26
views

Danjire Maxamed Cali Nuur: Waraaqihii Lahaanshaha Dhulka Safaaradda Soomaaliya Waa Nalagu Soo Wareejiyey

Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameeriko)

Nairobi (RBC) Danjiraha Soomaaliya ee wadanka Kenya Maxamed Cali Nuur “Ameeriko” ayaa sheegay in shalay [Jimce] lagu soo wareejiyey waraaqaha lahaanshaha dhulka safaaradda Soomaaliya ee magaalada Nairobi kaasoo muddo dheer dacwad ay ka taagneyd ka dib markii sida la sheegay dhulkaasi uu si khalad ah u iibsaday nin ganacsade Hindi ah sanadkii 1995.

Danjire Maxamed Cali Nuur “Ameeriko” ayaa raadiyaha VOA u sheegay in maxkamadda Kenya iyo guddiga dhulka ay si rasmi ah ugu soo wareejiyeen dukumintiyada lahaanshaha dhulka taasoo muujineysa in mulkiyada dhulkaasi ay tahay hanti ummadda Soomaaliyeed ay leedahay wixii hadda ka dambeeya.

“Guddiga dhulka ee dalkan Kenya ayaa si rasmi ah noogu soo wareejiyey waraaqihii lahaanshaha dhulka, sanadkii 2012 ayaa dhulkanaloo xukumay laakiin hadda sharciyadii rasmiga ahayd oo naga maqnaa ayaa naloo keenay.” ayuu yiri danjire Ameeriko oo sheegay inuusan fileynin in wax dacwad kale ah ay ka daba iman doonto dukumintiyada la siiyey.

Mudo ka badan saddex sano ayay qaadatay dacwadda dhulka safaaradda Soomaaliya ee Kenya ka dib markii nin ganacsade Hindi ah oo degan Naitobi uu sheegtay inuu dhulka safaaradda ka iibsaday nin horey danjirihii Soomaaliya ee safaaradda Kenya u ahaa kaasoo si tuuganimo ah dhulkaasi ummadda Soomaaliyeed leedahay lacag yar ku iibsaday iyadoo looga faa’ideystay buruburkii dawladii dhexe ee dalka.

Dawacwada lahaanshaha dhulka oo gaartay dhowr maxkamadood ayaa ugu dambeyntii sanadkii 2012 waxay maxkamad ku taalla Nairobi xukmisay in dhulka ay leedahay dawlada Soomaaliya isla markaana aan la iibsan karin. Hase yeeshee waxaa tan iyo xilligaasi weli dib u eegis lagu wada dukumintiyada oo shaay oo Jimce ahayd 22/02/2013 ugu dambeyntii waraaqihii dhulka lahaanshihiisa lagu wareejiyey masuuliyiinta safaaradda Soomaaliya.

 

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Read full story >>

1
views
Golis News ─ Muqdisho(Golisnews) — Afhayeenka ciidamada AMISOM ayaa ka hadlay maanta howlgallo ay booliiska dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ka wadaan Muqdisho, kuwasoo lagu soo qabqabtay dad badan oo dhallinyaro ah. Col. Cali Aadan Xumad oo saxaafadda kula hadlay xarunta AMISOM ay ku ay ku leedahay Muqdisho ayaa sheegay in howgalladan ay yihiin kuwo amniga guud ee caasimadda lagu adkeynayo, wuxuuna sheegay inay guri-guri u geli doonaan guryaha ku yaalla Muqdisho. “Howlgalladan ...
2 hours, 25 minutes ago
5
views
Golis News ─ Ujeedo: Warsaxaafadeed CAMBAARAYN Xisbiga caddaalada iyo Daryeelka ee UCID, waxa uu u taaganyahay ilaalinta jiritaanka Jamhuuriyada Somaliland, fulinta go’aanka shacabka ee madaxbanaanida Jamhuuriyada Somaliland. Waxa aanu si aad ah u cambaaraynaynaa fara-gelinta iyo xad-gudubka siyaasadeed ee joogtada ah ee ay dawlada Somaliya ku hayso Jamhuuriyada Somaliland. Hadalka ka soo yeedhay wasiirka warfaafinta Somaliya waxa uu muujinaya khiyaamada ay dawlada uu ka tirsanyahay kula jirtay qodobadii ka soo baxay shirkii Ankara, ...
2 hours, 25 minutes ago
2
views
Golis News ─ Hadal layaab leh ayaa ka soo yeedhay Madaxweynaha Soomaaliya Maalintii la xusayay xornimada Somaliland.? ?. ?18 May Waxay Mudnayd Hambalyo iyo Hawraar San, Balse Bah-dil iyo Hawraar Xun May Gayin? Maalinta xornimada Somaliland ee 18-ka May waxa loo soo maray dhibaatooyin fara badan oo dad aad u tiro badani u god-galeen, taas oo wali ay sii taagan tahay riiqdiisii iyo raadkii uu ka tagay. Waxa xusid mudan dhacdadii naxdinta iyo ...
2 hours, 25 minutes ago
2
views
Golis News ─ Germany(Golisnews)-Xaflad si wayn loo soo agaasimay oo kadhacday habeenkii axadii,xafladaas oo lagu xusayay sanadguuradii 22 ee kasoo wareegtay markii ay Somaliland lasoo noqotay qaranimadeeda xafladaas oo ahayd mid si heersare ah loosoo agaasimay waxaa kasoo qayb galay dad aad u badan oo ka kala yimiday 16ka gobol ee uu wadankan Germany ka koobanyahay Xafladaas oo ay kala soo qayb galeen wufuud sar sare oo ay ka mid ahaayeen Gudoomiye ku ...
2 hours, 25 minutes ago
4
views
Ciyaaro ─ Kubaddii lagu ciyaarayay kulankii Bayern Munich iyo Cologne ayaa si lama filaan ah u dilaacday walow aysan garoonka ka jirin kubadd la’aan hadana waxey aheyd wax aan la fileyn in kubaddii lagu ciyaarayay ay si fudud ku dilaacdo markii Daniel van Buyten oo Bayern u ciyaara oo laaday kubadda kadibna ay dilaacday markii uu isku dhigay Ståle Solbakken oo Cologne u ciyaara. Hoos ka eeg sidii ay wax u dhaceen ...
2 hours, 26 minutes ago
2
views
Bar Kulan ─ Ganacsatada gobolka Galgaduud ayaa billaabay in ay keydsadaan badeecooyinka kala duwan maadaama uu xilliga bad-xiranka soo dhow yahay. Ganacsatada ayaa ka cabsi qaba in uu saameyn ku yeesho xilliga bad-xiranka, waxaana ka mid ah waxyaabaha ay shirkadaha ganacsiga ay keydinayaan raashinka iyo shidaalka. Cabdiraxmaan oo ka mid ah ganacsatada magaalada Dhuusamarreeb ayaa Bar-kulan u sheegay [...]
2 hours, 26 minutes ago
1
views
Bar Kulan ─ 2013-05-21-barnaamijka-haweenka
2 hours, 26 minutes ago
4
views
Bar Kulan ─ Australia ambassador to Somalia, Kenya, Tanzania, Rwanda, South Sudan, Uganda, and Burundi Geoff Tooth have on Monday visited the capital of Puntland administration Garowe, marking the first high-level visit by an Australian diplomat to Puntland. The ambassador met Puntland president Abdirahman Sheikh Mohamed Farole together with some of his cabinet ministers at the Puntland presidential [...]
2 hours, 26 minutes ago
1
views
Balanbal ─ Muqdisho: Bannaanbax looga soo horjeedo Mooshinka ka dhanka ah xukuumadda Soomaaliya laguna taageerayo dadaalada iyo waxqabdka xukuumadda R/wasaare Saacid ayaa maanta lagu qabtay Barxadda Sayid ee magaalada Muqdisho,Dibadbaxa ayaa waxaa ka qayb galay boqolaal ruux oo shacab ah kuwaas oo ku qaylinayey ereyo ay ku mucaaradsan yihiin Mooshinka la doonayo in kalsoonida loogala noqdo Xukuumadda. Shacabka bannaanbaxa dhigayey ayaa muujiyey iney ka xukun yihiin Tallaabada ay qaadeen qaar ka tirsan ...
2 hours, 26 minutes ago
23
views
Waajid ─ WAAJIDPRESS – 21 May 2013: Dhangad ayaa sheegay in an lo adkaysan karin Waxyaabaha ay ku Hadlayaan Maxamed Amiin iyo Bare Hiraale waxaa unaa sheegay in Nimankaas ay Yihiin Dhuni qatayaal Dhangad ayaa sido kale sheegay In aysan mesha kajirin Habayarate Wax dowlad ah isagoo sheegay ay arimo gaar ah kadamacsantahy Kismaayo Dhinaca kale Waxa u weraar afka ah uu ku qaaday Odayaasha dhaqanka Beelaha Hawiye isagoo sheegay in inta ...
3 hours, 24 minutes ago