views
Warka Sheekh Cali Warsame,ayaa dhaxal gal ah,Shirka La Iclaamiyay Wuxuu Qeyb Ka Naqanayaan Duulaanka Shareeca ladirirka Somaaliya By Suldaan Garyare.
بسم الله الرحمن الرحيم![]()
وبعدالحمد لله رب العالمين والصلاة والسلام على أشرف الأنبياء والمرسلين نبينا محمد وعلى آله وصحبه أجمعين
Allaah baa mahad leh. Ammaan iyo nabadgelyo Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato!
Beryahaanba waxa aad u maasheeyey dhegaha dadka Soomaalida ah dilkii loo gaystay Allaha u naxariistee Sheekh Cabdulqaadir Nuur Faarax(Gacamey). Anigu waxaan ka mid ahay dadka ka tacsiyadeynaya dilka Sheekha xaqna maaha cid kastaa ha ka dambeysee dilka walaal Muslim ah oo weliba Sheekh Caalim ahaa, da’na ku jirey. Dadka tuhunsan baan ahay in gacan shisheeye oo waliba gaal ku lug leedahay ka dambeysey dilkiisa, ciddii la doonoba ha loo soo dhiibee.
Runtii anigu dadka aad uga naxay baan ku jiraa, wuxuuna ka mid ahaa Culimmadda aan wax ka soo bartay, kana mid ahaa ardadiisa, welibana saaxiib iyo qoys baanu wadanahay. Sheekh Cabdulqaadir intii aan ajashii Alle u iman waxa jirtey fikrado aan ku diiddanaa dad baddanna markhaati ayey ka yihiin oo ay ka mid ahayd ka qaybgalkii shirkii Mahiga iyo niman kaleba ay Garoowe ku qabteen.
Shirkaas oo aan anigu aaminsanahay in uu ka soo horjeeday ummadda Muslimiinta ah, dabargoyna lagu hayo, ciddii markaa ku dhawaaqda in ay Soomaaliya Shareecada Alle ku xukumaysana, diyaarado duqeeya iyo dagaal ku wada, una taagan in ay dummiyaan wax Alle wixii ashcaarata Islaamka ah, iyaga oo cammiillo iyo wax magarato cullimo sheeganaya wata.
Waxa la hubaa Sheekh Cabdulqaadir sidii aan ku aqaaney in uu isagu u tagay in uu dacwo ka gaysto, oo waxa dhici karta in ujeeddada Sheekha iyo tan Mahiga iyo raggiisu wateen ayan isku mid ahayn, oo waxa aan marnaba dhici karin in ay meel isugu yimaadaan Culimmadda Islaamku iyo Gaalo doonaysa in dadka Muslimiinta la dabargooyo ciidammo iyo hub aad u waaweyna loo soo kaxeysto, lana daadsho dhiiggooda, lagana dhigo mid aan qiimo lahayn waana tan maanta dadka Muslimiinta ah lagu hayo meel walba oo ay joogaanba. Haddii kuwa Garoowe iyo guud ahaan mandaqadda ku nool aan cadow dulsaarneyn, gobbollo kale ayuu dulsaaran yahay oo dhulka Muslimiinta ah weliba dhulka Soomaalida ah, in laga saaro ayaana xaq ahayd ee maaheyn in cadowgii lala shiro, waa fikradda aan illaa imminka qabo.
Dad badan oo cullimo ah ayaa ka dul hadlay goobtii Sheekha lagu aasayey raxmaddiisa Alle ha ka waraabiyee, hadalkoodu mid xal u’ eg maaheyn saasna xal laguma gaaro niman baneystay dhiig niman Muslimiin ah oo aan xujo markii sheeginna waa iila muuqdeen, mana ayan kala reebin nimankii ay markaa dagaalka ku iclaamminayeen, koox dhanna dagaal in lagu iclaamiyaa macnoweyn ma keento aan ka ahayn in ay adiga nabaddii kaa kaxeyso, lagana yaabo in ayan collaad waxba kaaga tarin.
Kuwo kale oo meelo kala duwan ka hadlayna waan maqlayey, iyaguna kuwo dhaama maaheyn kuwii Garoowe isugu yimi. Haddii xaalku sidaa ku dhammaado oo aan la is qaban waxaa dhacaysa in laba kooxood loo wada arko dadka Soomaaliyeedna laba koox ayey aaminayaan in la yahay, dadkuna ma kala jecla labada kooxood, waxa ka dhexeeyana faham weyn uma haystaan. Soomaalidu waxay fahmi kartaa oo kaliya mustawaha qabiilka, Sheekh Cabdulqaadir dilkiisa, reerkiisu waxa laga yaabaa waxyaalo badan oo idaacaddaha qolada Ictisaamku qaybo ka mid ah ay ka sheegeen in ayan dheg jalaq u siin, laakiin ay ku mashquulsan yihiin qolada uu ka dhashay ninka Sheekha dilkiisa hadda loo haysto. Qolada uu ka dhashay ninka dilka geysteyna talo kale oo wiilkooda ku saabsan bay hayaan ee wararkaan kale oo laga yabaa in mustawaha reerka ka sarreeya uu meesha yaallo ma qabaan.
Waxaana qabiilka Soomaalida lagu yaqaan ninkoodu mar walba waa u nin kheyr, ninkii kalena waa u nin baas, markaa in xisaabta lagu daro weeye, ee marna la heli mayo qabiilo inta koox la safata qolada kale ku duulaysa, haddaan dan qabiil ugu jirin. Marka aan sidaas leeyahay aniga ayaa ku soo shaqeeyey dano qabiil, sida qabiilku u fekerona cidi iiga sheekeyn mayso, darajo qabiilna waan wataa muddo badan baana xaajadooda baarayey, ma aha waxa aan iska qiyaasayo, ninkii wax kale haya oo qabiil ku saabsana waanu kawada hadli doonna haddii Alle idmo. Intaasi waa inta aan leeyahay qolada dagaalka sokeeye iclaamisay, ee aan hadalkooda ka dhadhansaday in ay qabiilooyin u baaqeen si ay dagaalka ula galaan.
Qolyaha kale ee iyana la tuhmay waxa habboon in ay tuhun baxaan, inkastoo Culimmo waaweyni ka hadashay arrintaa, ayna caddeeyeen in aan dilka Sheekha iyo weliba Shekhii hore, Sheekh Axmed Cabduraxmaan Maxamed, allaha naxariistii janno geeyee, midna aan Al-Shabaab wax lug ah ama talo ah ayan ku lahayn, Culimmaduna ahaayeen Culimmaddoodii. “Muslimow run sheeg Muslimow run u qaado”.
In cadowgu Muslimiinta ka dhex faa’iideysanayana waa muuqataa, oo maaha mid dahsoon oo nin caqli leh loo sheegayo. Dagaalkuna waxa uu udhexeeyaa gaalo soo duushay iyo niman Muslimiin ah oo la daggaalamay, ee maaha mid u dhexeeya laba kooxood oo Muslimiin ah.
Waxa iyana dagaalka qayb ka ah niman aan gaalada waxba dhaamin, Musliminimadoodana muran ka taagan yahay, oo Muslimiinta gaalada u dhiibaya, dhulkiina fasahaadiyey, gaaladiina ka sokemarey kuwaasi meel walba waa joogaan, dabka waxa hurinayana waa iyaga in aan la fahamsaneyna waa muuqataa. Ciddii markaa iyaga miciin u aragtaa waa cid aan iyada waxba dhaamin, aqoon kasta ha la haadeene.
Waxa aan anigu qabaa war macno leh oo uu sheegay baa jira uuna sheegay Sheekh Cali Warsame, kana sheegay tacsidii Sheekha ee Qaahira. Warka Sheekh Cali wuxuu ahaa, in aan Muslimiinta dhiiggoodu marna isu bannaaneyn, wixii la isku maandhaafasan yahayna la isaga yimaado.
Soomaalidu waxay tiraahdaa haddii nin weyn taladiisa la qaadaan lahaa waxari dawaco ma cunteen. Ciddina dagaal Muslimiin ay ku iclaamiyeen guul kuma gaareyso, waxaana weliba muuqata in qolo ka mid ah ay gaalo ishayaan, sidoo kalena cullimmo la laayo xalka Islaamku kuma jiro, inkastoo aanan weli tuhunka Sheekha lagu dilay marnaba saareyn cid Muslim ah oo fiyoow, laakiin ay tahay arrin gaalo cid kaga faa’iideysatay, wayna soo bixi doontaa.
وآخر دعوانا أَنِ الحمد لله رب العالمين
Wa Billahi Towfiiq
Suldaan Maxamed Suldaan Garyare (Abu-Cabduraxmaan)
Up coming
views
views
views
views
views
views
views
views
views
views