9
views

Kenya oo si buuxda Soomaaliya ugu soo wareejisay Dhulka Safaarada Soomaalida ee Kenya.

Maxamed-Cali-Ameeriko-wardeeq1Iyadoo is qab qabsi badan horey uga taagnaa dhulka Saxaafada Soomaaliya ee dalka kenya dacwado badan horey u dhaceen ayaa waxaa Dowlada Kenya ay ku dhawaaqdey in dhulka Safaarada Soomaalida ee Kenya leedahay Dowlada Soomaaliya gaar ahaana loo aqoonsadey in dhulkaasi ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed.

Safiirka Dowlada Soomaaliya u fadhiya dalka kenya maxamed Cali Nuur Ameeriko oo Warbaahinta la hadley ayaa waxaa uu cadeeyay in Dowlada kenya Safaarada dhulkeeda ay kusoo wareejisay Dowlada Soomaaliya islamarkaana loo cadeeyay Muwaadin horey ugu doodayay inuu isaga leeyahay in aan waxba ku laheyn.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa waxaa uu tilmaamay in Dowlada Kenya ay ka heleen Warqadii Aqoosiga ahaa ee mudadada badan ay ka sugayeen taasi oo cadeyneysa in dhulka Safaarada Soomaaliyeed ee dalka kenya ay leeyihiin Shacabka Soomaaliyeed,isagoona sheegay iney aad usoo dhaweynayaan arintaasi.

“Runtii waa war aad aynu ugu faraxney markii Kenya ay noo keentey Warqad lagu xaqiijinayo in Safaarada Soomaaliya ee dalka Kenya ay leedahay Dowlada Soomaaliya ama shacabka Soomaaliyeed,waayo mudo badan ayaa ka daba ordeyney waana noo noqotey sidii aynu rabney”ayuu yiri Safiirka.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka kenya ayaa waxaa uu mahad balaaran u jeediyey shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo kalin weyn ka qaatey sidii loo soo celin lahaa Dhulka Safaarada Soomaaliyeed ee dalka Kenya.

Wehelmedia.com kala soco wararkii ugu danbeeyay ee Soomaaliya.

Read full story >>

5
views
Horseed Media ─ Waxaa xusid mudan in magaalada caasimada u ahaan jirtay soomaaliya MOGDISHO ay kajireen qabqablayaal dagaal oo kala haystay xafadihii ay ka koobneed kuwaas oo ah halbeel laga soo bilaabo 1991-2004.dhaqan xumadii dagaal oogayaashii halkaa kajiray marabo in aan ka faaloodo laakiin waxaan ku koobayaa,nin waliba xaafaduu haystay waxay ku hayeen dhac,boob,kufsi,taasoo ay qabatimeen shacabka mogdisho.Mudo dheer kadib waxaa ilaahay qadaray [...]
2 hours, 19 minutes ago
1
views
Horseed Media ─ Kulan maanta ka dhacay magaalada Khartoum ayaa lagusoo bandhigau isku aadka waxaana cayaarta ugu horeysa ay dhex mari doontaa kooxaha kala ah Tusker iyo Super Falcon. Soomaaliya waxaa tartankan ku mataleysa kooxda horytaalka heysata ee Elman oo group-ka A kula jirta kooxo ad adag oo ay ka mid yigiin Simba iyo El Mereikh, waxaana mid ka mida labadan kooxood loo saadaalinayaa [...]
2 hours, 19 minutes ago
1
views
Horseed Media ─ By: Axmed-Keyse Cali Rooble ahmed.roble@gmail.com Waa hubaal in ka faaloodka arimmaha siyaasadeed ee Soomaaliya ay noqotay arin cid kastaa ku margato, ilaa wakhtigan aan loo helin maareyn sax ah, iyo xal ka gadma maanka bulshada Soomaaliyeed. Wakhti badan ayaa hadba meel laga eegay xalka Soomaaliya, lana keenay wax xal u muuqda, laakiinse aan lagu xasilin, siina xumeeyey xaaladda, xiisado hor lehna abuuray! Waxa arintu noqotay [...]
2 hours, 19 minutes ago
1
views
Horseed Media ─ The Somali Police Force, the Somali National Army and the National Intelligence Service will work jointly with both AMISOM soldiers and police to conduct the crackdown that will involve rigorous door-to-door, stop & search and cordon & search operations. This crackdown aims to stem insecurity caused by insurgents who – on the back foot after a string of defeats in [...]
2 hours, 19 minutes ago
1
views
Awdal Press ─   Awdalpress -May 21, 2013 — Afhayeenka ciidamada AMISOM ee u dhashay dalka reer Djabouti, ayaa ka hadlay maanta howlgallo ay booliiska dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ka wadaan Muqdisho, kuwaasoo lagu soo qabqabtay boqollaal qof oo u badan dhallinyaro. Col. Cali Aadan Xumad oo saxaafadda kula hadlay xarunta AMISOM ay ku ay ku leedahay Muqdisho ayaa sheegay in howgalladan ay yihiin kuwo amniga guud ee caasimadda lagu adkeynayo, wuxuuna ...
2 hours, 20 minutes ago
2
views
Awdal Press ─ Sumcadda siyaasadeed amma sooyaalka siyaasadeed ee dawladda boqortooyada Ingiriiska lagu yaqaannaa maaha mid isa suldaarta, meesha ay gacmaha la galaanna si dhayal ah faraha ugama qaadaan. Dalka Somaliya ee ay immiga u tafa xayteenna aad ayuu ugu sahlan yahay sida ay ku dajin karaan. Waxana warar hoose sheegayaan in marka hore ay isku dayi doonaan in la is hor fadhiisiyo kooxaha sida gaar wax u wata iyo dawladda Somaliya ee ...
2 hours, 20 minutes ago
2
views
Aaran News ─ Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay waxay shaacisay inaysan wax ciidan ah ka joogin gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose, halkaas oo ay ku suganyihiin hadda 5-Madaxweyne oo uu mid kasta sheeganayo inuu yahay kan sharciga ah ee ka talinaya gobolada Jubbooyinka. Taliyaha cusub ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ee gobolada Jubbooyinka Col. Faarax Makooma oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan wax ciidan ...
2 hours, 20 minutes ago
1
views
Aaran News ─ Waxaa shalay maalintii labaad magaalada Muqdisho ka dhacay howlgalo dad badan lagu qabqabtay oo ay si wada jir ah u fuliyeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo booliska AMISOM, waxaana howlgalkaasi ka hadlay taliska ciidanka AMISOM oo sheegay inaysan joojin doonin howlgalada, isla markaasna guriguri ay u gelidoonaan xaafadaha magaalada Muqdisho si ay ammaanka u sugaan. Howlgalka ayaa waxa uu xoogiisu ka dhacay xaafadaha ay ka koobantahay degmada Wardhiigley gaar ahaan xaafadaha ...
2 hours, 20 minutes ago
1
views
Aaran News ─ Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa digniin u diray xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya gaar ahaan kuwa aan soo xaadirin kulamada ay Baarlamaanku yeeshaan, waxaana digniintan jeediyay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Jaylaani Nuur Iikar oo sheegay in hadda wixii ka dambeeya aan loo dulqaadan doonin mudanayaasha ka maqnaada kulamada Baarlamaanka. Jaylaani Nuur ayaa sheegay in Xildhibaankii soo xaadiri waaya kulamada Baarlamaanka uu waayi doono xubinnimadiisa Golaha Baarlamaanka, wuxuuna ugu baaqay dhammaan ...
2 hours, 20 minutes ago
1
views
Aaran News ─ Wararka aynu ka helayno magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa waxay sheegayaan in shalay magaaladaasi ay gaareen wafdiyo kala duwan oo ka kala socday dowlaha Mareykanka, Midowga Yurub iyo Shiinaha, kuwaas oo la sheegay inay u kuurgalayaan xaaladda Kismaayo iyo doorashooyinka muranka dhaliyey ee halkaasi ka jira. Sida warku sheegayo wafdiga ayaa markii ay gaareen magaalada Kismaayo waxay kulamo kala duwan la qaateen Axmed Madoobe oo ka mid ...
2 hours, 20 minutes ago