaaliya iyo sidii looga gudbi lahaa xilliga ku-meel-gaarnimada.

“waxaan ka tacsiyeynayaa geeridii ku timid suldaan cabdi cali sokor waxaana leeyahay samir iyo iimaan alle ha naga wada siiyo”ayuu yiri Madaxweyne Xasan sheekh maxamuud

Marxuumka waxaa shalay aas balaaran loogu sameeyay magaalada Kismaayo halkaasoo ay ka soo qeybgaleen mas’uuliyiin dowlada ka tirsan,maamulka KMG ah ee kismaayo iyo dadweyne aad u badan iyadoo si weyn loogu duceeyay suldaanka.

Xafiiska Muqdisho
puntlandvoice.com

Read full story >>

3
views
Awdal Press ─ Daawo: Munaasabada 18 May ee ka dhacday Fagaaraha banaanbaxyada ee Boorama hoos ka daawo.
6 hours, 7 minutes ago
13
views
Waajid ─ WAAJIDPRESS – 18 May 2013: Madaxweyne Xasan waa uu sii hadalay waxa uuna tilmaamay dadka ku nool gobolada Jubbooyinka in ay yihiin dad nabadeed sidaasi darteedna aan loo baahneyn in colaad la galiyo, isaga oo sheegay in wali ay jirto fursad xal looga gaari karo arimha cakiran ee Jubbooyinka . Madaxweynha oo soo hadal qaaday arimaha gobolada waqooyi ee la baxay Soomaaliland ayaa sheegay in la gaaray xiliga la xajin ...
7 hours, 5 minutes ago
7
views
Somaliland Org ─ Khudbadii Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu maanta ka jeediyay munaasibadii 22-guuradii ka soo wareegtay dib ula soo noqoshadii madax-banaanida Somaliland, Waxay ahayd khudbad adag oo madaxweynuhu kaga hadlay qodobo badan oo sawir ka bixinayay xaaladda guud ee dalka, isla markaana ahayd muxaadiro tifaftiran oo garnaqsi ugu filan Somaliland. Khudbadani waxay ahayd mid aad loo kala haadiyay oo sida silsilada oo kale iskugu xidhan. Waxay daarnayd oo ay ...
7 hours, 5 minutes ago
2
views
Qurbe Joog ─ Spain-May-18-2013-qurbejoognews.com-Ottawa-Asxaabtay maqaalkeena ciyaaraha waxaynu manta ku iclaamineynaa ciyaartii xalay dhexmartey Real Madrid iyo Atletico Madrid. Ciyaartan oo ahayd final ayaa waxaa ka soo qeybgalay dadweyne iyo taageerayaasha labada dhinac oo kor u dhaafey 70,000. Haddaba koobkan oo aad qiimo uga leh dalka Spain ayaa lagu magacaabaa Copa Del Ray,Akhyaartay ciyaartan oo runtii aad loo wada sugayey ayaa wakhtigeedii bilaabantey ,waxaana daqiiqadii 14-aad goal aad u qurux badan Real Madrid madaxa ...
7 hours, 6 minutes ago
7
views
Qurbe Joog ─ Hargaysa 18.May (SDN) Xarunta Qasriga Madaxtooyada ee Caasimada Hargaysa ayaa Waxaa Caawa si toos ah uga Socota Xaflad loogu dabaal Degayo 22 Guurada ka soo Wareegtay Dib ula soo noqoshad Madax banaanida Jamhuuriyada Somaliland. Munaasibadan oo isugu Jirta Casho Sharaf iyo Riwaayad ay Fanaaniinta Qaranku halkaas ku soo bandhigayaan taas oo ka Turjumaysa Marxaladihii kala duwanaa ee dalkani soo maray laga soo bilaabo xiligii ay Somaliland ku hoos jirtay Maamulkii ...
7 hours, 6 minutes ago
8
views
Marka Cadey Net ─ Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamud oo maanta warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyey arrimaha Midnimada Soomaaliya, arrimaha Federaalka iyo arrimaha Jubbooyinka. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in midnimada ummadda Soomaaliyeed ay tahay muqadas, loona baahanyahay si kasta oo lagu raadin karo in lagu raadiyo. Madaxweyanaha ayaa yiri “ Dowladda Federaalka Soomaaliya [...]
7 hours, 6 minutes ago
4
views
Marka Cadey Net ─ Rag bistoolado ku hubeysan ayaa waxay goor dhaw oo caawa ah, ay Magaalada Muqdisho ku qaarajiyeen nin dhalinyaro ah, oo aan la garaneyn ujeedadii ka dambeysay inay dilaan. Xilli ninkaan dhalinyarada ah uu ka soo kacay maqaaxi shaaha laga cabo oo ku taala agagaaraha Shirkadda Nation Link ee Degmada Warta Nabadda, ayaa waxaa soo weeraray [...]
7 hours, 6 minutes ago
5
views
Mareeg ─ 18/05/2013
7 hours, 6 minutes ago
13
views
Horufadhi ─ Siyaasiga weyn ee Hilowlle Aadan oo kasoojeeda Gedo, kana mid ah dadkii u tartamayey madaxtinimada dawladda Jubbaland , wuxuuna sheegay in afka Xasan CUlusow uusan ahayn mid qaranimo ee uu yahay mid qabiilnimo. HALKAN KA DHAGAYSO. Horufadhi.com@gmail.com
7 hours, 6 minutes ago
23
views
Horufadhi ─ Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta ka qayb galay Munaasibad balaaran oo lagu furayay Mashaariic ay dowladda Turkigu ka fulisay Magaalada Muqdisho, Ayaa intaa kadib ka hadlay arimo kala duwan waxa uuna ugu horayn madaxweynuhu ka hadalay arimha Jubbooyinka Sidoo Kale Waxaa uu kahadlay arimaha gobolada waqooyi Galbeed ee la baxay Soomaaliland ayaa sheegay in la [...]
7 hours, 6 minutes ago