10
views

Xukuumadda Oo Xoriyadoodii U Soo Celisay Dad Ciidamada Amaanku U Xidheen Tuhuno Argagixisanimo

nnn“Intii aanu xidhnayn jidh dil ayaa lanagu sameeyayay oo  inaanu kaadino ayaa lanoo diiday”Mid Ka Mid Ah Dadka soo daayay

Hargeysa (Waaheen) – Ciidamada amaanka Somaliland, ayaa xoriyadoodii u soo celiyay ku dhawaad 24 qof oo afartii habeen ee u dambeeyay loo qabqabtay tuhuno argagixiso, kuwaasi oo ku kala xidhnaa saldhigyada booliska ee Magaalada Hargeysa.

Dadkan oo u badan dhalinyaro, ayaa siyaabo kala duwan ciidamada amaanku uga soo qabteen xaafadaha Magaloyinka Hargeysa qaarkood, siiba degmooyinka Maxamuud Haybe iyo Axmed-dhagax oo ciidamada amaanku hawlgallo amaanka kor loogu qaadayey ka sameeyeen, ayaa xoriyadoodii loo soo celiyey shalay ka dib baadhitaano lagu sameeyay, inkasta oo dadkan oo Waaheen la hadlay ay sheegeen inaan waxba la waydiin isla-markaana aan loo sheegin sababta loo xidhay midna.

mmmm5Dadkan oo dhamaantood rag ah isla-markaana muddooyin kala duwan xidhnaa, ayaa qaarkood sheegeen in markii la xidhay lagu sameeyay jidh dil, ilaa 24 saacadoodna loo diiday inay kaadi u baxaan, balse aan wax la xidhiidha sababtii loo xidhay aan la waydiin.

Dadkan ayaa ka sheekeeyay sida loo qabtay iyo siyaabaha ciidamada amaanka ee qabtay ay ula dhaqmeen mudadii ay hayeen “Waxa la igu xidhay saldhiga Ibraahim Koodbuur, waxaana I xidhay dad aanan garanayn oo wejiga soo duubtay, ayaa aniga iyo afar qof oo meherada ila joogay na qabtay oo beerka dhulka noo saaray, 8 saacadood ayaanu meel dhaxan ah fadhinay, saddex cishana waxaanuna ku xidhnayn jeel cidlo ah, maanta (shalay) ayaa lana soo daayey, waxaanuna ahayn 24 qof, saldhigyada Magaalada ayaa lanoo qaybiyey wax allaale iyo wax lanagu haystayna lanooma sheegin” sidaa waxa yidhi Cabdikariin Haaruun Maxamed oo ka mid ah dadka xoriyadoodii loo soo celiyay oo u waramay Waaheen shalay galinkii dambe oo la soo daayay, waxaanu intaa ku daray “Intii aanu xidhnayn waalana jidh-dilay oo waa lana camaajureeyay, silsilado ayaa lanu xidhay oo 42 saacadood ayaa xitaa inaanu kaadino lanoo diiday.”

mmmmoFu’aad Maxamed Cabdi oo isna ka mid ahaa dadka soo loo daayay ayaa yidhi “Anigu waxaan xidhnaa muddo afar cisho ah, waxa la iga soo qabtay xaafada TOTAL, niman afka duuban-baa noo soo galay anaga oo tukaan fadhina, dabadeedna katiinado ayay nagu xidheen, saddex saacadood ayay meel dhaxan ah nagu hayeen, markii dambana way na xidheen, intii aanu xidhnayn wax su’aal ah oo lana waydiiyay ma jirto, ciidanka na xidhayna waa kuwa isku sheega RRU-da”

Maxamed Yuusuf Cabdilaahi, ayaa isaguna sheegay  “Aniga waxa la iga soo xidhay xaafada TOTAL, waxaanan xidhnaa muddo laba habeen ah, intii aanu xidhnayna jidh dil ayaa lanagu sameeyayay oo  inaanu kaadino ayaa lanoo diiday, Moobiladii, gogoshiina meel aanu u raacnoo ma garanayno, maanta ayuunbay nagu yidhaahdeen guryihiin qabta, sababta lanoo xidhay ma garanayno, laakiin waxay na moodayeen qolada argagixisada ah”ayuu yidhi.

 

 

 

Read full story >>

13
views
WidhWidh ─ Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Shiiq Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow ka dhoofay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho iyagoo ku sii jeeda magaalada Addis Ababa ee xarunta wadanka Ethiopia. Madaxweyne Xasan Shiiq Maxamuud iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho ku sii sagootiyay guddoomiyaha baarlamanka ahna ku simahada Madaxweynaha, R/wasaaraha dalka, xubno ka tirsan labada gole iyo saraakiil ciidan. Afhayeenka madaxweynaha C/raxmaan Cumar Cusmaan “Yariisoow” ...
10 hours, 11 minutes ago
33
views
WidhWidh ─ Xasbunalaah Muuqaalkaani oo ah mid kamidaa mucjisooyinka rabaaniga ah ayaa waxaa uu yahay in xayawaanka maska uu isku badalay dhagax. Dhagaxa oo markii dab lagu dhajiy noqonaya muuqaal kaduwan kii sii hore iskuna badalaya mas xasbunalaah waan arin si toos ah oo aan wax in dhu sarcada kujirin kana midaa mucjisoo yinka rabaanigaa ee Alle awoodiisa ah Daawo Muuqaalak kaa yaabind oona oo ah Maska isku badalay dhagax subxaanalaah Halkan ...
10 hours, 11 minutes ago
4
views
VOA Somali ─ Barnaamijka Dhakhtarka Waydii waxaa todobaadkan marti ku ah Dr. Cabdulqaadir Xuseen Warsame oo isbitaalka Tawakal ee magaalada Nairbi u qaabilsan xanuunada ku dhaca maskaxda, waana qeybtii seddexaad.
10 hours, 11 minutes ago
5
views
VOA Somali ─ 50 sano ayaa kasoo wareegtay markii la aas-aasay ururka Midowga Afrika, markaas oo dawlado dhowr iyo soddon ah oo ay Somalia ka mid ahayd ay dhidibada u taageen
10 hours, 11 minutes ago
6
views
Star Fm ─ Wararka ka imanaya dalka Niger ayaa sheegay in qaraxyo ismiidaamin ah lagu qaaday labo xarumood oo kala ah xarun militariga uu leeyahay iyo xarun kale oo ku taal woqooyi galbeed dalka niger. Ku dhawaad 19 ruux oo eey ku jiraan 18 askari ayaa ku dhintay qarayo is miidaamin ah oo ka Dhacay xarun militarigu uu yelay oo ku talaa magaalada dhanka waqooyi dalka Niger ee Agadez,sida ay sheegeen saraakiil ka ...
10 hours, 11 minutes ago
5
views
Somaliland Org ─ “Waxaan ka wada Hadalnay Sidii loo Maataanayn Lahaa Tv-ga Qaranka iyo ka Itoobiya” “Waxaan rajeynayaa xidhiidhkan bilowga ahi inuu noqdo mid joogto ah” Addis-ababa (Somaliland.Org)-Maareeyaha Tv-ga Qaranka Mudane Khadar Xasan Cali Gaas, oo socdaal shaqo ku jooga dalka Itoobiya ayaa kulan kula yeeshay magaalada Addis-Ababa maamulahaTv-ga dalka Itoobiya Mr. Ottayo oo ay ka wada hadleen sidii loo samayn lahaa iskaashi dhex mara labada Telefishan. Maareeyaha Tv-ga Qaranka, Khadar Xasan Cali ...
10 hours, 11 minutes ago
45
views
Somali Swiss ─ Yusuf Garabey
10 hours, 12 minutes ago
30
views
Somali Midnimo ─ Saacid Shirdoon Doqon Doqomo Kale Shirinaya!. MUQDISHO:- Doqonkii Daarood Saacid Shirdoon oo Carrabkii Bararay siduu Qaad u cunayey ayaa Shir Jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa, malaha wuxuu u maleeyey Dad Dhagoolayaala in uu la hadlayo, waxay kamid tahay Dhibaatada haysata Dadka Madaxda sheegta ee Soomaalidaa, wuxuu leeyahay Mucaaradka Mooshinka keenay wax yar ayuu ahaa 10 Illaa 15 Qof, dhinaca kale wuxuu leeyahay Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa 55 Xildhibaan oo ka laabtay Mooshinka ...
10 hours, 12 minutes ago
4
views
Qurbe Joog ─ MOGADISHU May 23 2013 (SDN) — Weeraro isxigxigay oo ay kooxaha Islaamiyiinta Soomaaliya ka geysanayeen caasimada Muqdisho ayaa ku qasbeysa maalgaliyayaal, Ganacsato iyo shaqaalaha gargaarka in ay la yimaad fikir kale oo ku aadan balaarinta howlaha ay Muqdisho ka wadaan. Ciidamada AU iyo kuwa Soomaaliya ayaa Al Shabaab ka saaray caasimada bishii August 2011, markaasi oo Muqdisho loo arkay goob ka nabdoon sidii ay sanado hore soo ahaan jirtay. Soomaalida ...
10 hours, 12 minutes ago
16
views
Puntlandi ─ Farshaxanka caanka ah ee Amin Arts oo farshaxankiisa ku muujiyay in Dowladda Somalia ee uu hogaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh ay ku waddo umadda soomaliyeed ee 23-sano colaadda iyo abaarta dilootay wadadii colaada, kala qaybinta, dagaalada sokeeye iyo burbur hor leh oo dib uga bilaabma dalka Soomaliya. Farshaxanka ayaa ku muujiyay sawirkiisa sida umadda soomliyeed ay uga murugsan yihiin, islamarkaana ay uga niyad jabsan yihiin siyaasadda Dowladda Soomaliyeed. Halkaan hoose ka ...
10 hours, 12 minutes ago