views
Faah Faahin Kasoo Baxaysa Qasaaraha Dab Xalay Ka Kacay Xerada Qaxootiga Xagardheer
Xagardheer(RBC Radio) Faahfaahino ayaa kazoo baxaya dab habeenkii xalay ka kacay xerada qaxootiga Xagardheer ee gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya oo ay ku jiran kumanaan qoys oo qaxooti Soomaali ah wararka laga helayo xeradaas ayaa ku waramaya in dabkii xalay ka kacay xeradaas uu geysty qasaare kala duwad.
Warar iskhilaafsan ayaa kazoo baxaya waxa dhaliyey dabkaas oo geystay dhaawaca 5 ruux iyo burburka hanti badan oo ku basbeeshay dabkaaso dadkan dhaawacmay ayaa la sheegay in dhaawacyadu ay soo gaareen xili ay isku dayayeen iney damiyaan dabkas,dadka xerdaa egan ayaa ku uuleystay daminta dankaas
Walow ay markii danbe goobta soo gaareen ciidamada booliska wadanka Kenya oo ka qeyb galay xakamaeynta dabka iyagoona la sheegay iney daminta dabka kaga qeyb galeen Booyadaha biyaha qaada oo ay ku damiyeen dabkaasi ka kacay goobaha ganacsi.
Dabkan ayaa waxaa ku hanti beelay dad ganacsiyo yar yar ku lahaa goobta ay Masiibadu ka dhacday,maaha markii ugu horeysay ee u dab ka koco xeryaha qaxootiga Soomaalida ee dalka Kenya oo ay ku nool yihiin boqolaal kun oo qaxooti Soomaaliyeed ah kuwaas oo ka cararay dagaaladii ka socday dalka Soomaaliya.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho
Use Facebook to Comment on this Post
Up coming
views
views
views
views
views
views
views
views
views
views