13
views

Al-jaabiri oo dhakhaatiirtii Maxjarkiisa iyo shaqaalaha Geel-jiidka Dekedda Berbera u raray Muqdisho iyo Maareeyaha Dekedda oo la tacaalaya

berrberaXukuumadda oo ka gaabisay samaynta Qorshe ay Dekedda Berberi isaga xejiso Tartanka Dekeddaha Jaarka ah

Berbera(Waaheen)Maal-qabeenka Carbeed ee Maxjarka Berbera Saleebaan Al-jaabiri ayaa u horseeday talaabo fool xun Dhakhaatiirta Maxjarkiisa iyo Geel-jiidka Dekedda Berbera kuwaasoo uu u qaaday Maxjar cusub oo uu ka sameeyay Muqdisho iyo Dekedda Muqdisho.

Talaabadan ayaa Horseeday in ay shaqaale badan oo ka mid ah Dhakhaatiirta Berbera iyo Geel-jiidka ka rara Dekedda Berbera u hanqal taagaan inay iyana u hanqal taagaan sidii ay Muqdisho u tagi lahaayeen, kadib markii ay shaqaalaha uu hore u qaaday Al-jaabiri suuqa soo galiyeen in lagu qaatay lacag farabadan.

Talaabadan oo aad Berbera loogu sheekaysanayo ayaa la sheegay in uu Maareeyaha Dekedda Berbera markii uu ka war helay ku talaabsaday in uu shaqaalaha Dekedda Shiriyo si uu uga hor istaago Qorshahaas ku furmay isagoo ka cabsi qaba in ay Shaqaale kale ka daba tagaan juwa Hore.

Lama oga Qorshaha uu ku baajinayo Maareeyaha Dekedda Berbera Eng: Cali Xoor Xoor haddiiba ay jiraan shaqaale hiyi kacsan oo ay hayso Laydha mushaharka loogu sheegay Muqdisho qaar ka mid ah shaqaalihiisu, hase yeeshee waxa la soo sheegay in uu shir albaabadu u xidhan yahay la yeeshay qaar ka mid ah Madaxda Waaxyaha kala duwan ee shaqaalaha Dekedda.

Sida uu ku soo waramayo Wariyaha Waaheen ee Berbera Cabdilaahi Hussien Cismaan waxa uu Maareeyuhu ka cabsi qabaa inay saamayso arrintani shaqaalaha Kaxeeyay Cagacagafyada Kalmarta iyo Liftarada, kuwaasoo hawsha ugu muhiimsan ka haya Dekedda wakhtiyadda Rarka iyo Dajinta ee ay Dekeddu camiran tahay.

Shaqaalaha Dekedda Berbera ayaa cabasho ka muujiyay Mushaharka ay qaataan sida uu ku soo waramayo wariyuhu waxaanay u sheegeen qaar ka mid ah oo uu la kulmay inay qaataan toddoba Boqol iyo Konton kun oo Shilling Somaliland ah, halka uu sheegay kuwa Dekedda Muqdisho loo qaadanayo in Mushahar ahaan ay u helayaan Kun iyo Toddoba Boqol oo Dollar ($1700).

Si kasta ha ahaatee Xukuumadda Somaliland ooh ore u balanqaaday in ay Korodhsiimo dhan boqolkiiba Sadex boqol ku samayn doonto Mushaharka shaqaalaha ayaa kordhisay 100%, halka 200% labadii boqol ee kale aanay wali soo hadal qaadin, taasoo saamayn ku yeelanaysa  shaqaalaha la hiyi kicinayo maadaama aanu ku filnayn Mushaharka ay qaataan.

Dekedda Berbera ayaa ah Hawl bawlaha Dhaqaale ee Dalka, waxaana lagula jaraa Dagaal iyo tartan hoos loogu dhigayo qiimaheeda, wallow ay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo sanadkii hore ee 2012-kii ku balanqaaday Siyaasadeeda Miisaaniyadda inay Suuq u raadin doonto si ay ula tartanto Dekeddaha Jaarkeeda ah, waxa muuqata inaanay hawshaasi u fulin sidii looga fadhiyay.

 

Read full story >>

4
views
Somali Memo ─ Wararka ka imaanaya gobolka Oklahaama ee ka dhaca galbeedka dhexe ee wadanka mareykanka ayaa sheegaya in duufaanno iyo biriq ku dhacday magaalooyinka gobolakaasi ay ku dhinteen tobaneeyo qof oo american ah boqolaal kalane waa lala’yahay. Maamulayaasha gobolka Oklahama ayaa warbaahinta u sheegay in 91 qof ay ku dhinteen magaalada caasimadda u ah gobolkaa ee Oklahama city islamarkaana ay tirade dhimashada caad walba sii badan karto. saraakiisha caafimadka ayaa sheegaya in ...
2 hours, 25 minutes ago
2
views
Raxanreeb ─   Muqdisho(RBC Radio) Bannaanbax looga soo horjeedo Mooshinka ka dhanka ah xukuumadda Soomaaliya laguna taageerayo dadaalada iyo waxqabdka xukuumadda R/wasaare Saacid ayaa maanta lagu qabtay Barxadda Sayid ee magaalada Muqdisho,Dibadbaxa ayaa waxaa ka qayb galay boqolaal ruux oo shacab ah kuwaas oo ku qaylinayey ereyo ay ku mucaaradsan yihiin Mooshinka la doonayo in kalsoonida loogala noqdo Xukuumadda. Shacabka bannaanbaxa dhigayey ayaa muujiyey iney ka xukun yihiin Tallaabada ay qaadeen qaar ...
2 hours, 25 minutes ago
1
views
Puntland Voice ─ Muqdisho(PV):-Ciidamada Dowlada ee nabad sugida iyo boliiska ayaa saaka howlgal dad badan lagu qabqabtay waxaa ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmooyinka Howlwadaag iyo Warta nabada. Howlgalka saaka oo daba socda kii shalay warta nabada laga sameeyay ayaa lagu qabqabtay dad badan kuwaasoo dhalinyaro u badan islamarkaana siyaabo kala duwan loo qabqabtay. Meelaha sida gaarka ah howlgalka looga sameeyay waxaa ka mid ah xaafadaha xamarjadiib,baar ubax,gudaha suuqa bakaaraha iyo wadada ...
2 hours, 25 minutes ago
4
views
Puntland Voice ─ Kismaayo(PV):-Kadib markii saraakiisha Dowlada ee Kismaayo ay dhawaan cadeeyeen inaaney ciidamo hoos taga joogin kismaayo ayay Dowladu hada qorsheyneysaa sidii ciidamo ay kismaayo u geyn lahayd. Taliyaha cusub ee ciidamada Dowlada ee gobolada Jubooyinka Faarax Makoomba oo cadeeyay in ciidamo yar kaliya ay dowlada u joogaan Kismaayo balse inta badan ay hoos tagaan maamulka cusub ee Jubaland ayaa hadana daboolka ka qaaday in ciidamo Dowlada la geyn doono Kismaayo. Faarax ...
2 hours, 25 minutes ago
3
views
Nuxur ─ Dibadbax dad gaaraya 200- Qofood ka Qeyb qaateen ayaa saakay aroor hore ka dhacay afaafka hore ee taaladii sayidka, Golaha shacabka iyo Beerta Daraawiishta. Banaanbaxan oo uu soo abaabulay maamulka Gobolka banaadir ayaa waxaa iskugu yimid dadweyne aad u badan, kuwaas oo ka caraysnaa mooshinka ka dhanka ah Xukuumada ugubka ah ee Raisal Wasaare saacid. Qaar ka mid ah dadkii ka qeyb galay dibadbaxa ayaa sheegay in waqtigan aan loo ...
2 hours, 25 minutes ago
5
views
Nuxur ─ Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ee joogay magaalada Nairobi ayaa ku Qul qulaya saacadihii la soo dhaafay magaalada Muqdisho. Xildhibaano gaaraya ilaa 25 ayaa saakay ka duulay dalka Kenya gaar ahaan Garoonka Joma Kenyata kuwaas oo ka Qeyb qaadan Doona kulanka lagu wado in 24 saac kadib ay iskugu yimaadaan baarlamaanka Soomaaliya. Mudanayaasha baarlamaanka ayaa magalada Nairobi waxay u tahay bayska kaliya ay ku Nastaan marka ay maalmo ama bilo ay soo ...
2 hours, 25 minutes ago
11
views
Nuxur ─ Hadal heeynta ugu badan Shacabka magaalada Kismaayo ayaa noqotay mid ka mid ah Madaxwaynayaasha Maamul-goboleedka Jubbaland State oo xarumihiisa lagu arkay Madaaficda goobta ee inta badan ay ku dagaalamaan kooxaha Soomaalida. Lama yaqaan halka ay ka soo galeen magaalada Kismaayo Madaafiicdaan halista ah balse dad badan ayaa qabo in Madaafiicdaan ay yihiin kuwo xili hore ay dhulka hoostiisa ama bakhaaro ku qarsadeen Taageerayaasha Korneyl Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale) kuwaas ...
2 hours, 25 minutes ago
1
views
Marka Cadey Net ─ Al Shabaab oo dagaalo culus kula jirta Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom, ayaa waxay sheegtay inay dishay shan kamid ah Ciidamada Al Shabaab. Al Shababa ayaa waxay sheegtay in weerarkii ay ku qaaday Madaxtooyada hal habeen kahor, ay weerarkaasi ku dishay sida ay sheegtay shan kamid ah Ciidamada Amisom. Afhayeenka Ciidamada [...]
2 hours, 26 minutes ago
1
views
Marka Cadey Net ─ Since the Somali central military government collapsed in early 1990, a bloody civil war exploded in South and Central regions of Somalia. This civil war caused a rift between the clans of Somalia, people lost trust each other and there were serious cases where some clans were marginalized and targeted by the so called stronger [...]
2 hours, 26 minutes ago
1
views
Marka Cadey Net ─ Maamulka Gobolka Hiiraan ee Magaalada Baladweyne ayaa wuxuu soo saaray awaamiir lagu wado in maal maha soo socda sis ax ah looga dhaqan geliyo Magaalada Baladweyne. Taliyaha Ciidamada Booliska ee Magaalada Baladweyne Cali Dhuux (Mahad Alla) oo la hadlay Warbaahinta, ayaa wuxuu sheegay inay jirto khatar dhan ah ammaanka Magaalada Baladweyne. Taliyaha ayaa wuxuu sheegay [...]
2 hours, 26 minutes ago