20
views

Waddooyinak soo Gala Is Goyska Km 4 oo Saaka Gaadiidka ka Xiran Ciidamo Fara Badana la soo Dhoobay.

 

Dhaq dhaqaaq Ciidan oo xoog leh ayaa laga dareemayaa Saaka waddooyinka soo gala Is Goyska Kiilo Mitir Afar ee Magaalada Muqdisho iyadoo isla markaana la arkayo Gaadiidka Dagaalka iyo Ciidamo fara badan oo aad u hubaysan halkaasna ku sugan,..

Ciidamadan ayaa waxa ay joojinayaan Gaadiidka kala duwan ee Waddooyinka soo gala Km 4 iyadoona lagu amrayo in ay ka leexdaan Wadadaas halka Dadka Lugaynaya ay si caadi ah Wadooyinkaas isaga gudbayaan.

Is Goysyada Zope iyo Banaadir ayaa iyaguna lagu celinayaa Gaadiidka ka yimaada dhinaca Af Gooye iyo Degmada madiina iyadoo rakaabka gaadiidkaas la socdana lagu amrayo in ay halkaa kaga haraan gaadiidka.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in sababtu ay tahay iyadoo la filayo in saacadaha soo socda uu ka soo dego Garoonka Diyaaradaha caalamiga ee Magaalada Muqdisho wafdigii ka socday Xukuumadda Turkiga.

Ra’isulwasaare ku xigeynka turkiga mr Bekir Bozdag iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa la filayaa in saacadaha soo socda uu ka soo dago garoonka diyaaradaha caalamiga ee magaalada muqdisho isagoo kulamo laqaadan doona masuuliyiinta u sareysa dawlada soomaaliya .

Wixii warar ah eek u soo kordha booqashada la filaayo in uu manta muqdisho ku yimaado mr Bekir Bozdag ayaan ahayn m

Tii ugu horeysey ee uu Soomaaliya ku yimaado iyadoo mudada uu joogano dalkana la filayo inuu mashaariic dhowrah uu dhagax dhigo.

Xafiiska war qabadka .

xafiiska Kismaayo 24 ee Muqdisha.

Read full story >>

9
views
Qurbe Joog ─ Dhul gariir xoogle ayaa ruxay meel ka baxsan jasiirad lamoodka Ruushku leeyahaay ee Kamchatka, taasi oo ku tala dhinaca bariga fog ee dalweynaha Ruushka. Saraakiisha ku sugan gobolka xaga bari ee Ruushka ee Sakhalin ayaa bixiyey digniin ah in ay soo socoto Sunaami, hase ahaate haatan digniintaasi waa laga noqday Xafiiska Mareykanka u qaabilsan la socodka dhulgariirada ayaa sheegay qiyaastiisu aheyd 8,2 . hase haate, masuuliyiinta Ruushku waxay sheegeen dhulgariirku ...
4 hours, 49 minutes ago
8
views
Qurbe Joog ─ Beijing May 25,20139SDN)- Shiinaha ayaa ku yaboohay ciidamo cusub oo nabad ilaalin ah ooqaramada midoowday u dirayso wadanka Maali Tiro kabadan 500 oo iskugu jira askar nabad ilaalin ah iyo injineero ah ayuu Shiinahu u dirayaa hawlgalka nabad ilaalinta eek a socda wadanka Maali. Ciidamo gaadhaya ilaa 6’000 askari oo ka socda midawga Afrika ayaa haatan ka hawlgala wadanka Maali , si ay gacan ugu siiyaan ciidamada wadankaasi dagaalka ay ...
4 hours, 49 minutes ago
9
views
Qurbe Joog ─ Kabul May 25,2013(SDN)- Qaraxyo waaweyn ayaa ruxay badhtamaha magaalada Kabuul ee xarunta wadankaasi Afgaanistaan, kuwaasi oo ay daba socdeen tacshiirdo culus oo rasaas ah oo la isweydaarsanaayo . Janalka koowaad ee Telefiishanka Afgaanistaan ayaa, kusoo waramay koox hubaysani in ay weerar kusoo qaadeen xarun ay lahaayeen ciidamada mukhaabaraadku , warku waxaa uu intaasi ku daray in kooxda weerarka soo qaaday ay qabsadeen meelo ka mid ah dhismahaasi. ciidamada amaanka ayaa ...
4 hours, 49 minutes ago
7
views
Aaran News ─ Wararka naga soo kala gaaraya magaalooyinka Boosaaso iyo Gaalkacyo ee gobolada Bari iyo Mudug ayaa waxau sheegayaan in magaalooyinkaasi ay siyaabo kala duwan uga dhaceen dilal loo kala geystay nin nabadoo ah iyo mid ka mid ah askarta maamulka Puntland, kuwaas oo ay dilalkooda fuliyeen sida ay dadka deegaanku sheegeen kooxo ku hubeysnaa bastoolado. Dilka hora ayaa ka dhacay magaalada Gaalkacyo halkaas oo lagu dilay mid ka mid ah nabadoonada ...
4 hours, 51 minutes ago
7
views
Aaran News ─ Ugu yaraan 3-askari ayaa ku dhimatay tiro intaasi ka bandanna way ku dhaawacmeen qarax miino oo lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya ee ku sugan magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan, iyadoo qaraxa ka dib ay ciidamadu fureen rasaas aad u xoogan oo sababtay dhimasho iyo dhaawac la sheegay. Qaraxa miino ee lagu weeraray ciidamada Itoobiya ee ku sugan magaalada B/weyne ayaa ka dhacay isgoyska Irid-Aamin oo kala bara ...
4 hours, 51 minutes ago
11
views
Aaran News ─ Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khubad dhinacyo badan taabaneysay ka jeediyay xafladdii lagu maamuusayey sanad guuradii 50-aad ee ka soo wareegatay markii la aasaasay ururuka Midowga Afirka oo lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu rajeynayo in dhawaan shirka ururka Midowga Afrika lagu qaban doono magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Soomaliya ay kaalin weyn ku laheyd dhismaha ...
4 hours, 51 minutes ago
9
views
Aaran News ─ Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan {Jawaari} oo markii ugu horeysay ka hadlay arrinka gobolada Jubbooyinka iyo xiisadda ka taagan magaalada Kismaayo ayaa sheegay in Baarlamaanka Soomaaliya la horgeyn doono dhawaan barnaamijka maamul u sameynta gobolada dalka, kaas oo horay Xukuumadda u ansixisay. Guddoomiye Jawaari oo la hadlay idaacadda ku hadasha afka dowladda Soomaaliya ee Radio Muqdisho ayaa sheegay in dhawaan Baarlamaanka la horgeyn doono barnaamijka maamul u sameynta ...
4 hours, 51 minutes ago
12
views
Aaran News ─ Kulankii wasiiro arrimo dibadeedka IGAD ee ku soo gabagaboobay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa bayaan laga soo saaray waxaa lagu sheegay in IGAD aysan marnaba aqoonsaneyn maamulada is magacaabay ee ka jira Kismaayo ee sheeganaya Madaxweynayaasha Jubbaland, sidoo kalena shaaciyey in dowladda Soomaaliya ay iyadu xaq u leedahay maamul u sameynta Kismaayo iyo gobolada kale. Qodobadii ka soo baxay kulankii IGAD ay ku yeesheen Addis Ababa ayaa ...
4 hours, 51 minutes ago
18
views
Aaran News ─ Wararka ka imaanaya magaagalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa waxa ay sheegayaan in shalay uu kulan albaabada u xirnaa uu halkaasi ku dhexmaray afar ka mid ah Madaxweynayaasha is magacaabay ee Jubbaland, kuwaas oo kulankooda ka dib baryaan ay soo saareen ku sheegay inay midoobeen, isla markaasna ay si wada jir ah u wada shaqeyn doonaan sida ay yiraahdeen. Sida warku sheegayo kulanka ayaa waxa uu dhexmaray Col. ...
4 hours, 51 minutes ago
15
views
Aaran News ─ Generaal C/laahi Sheekh Ismaaciil {Fartaag} oo ah Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Jubbaland garabka Axmed Madoobe ayaa jawaab kulul ka bixiyey hadalkii ka soo yeeray Madaxweynaha Soomaaliya ee ahaa inaysan aqoonsaneyn doorashooyinkii Kismaayo iyo maamulada ka jira halkaasi ee shaaganaya Madaxtinimada Jubbaland, wuxuuna sheegay Mr. Fartaag in Xasan Sheekh uu jeclaan lahaa sida uu yiri inay Kismaayo ka dhacaan dagaalo lagu riiqma, dadka wada dhashayna ay isku baabi’iyaan. Jenaraal Fartaag Madaxweyne ...
4 hours, 51 minutes ago