views
Dad badan oo lagu qabtey magaalada Hargeysa.
Sida ay sheegayaan wararka saaka naga soo gaaraya dhanka Maamulka Soomaaliland waxaa howlgalo ciidamada Maamulka Soomaaliland ay ka sameeyeen qaar ka mid ah magaalooyinka maamulkaasi ay kusoo qabteen dad badan oo lagu eedayay iney falal amaan daro ah ka wadeen halkaasi.
Howlgaladan oo la sheegay in si wadajir ah ay u sameynayeen ciidamada Booliiska iyo kuwa nabad sugida Maamulka Soomaaliland ayaa waxaa inta badan uu ka dhacay xaafadaha kala duwan ee magaalada hargeysa kuwaasi oo markii lasoo qabaneyay ku howlanaa sida la sheegay falal amaan xumo.
Wasiirka arimaha Gudaha ee maamulka Soomaaliland oo warbaahinta la hadley ayaa waxaa uu xaqiijyey in ciidamada maamulkiisa xaafadaha Hargeysa ay kasoo qabteen dad badan oo uu tilmaamay iney wadeen falal lidi ku ah amaanka Maamulka Soomaaliland.
Wasiirka oo hadalkiisa wata ayaa waxaa uu tilmaamay in raga howlgalka lagu soo qabtey ay gaarayaan ilaa iyo 20-ruux laakin Wasiirka ma uusan carabaabin tirada rasmiga ah ee ciidamada ay kasoo qabteen Magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Soomaaliland oo howlgalka uu ka dhacay.
Raga la qabtey ayaa waxaa markii loo taxaabey xabsi kuyaala Magaalada hargeysa si dhowaan Maxkamad loo soo taago,laakin Wasiirka Arimaha Gudaha ayaa waxaa uu wacad ku marey iney xaqiijinayaan amanka deegaanada maamulka Soomaaliland.
Wehelmedia.com kala soco wararkii ugu danbeeyay ee Soomaaliya.
Warar kale oo la xariira
Up coming
views
views
views
views
views
views
views
views
views
views