views
Shacabka ku dhaqan Puntland oo qaati ka taagan Dawooyinka Tayada daran ee lagu gado Farmashiyada Qaar.
Garoowe (RBC RADIO) Tan iyo Wixii ka dambeeyey Burburkii Dalka Hooyo kadib 1991dii dhinacyada ay bulshada Soomaaliyeed ka liiteen waxaa qayb ka ahaa Dhanka Caafimaadka oo sida la sheego ay Soomaliya Bar Tilmaameed ay u tahay in lagu soo daadiyo Deegaanadeeda Dawooyin dhacay iyo kuwo Taag daran oo waqtigoodu uu dhawyahay taasoo sababta in dad badan oo aan aqoon durugsan u lahayn Dawooyinka ay is ticmaalaan kadibna ku sumoobaan.
Meelaha ugu badan ayeey dadku sheegayaan in ay tahay Farmashiyada oo cid kasta ay iskeed u furaneyso kuna gadayso dawo kasta oo ay doonto aysannah jirin Cid kormeerta ama Culeys ku saarta ogaanshaha waxa ay Bulshada ka gadayso waxaana taa sii dheer in Qofka Goobra furtay uusan aqoon durugsan u lahayn Dawooyinka iyo qaabka loo isticmaalo ayna usii dheertay guud ahaan Caafimaadka oo uusan aqoon Durugsan u lahayn taasoo keenta sida ay Bulshadu tibaaxayaan in Qof u baahnaa in lagu duro Cirbada Duumada oo uu Dhaqtar usoo qoray badalkeed lagu duro Cirbada loo adeegsado marka ay Haweenku Foolanayaan Taasoo ka dhacday Dhawr magaalo ayna keentay Aqoon daro iyo Indha adeeg ay sameeyaan Dadka Qaar ee isku sheega in ay Dhaqaatiir yihiin ama wax ka yaqaanaan dhanka Caafimaadka sida ay ku doodayaan Bulshada ku dhaqan Puntland qaarkood oo ka hadlay Idaacadaha Gudaha.
Dadka ayaa ku talinaya in loo turo Bulshada waxayna fariin u direen wasaarada Caafimaadka Puntland oo dhawaan sheegtay in ay mamnuucday Dawooyinka dhacay iyo Farmashiyada leyska Furanayo iyagoo ka codsaday in ay ka dhabeyso Talaabooyinkii 2 bil ka hor ay sheegtay in ay qaadi doonto si looga hortago dhibaatooyinka Bulshada ka haysata Dhanka Caafimaadka, waxaana si weyn isha loogu hayaa dhanka Dhaqaatiirta, Farmashiyada, Umulisooyinka, Goobaha Dhirta leysku daweeyo lagu gado, iyo dawo dhaqameedkaba.
Inkastoo baahiyahaasi badan ay jiraan ayaa hadana shalay garoowe waxaa lagu soo gabagabeeyey kulan soconayay 5 maalin kaasi oo ay soo qaban qaabisay Hay’ada Caafimaadka Aduunka ee WHO kaasi oo loo qabtay Saraakiil Caafimaad oo ka kala Socday Wasaaradaha Caafimaadka ee DFS, S-Land, iyo Puntland kuwaasi oo la baray habka loo baaro Dawada Dhacday iyo mida tayada daran iyo in ay ka hawlgalaan Goobaha Sheybaarada si loo yareeyo Cabshada Bulsaha kasoo yeereysa ee ku aadan dhanka Dawada iyo Guud ahaan Aqoon darida ka jirta Dhanka Caafimaadka. Dr Cali C/laahi Warsame Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Puntland oo kulankaasi ka hadlay wxuu sheegay in aan leysku darsan Karin Aqoon yari iyo Dawooyin halis ah oo dalka lagu soo qul-quliyo sidaa darteedna kooxdan 3geesoodka ah ee tabarka Qaatay ay kaalin ka qaadan doonaan ka hortaga Dhibaatooyin badan oo dalka ka jira, Wasiirku wuxuu ganacsatada soo galisa dawooyinka dalka ku booriyay in aysan ka fikirin Jeebkooda oo kaliya balse ay libinta siiyaan caafimaadka Shacabkooda Soomaaliyeed ee u baahan Gurmadka iyo garab istaaga badalkeed intii loo keeni lahaa dawo dhacday iyo Farsamo Caafimaad oo qaldan.
Saraakiishan Caafimaad ee dabagalka loo tababaray ayaa inkastoo mudada 5ta beri ah ee lasiiyay ay aad u yarayd marka la eego Masuuliyada la saaray ayaa dhankooda balan qaaday in ay waajibkooda gudan doonaan Bilaha soo socdana ay warbixino kala duwan soo saari doonaan, Arintan ayaa haday hirgasho waxaa sahlanaanaya in Bulshada Soomaaliyeed ee Dhibaateysneed mudada 22ka sano ah laga badbaadiyo Qataraha ay ka dhaxlaan Dawooyinka Qaldan kuwa waqtigoodu dhacay iyo Aqoonta dhaqratnimo ee been abuurka ah oo ay in mudo ahba kusoo dhexjireen.
Ibraahim Muuse Dahraan (Wadani)
RBC RADIO
Xafiiska Garoowe.
Use Facebook to Comment on this Post
Up coming
views
views
views
views
views
views
views
views
views
views