views
(Sawirro) Shirweynihii Urur Siyaasadeedka MIDNIMO oo Garowe ku soo Xirmay.
Garowe(Puntlandi.com):- Magaalada Garowe ee Caasimada Puntland waxaa manta si rasmi ah ugu soo gabagaboobay Shirweynihii Urur-siyaasadeedka MIDNIMO oo ka mid ah Ururada Siyaasadeed ee Puntland.
Intii Shirkan uu manta socday waxaa lagu dhamaystiray xulidii iyo meelmarintii xubanaha golaha dhexe ee Ururka oo ka koobnaa 95 Xubnood waxaana sidoo kale shirkan lagu doortay guddoomiyaha Ururka, guddoomiyaha golaha dhexe ee Ururka iyo la taliyaha guddoomiyaha Ururka MIDNIMO.
- Guddoomiyaha Ururka MIDNIMO waxaa Coq gacan tag ah loogu doortay oo 95 xubnoodba ay u codeeyeen Dr. Saadiq Eenow.
- Guddoomiyaha golaha Dhexe ee Urur Siyaasadeedka MIDNIMO waxaa cod aqlabiyad ah loogu doortay oo 93 xubnood ay u codeeyeen Axmed Sheikh Faarax oo ka mid ah Aqoonyahanka Gobolka Mudug soona bartay Culuumta Siyaasadda iyo Dhaqaalaha, barre jaamacadeedna ka ah gobolka Mudug sidoo kalana ka so shaqeeyay arrimaha Bina’adanimada.
- Lataliyaha guddoomiyaha Ururka MIDNIMO waxaa loo doortay Dr. C/naasir Cismaan Cuuke oo ka mid ah dhaqaatiirta gobolka Nugaal.
Intaasi kadib waxaa hadalo kooban jeediyay Masuuliyiinta ururka ee la doortay waxaana ugu horayn Makaroofanka lagu soo dhaweeyay Guddoomiyaha golaha Dhexe ee Urur Siyaasadeedka MIDNIMO Axmed Sheikh Faarax oo aad uga mahadceliyay sida wanaagsan ee Xubnuhu codka u siiyeen uguna doorteen in uu masuuliyadan u qabto.
Axmed Sheikh Faarax wuxuu carabaabay in uu muujin doono dadaal iyo firfircooni dheeraad oo la xiriirta xilkan loo doortay iyo hadafka Ururka MIDNIMO.
Guddoomiyuhu wuxuu carabaabay in kaalin muhim ah ay uga banaantahay ururkan horumarinta Bulshada islamarkaana ay tahay in aan qof kaliya lagu halaynine wax walba ay noqdaan kuwo ku salaysan wax wada qabsi iyo iskaashi.
Guddoomiyaha ururka MIDNIMO Dr. Saadiq Axmed Maxamed (Dr. Saadiq Eenow) oo isna hadal kooban jeediyay ayaa ugu horayn u mahadceliyay dhamaan ergada gaar ahaan golaha dhexe ee Codka siiyay si uu u hogaamiyo ururkan MIDNIMO, wuxuuna u dardaarmay guud ahaan bulshada iyo gaar ahaan Xubnaha iyo taageerayaasha Ururka MIDNIMO Israac iyo Iskaashi.
Wuxuu kaloo ka hadlay hagaajinta dhaqanka Umada iyo ka ilaalinta in uu baaba’o, wuxuuna meesha ka saaray in Ururka Midnimo iyo xubnihiisu aysan isugu imaan in qabiil qabiil iyo waxyaabo la mid ah la isugu hiiliyo ee ay muhiimadu tahay danta umada in laga wada shaqeeyo wuxuuna yiri ‘’ MIDNIMO waxay raadinaysaa dadkan oo is caashaqa, isu diirnaxa, isu tanaasula ismarkaana wax wada qabsada una midooba horumarka iyo cadaaladda ilaa aan ka gaarno Hooyooyinka dhalaanooda ku ag gaajoonaya in ay helaan Nolol wanaagsan, Caafimaad iyo waxbarasho lacag la’aan ah”.
Guddoomiyuhu wuxuu carabaabay in masuuliyadaasi ay saarantahay dhamaan xubnaha Ururka, xilkan loo doortayna uusan dan gaara u haynayn ee ay tahay in uu ka shaqaynayo maslaxada umada.
Wuxuu xubnaha ururka ku booriyay in afkaartaha la isdhaafsado oo si joogtaha loo wada shaqeeyo xumaanta la iska ilaaliyo si danta guud ee horumarinta umada ah looga dhabeeyo.
Warbixintan iyo sawiradeeda oo dhamaystiran mar dhaw naga filo
Up coming
views
views
views
views
views
views
views
views
views
views










