11
views

Hay’adaha Amaanka oo Qabtay Suudaaniyiin iyo Somali dadka Tahriibin jiray

bbooWaxa lagu qabtay Baasaabooro Foojari ah iyo Dhokumantiyo kale

Hargeysa(Waaheen)-Laamaha Amaanka Somaliland ayaa gacanta ku dhigay laba todobaad ka hor Koox la sheegay inay ka mid yihiin shabakadaha dadka  Tahriibiya oo isku xidhan sida la sheegay Somaliland ilaa Dalka Suudaan.

Kooxdan oo isugu jirta Suudaaniyiin iyo Somali, ayaa la sheegay in lagu qabtay Baasaabooro Foojari ah iyo dhikumantiyo kale oo ka mida waxyaabaha ay isaga Gooshaan dalalka ay ka shaqaystaan ee Afrika, dhikumantiyadaasoo sida la sheegay ay Hay’adaha amaanku ka shakiyeen ka dibna soo qabqabteen ragaasi.

Saraakiil ka mida Hay’adaha amaanka Somaliland ayaa Wargeyska Waaheen u sheegay in dabayaaqadii todobaadkii ina dhaafay Maxkamadda Gobolka la geeyay Ragan loo haysto, inay ka mid yihiin Kooxaha Tahriibta dadka ku shaqaysta, waxaana la sheegay in Maxkamaddu xadhig rumaan ah oo ay Hay’adaha Dambi baadhistu dalbadeen ku riday.

Inkasta oo Rumaanka Maxkamadda la tibaaxay inaan rasmi loo ridin, isla markaana mudada uu yahay aan la ogayn, laakiinse  waxa sheegay in lagu xadiday mudada ay Dambi Baadhsitu soo dalbatay, iyadoo ilo-wareedyo ku dhaw-dhaw laamaha Cadaalada iyo Amaanka ay sheegeen  in maalmaha soo socda dib Maxkamadda loo horkeeni doono.

Ragan oo tiradooda lagu sheegay ilaa sideed, ayaa lagu qab-qabtay hawl-galadii amaanka kor loogu qaadayay ee beryahanba ka socday, waxaana lagu tuhunsanyahay oo loo haystaa inay ka mid yihiin Kooxo isku-xidhan ilaa dhawr wadan oo dadka Somalida ah u fududeeya Tahriibta ay ugu baxaan Dalalka dibada iyagoo sii maraya Jidka dheer ee Somaliland ilaa dalka suudaan oo ay uga sii gudbaan dhinaca Liibiya.

 

Read full story >>

5
views
Laacib Net ─ Ka dib ku dhawaad 27 sanadood oo uu Ferguson cadaadis saarayay garsoorayaasha Ingariiska, waxaad filaneysay in garsoorayaasha Premier League ay ku faraxsanaan lahaayeen in Sir Alex Ferguson uu ciyaaraha ka fariisto. Si kastaba, ka dib kulankii ugu danbeeyay ee Fergie uu macalin u noqdo Manchester United, garsoore Michael Olivier iyo garsoore Chris Foy oo ciyaarta [...]
3 hours, 51 minutes ago
5
views
Horufadhi ─ Qaar kamid ah odayaashii Kismaayo ku dhisay Maamulka Jubbaland gaar ahaan garabka Axmed Madoobe ayaa sheegay inay dhawaan dhamaystiri doonaan inta harsan Maamulkaasi la magac baxay Jubbaland. HALKAN KA DHAGAYSO
3 hours, 51 minutes ago
1
views
Horseed Media ─ Maxkamadda magaalada Bosaso ayaa xakuno kale duwan ku riday Kaluumeysatro u dhalatey dalka Iran iyo Niman Soomaali ah oo u shaqeynaayey kaluumeysatadaas. 78 qof oo u dhashey dalka IRAN iyo 12 Soomaali ah ayey ahaayeen eedaysanayaashii maanta maxkamadda la horkeenay, kuwaas oo ku eedaysnaa, in ay dhacayeen kheyraadka Puntland, Maxkmadda ayaa ka dhacdey Saldhiga weyn ee ay ku xirnaayeen, maadaama [...]
3 hours, 51 minutes ago
3
views
Horseed Media ─ Xalay (Isniin) saqdii dhexe ayaa laga maqley dhawaaqa gantaalada Hoobiyaasha magaalada Muqdisho xaafado ka mid ah, kuwaas oo lagu bartilmaameedsadey xarunta ay degan yihiin madaxda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya. Ilamaa iyo iyo 7 hoobiye oo aan lahayn jiheeye ayaa ku soo dhacay meelo ku dhaw Villa Somalia oo uu markaas ku sugnaa Madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud. Hoobiyaasha ayaa ku [...]
3 hours, 51 minutes ago
6
views
Badweyn ─ Number of View :117Sid a lagu qoray shabakadaha Afkka Shabaabka wax ku baahiya, habeenkii xalay ahaa ayaa waxaa hoobiyaal lagu tuuray xarunta madaxtooyada Soomaaliya ee Villa Soomaaliya. Madafiicda lagu tuuray Madaxtooyada ayaa waxa ay ku sheegayaan shabakadahaani in ay gaarayaan 10 inkasta oo aysan shaacin wax qasaara ah oo ay ku gaarsiiyeen saraakiisha dowlada iyo ciidamada AMISOM ee ilaaliya madaxtooyada. Dhinaca kale dagaalamayaal shabaab ah ayaa xalay weerar ku qaaday ...
3 hours, 52 minutes ago
9
views
Waajid ─ WAAJIDPRESS – 20 May 2013: Gudoomiyaha Bankiga Dhexe, Abdulsalan iyo Maamul Goboleedka Puntland Faroole oo si hoose u heeshiyay (Document sir ah ku lifaaqan) Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ayaa wuxuu shaqaaleyay Lobbyst firm Moffett Group shirkadaas oo la shaqaysa Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland uuna iska leeyahay nin beri hore ahaan jiray congresska maraykanka oo la yiraahdo Toby Moffet, isla marka ninkaas wiil gabadhiisa qaba oo la yiraahdo Toby Constantine ayaa wuxuu ...
4 hours, 50 minutes ago
2
views
Star Fm ─ Ra`iisul wasaarihii hore ee dalka Raila odinga ayaa waxa uu sheegay in uusan wax shaqa ah ka doonayn dowlada Jubilee ka dib markii ay soo baxday in madaxwayne Uhuru uu doonayo in uu xil u dhiibo . Raila ayaa carabka ku adkeeyay in aysan jirin wax shaqa ah oo uu u soo bandhigay madaxwayne Uhuru isagana uusan shaqa ka codsan dowlada Jubilee Mr odinga ayaa waxa uu sheegay in uu ...
4 hours, 50 minutes ago
5
views
Star Fm ─   Dowlada ayaa beenisay in safarka uu madxwayna ku xigeenka ku marayo qaar ka mid ah wadamaada africa ay ku baxayso lacag aad u badan . Madaxwayna ku xigeenka dalka William Ruto ayaa beeniyay warar ay qoreen qaar ka mid ah saxaafada dalka taasi oo ku saabsan in safarka uu ku tagay qaar ka mid ah wadamada africa ay ku baxday dhaqaala dhan 100 milyan oo shiling . Xoghayaha joogtada ...
4 hours, 50 minutes ago
1
views
Star Fm ─   Madaxwayne Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in dowlada ay wax waliba oo karaankeeda ah samayn doonto si loola dagaalamo falal danbiyeedka ka dhacaya qayba ka mid ah dalka . Madaxawayne Kenyatta ayaa waxa uu carabka ku adkeeyay in danbiilayaasha ay haystaan hal khiyaar oo kali ah taasi oo ah in ay joojiyaan danbiyada hadii kale ay sharciga wajihi doonaan . Madaxwayne Kenyatta ayaa waxa uu sheegay in dowlada ay dajisay ...
4 hours, 51 minutes ago
6
views
Nuxur ─ Waxaa shalay magaalada Nairobi gaar ahaan xaafada islii ka dhacay xaflad si wayn loo soo Agaasimay ayna ka soo Qeybgaleen Boqolaal qofood oo iskugu jira, Ganacsatada islii, Aqoonyahanao Haween dhalinyaro waxgarad. Kulankaan oo uu soo Qaban Qaabiyay Ururka ugu way ee Somalida leedahay ee Xafiiskiisu yahay Magaalada Nairobi, Xarunta kobciye community centre ayaa waxaa ka hadlay wax garad kala Duwan. Shirkaan oo u Jeedadiisu ahayd sidii dadka dagan ay u ...
4 hours, 51 minutes ago