views
Askar Dowlada ka tirsan oo tababar ugu soo dhamaaday Dalka Uganda
Bihangha(PV);-Askar ka tirsan Dowlada Soomaaliyeed ayaa dhawaan tababar loogu soo xirey Magaaladda Bihangha ee Dalka Ugandha halkaasoo loogu qaaday si ay tababar ugu soo qaataan,wasiirka gaashaaniga ayaa ka hadlay tababarkaasi.
C/Xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya waxaa uu xusay in ciidamadaasi dhawaan dalka lagu soo celin doono islamarkaana ay degdeg uga qeybqaadan doonaan howlgalada ka dhanka ah xoogaga Xarakada Alshabaab.
“dalka ayay ku soo laabanayaan waxaana rajeynaa inay wax badan ka badeli doonaan dagaalada lagala hor jeedo alshabaab”ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga C/Xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi
Sidoo kale wasaairka waxaa uu daboolka ka qaaday in ciidamadaasi marka ay dalka yimaadaan inay qaadan doonaan tababar kale oo la xiriira ilaalinta Arimaha Bi’aadanimadda kadibna ay u kala dhaqaaqi doonaan meelaha lagu hago sida gobolada dalka ama caasimada.
Tan iyo markii 2007-dii ay dalka soomaaliya soo gacadhigteen ciidamada Uganda ee magaca amisom socda waxaa sii kordhayay ciidamada Dowlada ee tababarka loogu qaadayo gudaha dalka Uganda.
Xafiiska Muqdisho
puntlandvoice.com
Up coming
views
views
views
views
views
views
views
views
views
views