views
Mwaki Baki “Ciidamo kale ayaan u direynaa Dalka Soomaaliya”
Isagoo shaley kumanaan Shacabka Kenya ah kula hadlayay Barxad weyn oo kutaala Magaalada Nairobi ee dalka Kenya Madaxweynaha wadanka Kenya Mwaki Baki ayaa waxaa uu ka hadley arimo badan oo khuseeya dalka Soomaaliya oo ay ka mid tahay howlgalka ciidamada kenya ay ka wadaan Soomaaliya.
Madaxweynaha wadanka Kenya oo mudadada uu xilka heynayo wax yer ay uga dhiman yihiin ayaa waxaa uu sheegay in Dowlada kenya kaalin weyn ay ka qaadatey sidii dalka Soomaaliya loogu soo celin lahaa kala danbeyntii iyo nidaamkii horey uga jirey wadanka Soomaaliya.
Mwaki Baki oo hadalkiisa wata ayaa waxaa uu ku dheeraadey ka hadalka howlgalka ciidamada Kenya ay ka wadaan gudaha wadanka Soomaaliya,isagoona ku amaaney ciidamada AMISOM gaar ahaana kuwa Kenya iney uga dhabar adeegeen iney dagaal kulul dalka Soomaaliya kula galaan Kooxda Shabaab.
“Dalka Soomaaliya waa dal dariskeena ah waa sababta aan ciidamo u geyney hadana waxaan ku tala jirnaa in ciidamo kale oo dheerad ah u dirno dalka Soomaaliya,waayo Dowlada Kenya waxay diyaar u tahay in ciidamadeeda ay qeyb weyn ka qaataan soo celintii amaanka dalka Soomaaliya”Ayuu yiri Madaxweynaha wadanka Kenya.
Madaxweynaha wadanka Kenya Mwaki Baki waxaa uu sheegay sidoo kale in Dowlada Soomaaliya haatan ay wado dadaal badan oo ku aadan sidii nabada loogu shaqeyn lahaa isagoona ku dhiira geliyey madaxda sar sare ee dalka Soomaaliya iney sii wadaan dagaalka Shabaab.
Wehelmedia.com kala soco wararkii ugu danbeeyay ee Soomaaliya.
Warar kale oo la xariira
Up coming
views
views
views
views
views
views
views
views
views
views