38
views

XOG: Guddoomiye Cusub oo Lagu Wado In Loo Magacaabo Gobolka Hiiraan Iyo Buuq Ka Dhex Taagan Beelaha Gobolka

Muqdisho (RBC) Sida Raxanreeb ay u xaqiijiyeen ilo wareed ku dhow wasaaradda arrimaha gudaha waxaa guddi wasiiro iyo xildhibaano ah oo loo saaray ka soo talabixinta arrimaha maamulka gobolka Hiiraan oo beryahan khilaafaad uu ka taagnaa ayaa soo gudbiyey talo ku aadan shakhsiga loo magacaabayo maamulka gobolka Hiiraan.

Warqad ay gudbiyeen guddigaasi uuna taageeray wasiirka arrimaha gudaha ayaa lagu soo jeeday in Cabdi Faarax Laqanyo loo magacaabo guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan, waxaana haatan laga sugayaa in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu saxiixo wareegtadaasi magacaabista maamulka gobolka Hiiraan.

Cabdi Faarax Laqanyo ayaa ah aqoonyahan ku noolaa dalka Ingiriiska, wuxuuna dhowaan soo gaaray magaalada Muqdisho.  Cabdi wuxuu adeer u yahay Cabdikariin Laqanyo oo ahaa safiirkii Soomaaliya ee wadanka Ethiopia oo sanadkii 2009 lagu dilay qaraxii ismiidaaminta ee ay ku dhinteen dad uu ku jiray wasiirkii amniga qaranka Cumar Xaashi Aadan kaasoo ka dhacay magaalada Beledweyne.

Magacaabistan soo shaacbaxday ee Cabdi Faarax Laqanyo ayaa durba buuq ka dhex abuurtay beelaha ku wada nool gobolka Hiiraan.  Waxaa maalintii shalay shir jaraa’id oo ay qabteen waxgarad iyo siyaasiyiin mid ka mid ah beelaha gobolka Hiiraan ay ku baaqeen in madaxweynuhu ka fiirsado magacaabista Laqanyo.

Sidoo kale waxgarad iyo xildhibaano ku sugan magaalada Muqdisho oo xalay la hadlay Shabakada Raxanreeb ayaa wasaaradda arrimaha gudaha iyo madaxtooyada ka codsaday in shir wadatashi ah loo qabto dhammaan beelaha gobolka Hiiraan ka hor inta aan lagu deg degin magacaabista guddoomiye gobol.

Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax ayay dawladu ka qaaday xilkii ka dib markii bulshada reer Hiiraan ay ku eedeeyeen tacadiyo iyo xadgudubyo ay ka mid yihiin dilal dad rayid ah loo geystay oo uu ka galay bulshada gobolka Hiiraan taasoo abuurtay in qabiilada gobolkaasi wada dega ay colaad isu qaadaan.

Ma jirto war rasmi ah oo ka soo baxay madaxtooyada iyo wasiirka arrimaha gudaha, waxaana magacaabistan hadda dibadda timid ee guddoomiyaha gobolka Hiiraan ay timid xilli wasaaradda arrimaha gudaha awood buuxda loo siiyey inay maamulo u dhisto dhammaan gobollada dalka.

 

 

RBC Radio

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Read full story >>

3
views
Ciyaaro ─ Beri oo ku beegan 19-ka May waxaa la qaban doonaa doorashada xiriirka kubadda gacanta, waxaana xilkaasi u taagan oo doonaya in 4ta sano ee soo socota uu sii hogaamiyo Maxamed Xuurshe Eenow kaasoo xilkaasi soo hayay tan iyo 1999. Ilaa iyo hadda la sheegin cid kale oo xilkaasi isku soo sharaxday Mar Eenow wuxuu xiriirka kubadda gacanta ka soo noqday xoghaye sanadihii 1997/98 isagoo markii danbe gudoomiye ka noqday xiriirkaasi ...
7 hours, 21 minutes ago
3
views
Ciyaaro ─ Sir Alex Ferguson ayaa canbaareeyay maamulka Manchester City isagoo sheegay in ay ku qaldanaayeen in ay shaqada ka raacdeeyaan Roberto Mancini kaasoo kooxda laga eryay Isniintii kadib markii uu mudo 3 sano iyo bar ah oo uu kursigaasi ku fadhiyay uu 3 koob u qaaday. Ferguson, oo garoomadda ka tagi doona marka uu ciyaaro kulanka Axada oo ay la ciyaari doonaan West Brom, ayaa taageeradiisa si naxariis leh ugu muujiyay ...
7 hours, 21 minutes ago
3
views
Bar Kulan ─ Kooxda Atletico Madrid ee dalka Spain ayaa xalay ku guuleysatay koobka boqortoyada ee Copa Del Rey, markii finalka ay 2-1 kaga adkaatay kooxda ay isku magaalada yihiin ee Real Madrid. Cristiano Ronaldo ayaa madaxa ugu dhaliyay Los Blancos goolka koowaad ee ciyaarta, hase yeeshee laba gool oo ay kala dhaliyeen Diego Costa iyo Miranda ayaa [...]
7 hours, 21 minutes ago
7
views
Badweyn ─ Number of View :178Waxa rabaygaan Yuhuudka ah cadaynayaa arintaas xaqiiqda ah oo muslin badan shaki kaga jirta. Waxaa kaloo madaxda Kirishtaanka shirkoodii Rome ee sanadkii 1978 ayna ka doodeen arintaas HALKAAN KADAAWOMUUQAAL CAJIIB AH
7 hours, 21 minutes ago
4
views
Awdal Press ─ Daawo: Munaasabada 18 May ee ka dhacday Fagaaraha banaanbaxyada ee Boorama hoos ka daawo.
7 hours, 21 minutes ago
13
views
Waajid ─ WAAJIDPRESS – 18 May 2013: Madaxweyne Xasan waa uu sii hadalay waxa uuna tilmaamay dadka ku nool gobolada Jubbooyinka in ay yihiin dad nabadeed sidaasi darteedna aan loo baahneyn in colaad la galiyo, isaga oo sheegay in wali ay jirto fursad xal looga gaari karo arimha cakiran ee Jubbooyinka . Madaxweynha oo soo hadal qaaday arimaha gobolada waqooyi ee la baxay Soomaaliland ayaa sheegay in la gaaray xiliga la xajin ...
8 hours, 19 minutes ago
7
views
Somaliland Org ─ Khudbadii Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu maanta ka jeediyay munaasibadii 22-guuradii ka soo wareegtay dib ula soo noqoshadii madax-banaanida Somaliland, Waxay ahayd khudbad adag oo madaxweynuhu kaga hadlay qodobo badan oo sawir ka bixinayay xaaladda guud ee dalka, isla markaana ahayd muxaadiro tifaftiran oo garnaqsi ugu filan Somaliland. Khudbadani waxay ahayd mid aad loo kala haadiyay oo sida silsilada oo kale iskugu xidhan. Waxay daarnayd oo ay ...
8 hours, 20 minutes ago
2
views
Qurbe Joog ─ Spain-May-18-2013-qurbejoognews.com-Ottawa-Asxaabtay maqaalkeena ciyaaraha waxaynu manta ku iclaamineynaa ciyaartii xalay dhexmartey Real Madrid iyo Atletico Madrid. Ciyaartan oo ahayd final ayaa waxaa ka soo qeybgalay dadweyne iyo taageerayaasha labada dhinac oo kor u dhaafey 70,000. Haddaba koobkan oo aad qiimo uga leh dalka Spain ayaa lagu magacaabaa Copa Del Ray,Akhyaartay ciyaartan oo runtii aad loo wada sugayey ayaa wakhtigeedii bilaabantey ,waxaana daqiiqadii 14-aad goal aad u qurux badan Real Madrid madaxa ...
8 hours, 20 minutes ago
8
views
Qurbe Joog ─ Hargaysa 18.May (SDN) Xarunta Qasriga Madaxtooyada ee Caasimada Hargaysa ayaa Waxaa Caawa si toos ah uga Socota Xaflad loogu dabaal Degayo 22 Guurada ka soo Wareegtay Dib ula soo noqoshad Madax banaanida Jamhuuriyada Somaliland. Munaasibadan oo isugu Jirta Casho Sharaf iyo Riwaayad ay Fanaaniinta Qaranku halkaas ku soo bandhigayaan taas oo ka Turjumaysa Marxaladihii kala duwanaa ee dalkani soo maray laga soo bilaabo xiligii ay Somaliland ku hoos jirtay Maamulkii ...
8 hours, 20 minutes ago
10
views
Marka Cadey Net ─ Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamud oo maanta warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyey arrimaha Midnimada Soomaaliya, arrimaha Federaalka iyo arrimaha Jubbooyinka. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in midnimada ummadda Soomaaliyeed ay tahay muqadas, loona baahanyahay si kasta oo lagu raadin karo in lagu raadiyo. Madaxweyanaha ayaa yiri “ Dowladda Federaalka Soomaaliya [...]
8 hours, 20 minutes ago