views
Natiijada Doorashadii Baarlamaanka Dalka Jabuuti oo lagu dhawaaqay iyo Isbahaysiga Xukuumadda oo 49% ku guulaystay
Jabuuti(Waaheen) Natiijadii Doorashadii Baarlamaanka ee shalay ka dhacday Dalka Jabuuti ayaa saaka si ku meel gaadh ah loogu dhawaaqay, kadib markii ay soo wada xeroodeen sanaadiiqdii Codka lagu dhiibtay.
Isbahaysiga Xisbiyada Aqlabiyada talada Dalka haya ee UMP ayaa ku guulaystay Kuraasta Baarlamaanka 49%, halka Isbahaysiga Axsaabta Mucaaradka ah ee USN ay ka heleen 47%, iyadoo ay 3% heleen Xisbiyada kale ee Mucaaradka ah ee PPU.
Natiijadan waxa si ku meel gaadh ah saaka ugu dhawaaqay Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka ee Jabuuti Xasan Dharaar Hufane oo ah Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jabuuti.
Af-hayeenka Isbahaysiga Mucaaradka USN Daahir Axmed Faarax oo Natiijadaasi kadib Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ay Isbahaysiga Xukuumaddu ku shubatay Doorashadii isagoo sheegay inaanay ku qanacsanayn Natiijadaasi Hordhaca ah.
Natiijadda Rasmiga aha ayaa la filayaa inay qaadato maalmo kooban maadaama Hay’adaha Dastuuriga ah loo gudbinayo ku dhawaaqisteeda.
Up coming
views
views
views
views
views
views
views
views
views
views