27
views

Culumada Soomaaliyed ee Ictisaam ayaa soo saaray baaq Saddexaad oo ay uga hadlayaan dilkii ay Sheekh C/qaadir Gacameey..

Culumada Soomaaliyed ee Ictisaam ayaa soo saaray baaq Saddexaad oo ay uga hadlayaan dilkii ay maleeshiyaadka Al-Shabaab u geysteen Sheekh C/qaadir Gacameey oo ka mid ahaa culimada Soomaaliyeed

Kadib markii ay sii kordheen dhibaatadda kooxda maleeshiyada Shabaab ay ku hayaan culumaa’udiinka Soomaaliyeed iyo dadka wax galka u ah bulshada ayaa waxaa isa soo tararayay baaqyada ku aadan in laga hortago falalka guracan ee kooxdani ay ku heysato indhaha bulshada.

Culumaa’udiinka Soomaaliyeed ee Ictisaam ayaa baaqii Sedaxaad ka soo saartay dilalka joogtada ah ee kooxda argagaxisada ee Al shabaab ay ku hayaan culumada Soomaaliyeed gaar ahaan dilkii ugu dambeeyey ee Magaaladda Garowe ee xarunta gobolka Nugaal loogu geystay Allaha u naxriistee Sheekh  C/qaadir Nuur Faarax

Sheekh Axmed Cabdi Samad oo ka mid ah culumada Soomaaliyeed ee Ictisaam ayaa uga mahad celiyay maamulada Puntland iyo Somaliland sida ay uga qeyb qaateen sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa gacan ku dhiiglayaashii ka dambeeyay dilkii Shiikha.

Sheekh Axmed Cabdi Samad aya ugu baaqay culumada Soomaaliyeed in ay sameyaan wacgelin ku aadan sidii looga hor tagi lahaa dhibaatada Maleeshiyada Al shabaab ay ku damacsanyihiin in ay kaga hortagaan horumarka hada uu ku talaabsaday dadka iyo dalka soomaaliyeeed.

Dhinaca kale Sheekh Axmed Cabdi Samad ayaa ugu baaqay in ay badiyaan baryada Alle  si looga hortago falalka guracan ee shabaabku ay geystaan waxaana uu ku baaqay in la sameeyo banaanbaxyo balaaran oo looga soo horjeedo kooxdan gabbalkeedu uu sii dhacayo.

Baaqan Sedaxaad ee culimada Soomaaliyeed ee Ictisaam ayaa imaanaya xilli uu weli sii kordhayo baaqyada ku aadan in la soo qabto arxan laabayaashii ka dambeeyey dilkii Allaha u naxriistee Sheekh  C/qaadir Nuur Faarax.

Source: Radiomuqdisho

www.Nuxur.com

cabdixakiin441@hotmail.com

Read full story >>

6
views
VOA Somali ─ Waxaa fashil uu ku yimid mooshin ka dhan ahaa xukuumadda Ra'iisul-wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), kadib markii xildhibaannadii horey u soo gudbiyey intooda badan ay la laabteen.
3 hours, 24 minutes ago
3
views
Somaliland Org ─ Boorame (Somaliland.Org)-Waxa maanta shirkoodii ugu horeeyay qabsaday gudiidii loo magacaabay inay ka soo talo bixiyaan sidii loo dawayn lahaa caafimaadka ciyaaraha gobolka Awdal, oo la isku raacsan yahay in wax laga qabto, waxana shirkan maanta ay yeesheen oo ka dhacay xarunta dawlada hoose ee Boorama ka soo qayb galay xubnaha gudidii shalay la magacaabay oo uu weheliyo isuduwaha ciyaaraha ee gobolka Awdal, Cabdiwahaab Yusuf Ibraahim. Kulankan ay maanta yeesheen gudidan ...
3 hours, 25 minutes ago
1
views
Somaliland Org ─ Hargeysa (Somaliland.Org)-Maayarka Boorama Saleebaan Xasan Xadi ayaa maanta markii ugu horaysay si balaadhan uga mahad naqay sidii balaadhnayd ee dadwaynaha reer Borama ay uga qayb qaateen xuskii munaasabada 18 May ee qaranimadii Somaliland. Maayar Saleebaan oo shir jaraaid qabatay ayaa yidhi “ Waxa aan rabaa inaan si balaadhan ugu mahadnaqo, dadwaynaha reer Boorama oo si balaadhan oo qaranimo ka muuqato isugu soo baxay noogalana qayb qaatay xuskii 18 May, waxa ...
3 hours, 25 minutes ago
3
views
Somaliland Org ─ Hargeysa (Somaliland.Org)- Badhasaabka gobolka Awdal Cabdoo Axmed Aayar ayaa maantaka amba baxay magaalada Boorama iska markaana lagu wadaa in maalmaha soo socdauu u duulo dhinaca dalka Ingiririiska oo uu ku maqnaandoono mudo aanan la xaqiijin karin balse ay suura gal tahay inay dhanaato 2 todobaad ama 3 todobaad. Badhasabka ayaa markii uu ambabaxayay ka gaabsaday inuu saxaafada uga hawaramo ujeedada safarkiisa, waxana uu shir jaraaid oo uu maanta qabtay ku ...
3 hours, 25 minutes ago
1
views
Somaliland Org ─ Boorame (Somaliland.Org)-Wasiirka Beeraha ee Somaliland Prof. Faarax Cilmi Geedoole ayaa kormeer hawleed ku soo maray beeraha degaanada, Cadaad, Badanbad, Xeego, Dooxa Biraad, Dibarawayn, Baki, Old Baki, Sogsogley, degmolaqas, Holholka oo intuba hoos yimaada degmooyinka Baki iyo Boorama. Ujeeda booqashada wasiirka ayaa waxa ay ka dambaysay kadib cabashooyin isa soo tarayay oo ka soo yeedhayay dadka beeralayda ah ee degaanadaas taasi oo ku qotontay cayayaan ku dhashay beeraha, iyo meelaha qaar ...
3 hours, 25 minutes ago
3
views
Somali Midnimo ─ MUQDISHO:- Baarlamaanka Riddada ah ayaa kulan ay Maantay iskugu yimaadeen wuxuu kudhamaaday Qaylo iyo Sawaxan, kadib markii Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari uu yiri, 93 Xildhibaan ayaa Mooshin keenay 50 kamida waxay isoo gaarsiiyeen Waraaqo ay oga laabteen, saakayna 13 kale ayaa isoo gaarsiiyey, marka waa laga laabtay Mooshinkii. Siyaasiyiin Soomaaliyeed ayaa Maalintii shalay ahayd sheegay in Saacid Shirdoon in uu Villa Soomaaliya ka qaybinayo Lacag Laaluush ah, waxaana cad ...
3 hours, 25 minutes ago
4
views
Somali Memo ─ Faah Faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo culus oo saaka aroortii hore ka dhacay deegaanka Mustaxiil ee gudaha dhulka Soomaligalbeed ee Itoobiya. Wararka ka imaanaya Mustaxiil ayaa sheegaya in ciidamo taabacsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay saaka aroortii hore weerareen saldhigyo ciidanka Itoobiya ku leeyihiin tuulooyinka kala ah Qudumo-qaris iyo Sabat-xume halkaasi oo ay ka dhaceen dagaallo saacado badan qaatay. Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidanka Mujaahidiinta ay dagaalka kadib ...
3 hours, 25 minutes ago
4
views
Raxanreeb ─ Boosaaso[RBC Radio] Kulan ballaaran oo lagu taageerayey Maamul-goboleedka Jubbaland ee looga dhawaaqay magaaladda Kismaayo ayaa maanta ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Munaasabada lagu taageerayey Jubbaland oo lagu qabtay Xarunta dawladda Hoose ee magaaladda ayaa waxaa kasoo qeybgalay Guddoomiyaha gobolka Cabdisamad Maxamed Gallan,Duqa degmada Boosaaso Xasan Cabdala Xasan,Nabadoono,Haween,Dhalinyaro iyo Bulshada Boosaaso. Madaxda gobolka Bari iyo Kan Degmada Boosaaso Guddoomiyaha gobolka Cabdisamad iyo Duqa degmada Boosaaso Xasan Cabdalla ayaa ...
3 hours, 25 minutes ago
2
views
Raxanreeb ─   Guddoomiyaha gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Gallan Boosaaso[RBC Radio] Guddoomiyaha gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Gallan oo maanta khudbad ka Jeediyey Munaasabad lagu taageerayey Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday in guud ahaan gobolka laga taageeray Maamulka cusub. ….”"” Dhamaan 9-ka degmo ee gobolku ka koobanyahay,waxaa ka dhacay kulamo ,Isu imaatin iyo isu soo bixid,waxaana lagu wada taageeray maamulka laga yagleelay Jubbaland ee loo doortay Madaxweyne Axmed Maxamed Islaan(Axmed Madoobe),Isla markaana Madaxweyne ...
3 hours, 25 minutes ago
1
views
Raxanreeb ─   Nabadoon Cabdiqaadir Xarago Boosaaso[RBC Radio] Guddoomiyaha Nabadoonada gobolka Bari Cabdiqaadir Ibraahim Xarago ayaa ugu baaqay dawladda federaalka Soomaaliya iney taageerto Maamul-goboleedyada dalka jira iyo kuwa dhismaya. ….”"” Waxaan baaq u dirayaa dawladda federaalka ee Hoggaanka u haysa dalka Soomaaliya oo mudadanba kasoo baxayeen hadalo oo aan ugu baaqeyno mas’uuliyada iyo Dastuurka,midnimada dalka iyo sidii hawshooda u gudan lahaayeen una taageeri lahaayeen Maamul-goboleedyada horey u jiray iyo kuwa dhismaya…..”"”ayuu yiri. ...
3 hours, 25 minutes ago